Gullspång
Gullspång waa degmada yar oo uu ku taalo inta uu dhaxeeyso labado wabiyaasha Vänern iyo Vättern ee Iswiidhan ugu weeyn. Ayadoo leh dad kor yar dhaafaayo 5 300, Gullspång waa degmad fiican oo raaxo leh. Xaafadaha ugu weeyn ee degmada waa Hova iyo Gullspång.
Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
5300
Cabirla dhulka
313 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Degmada waxaa ku yaalo guriyaal la kireeysto iyo guryo la bar iibsado labadaba.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Afka iraan/dari, af faarisi, af bashto, af tigrinya, af tigre, af lingala, af swahili, af fransiis, af ingriis, af carabi, af soomaali.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Gullspång waxaa ku taalo kaniisada Iswiidhan, kaniisada bingist iyo kaniisada faafinta.
Maxaa ka ag dhaw
Waxaa inta ku yaalo waxaa ka mid ah dukaamo, maktabad, maqaayado, kafeteeriyo, goob jimicsi iyo farmashiye.
Degmada Gullspångs qofka waligiis uma fogo dabasha, halkaan waxaa ku yaalo Bartfoten gudaha Otterbäcken, Skagersviksbadet gudaha iyo goobta dabaasha Otterbergets bad ee gudaha Hova.

Degmadan waxaa ku yaala hoyga caruurta keligood yimi iyagoo aan waalid la socon.
Dalyeelka carruurta
Degmada Gullspång waxaa ku taalo dugsiyaal xanaano ee gudaha bulshadooyinka Otterbäcken, Hova iyo Gullspång.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Gullspång waxaa ku yaalo iskuul loogu tala galay fasalada 0 9, Hova gudaheedna fasalka 0 6. Dugsi sare waxaa ku yaalaa Mariestad.
Furadaha waxbarasho
Gudaha bulshada Otterväcken waxaa ku taalo xarunta waxbarashada SFI iyo xarunta waxbarashada ee barashada bulshada. Jaamacad waxeey ku taalaa Karlstad, Skövde iyo Örebro.
Caafimaadka
Xaafadaha Gullspång iyo Hova waxaa ku yaala labo rug caafimad. Gullspång waxaa ku yaala daryeelka ilkaha.
Caawinaad turjubaan
Degmada Gullsång waxeey balansataa markii loo baahdo xafiiska turjumaanka ee Mariestad.
Xiriirka gaadiidka
Xariir baseed oo la lee yahay Västrafik ayaa halkaan ka jiro. Sido kalena Hova xariir tareeneed ee Västtrafik ku xiran ayaa ka jiro.
Shaqo iyo ganacsi
Shaqo dhiibaha ugu weeyn degmada waa xafiiska degmada Gullspång. Howlaheena gudaheed waa gaar ahaan kuwo iskuulka iyo xanaaneeynta waayeelka, waxaa loo baahan yahay badana shaqaale ku meel gaar ah ee mudo gaaban iyo mudo dheer. Sido kale halkaan waxaa ka jiro warshado-sameeyn iyo shirkadooyin yar oo qandaraas.