Härryda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Härryda waxeey ku taal agagaarka Göteorg iyo Borås. Waxaan heysannaa dhul dabiici ah oo qurxoon, eeyna ku yaallaan balliyo iyo keymo badan. Degmada Bartamaheeda waxaa ku yaal garoonka diyaaradaha ee Göteborg Landvetter Airport.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

37901

Cabirla dhulka

290 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Degmada Härryda waxey leedahay lix xaafadadood oo waaweyn: Mölnlycke, Landvetter, Hindås, Härryda, Hällingsjö och Rävlanda. Qiyaas ahaanti kala bar dadka waxey degan yihiin Mölnlycke. Haddii aad raadsaneyso guriga kiro ah ama guri kale ee degmada Härryda waxaad la xariiri kartaa qofka guriga leh iyo kireeyaha si aad u maqasho sida safkooda u geli karto.

Muuqaalka Mölnlycke bartamaheeda oo biyo ka muuqdaan xaga hore.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Härryda dadka degan 4% waa ajaanib, 14% dadka deganna waxaa dhalay waalidiin ku dhashay wadanka dibaddiisa. Luqadaha afka hooyo ee iskoollada lagu barto waa ingiriis, carabi, iiraani, kurdish iyo albeeniyaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Härryda waxaa ka jira jaaliyado badan sida kuwa isboortiska iyo kuwa dhaqanka. Jaaliyadaha waxeey howlo u qabtaan carruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Jaaliyadaha oo dhan waxaad ka heli kartaa liiskeena diiwaan galinta jaaliyadaha.

Guriga dhaqanka ee Mölnlycke.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Härryda waxaa ku yaal lix xaafadood oo waaweyn, labada ugu weynna waa Mölnlycke iyo Landvetter. Mölnlycke waxaa tusaale ahaan ku yaal xafiiska shaqada, maktabad, guriga degmada, dukaamo, dukaamada gacan labaadka. Landvetter waxaa iyada xataa ku yaal dukaamada qaarkood, adeega guud ee xaafadaha Härryda, Hindås, Hällingsjö iyo Rävlanda wuu xadidan yahay. Maktabado waxeey ku yaallaan xaafadaha Mölnlycke, Landvetter, Hindås iyo Rävlanda.

Dalyeelka carruurta

Degmada Härryda waxaa degan qoysaska ilmooleeyda ah waxaana ku yaal dugsiyada xanaanada carruurta iyo guryaha xanaanda carruurta oo badan. Xaafadaha Mölnlycke, Landvetter, Hindås iyo Rävlanda waxaa ku yaal xanaanadaha furan/xarunta xanaanada carruurta. Waxaad meeshaan kub aran kartaa waalidiinta inta eey carruurta isla cayaarayaan. Waa wakhti u fiican waalidiinta iyo carruurtaba waana bilaash.

Akhri dheeraad ku saabsan xanaanada caruurta iyo dugsiyada xanaanada ee degmadan.

Caruurta dugsiga xanaanada oo la ciyaaraysa macalimiin.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Härryda waxaa ku yaal 18 dugsiyo hoosedhexe, waxeeyna ku kala yaallaan xaafadaha Mölnlycke, Landvetter, Hindås, Härryda, Hällingsjö iyo Rävlanda. Mölnlycke waxaa ku yaal dugsiga sare ee Hulebäcksgymnasiet. Waa iskool caan ah isla markaasna leh barnaamijyo waxbarashadeed badan waxaana dhigta arday ka kala socoto gobolka Göteborg oo dhan.

Laba arday oo uu tilmaamayo macallin dhinaca nijaaradda ah.

Furadaha waxbarasho

Bartamaha Mölnlycke waxaa ku yaal iskoolka waxbarashada dadka waaweyn oo leh lokaallo qurux badan. Meeshaan waxbarashada waa lacag la'aan, waxaad gadaneeysaa buugaagtaada iyo qalabkaada waxbarasho oo kaliyah. Waxyaabaha iskoolka dadka waaweyn lagu barto waxaa ka mid ah: iswiidhiska labaro qaxootiga (sfi), heer waxbarasho oo ah dugsi hoosedhexe iyo dugsi sare iyo waxbarashada xirfadaha.

Caafimaadka

Waxaa jir arugag caafimaad oo ku yaal xaafadaha Mölnlycke, Landvetter iyo Hindås. Waxaa jira rug caafimaadka carruurta ah oo ku yaal xaafadaha Mölnlycke, Landvetter iyo Hindås. Hadaad u baahan tahay daryeel caawimaad habeennada iyo maalmaha fasaxa ah waxaad tagtaa isbitaalka Mölndals sjukhus. Daryeelka ilkaha waxuu ku yaal xaafadaha Mölnlycke, Landvetter iyo Hindås.

Caawinaad turjubaan

Markaad kulan ku leedahay xafiisyada dowladda ee degmada iyo xafiiska daryeelka qoyska iyo qofka waxaa laguu diyaarinayaa turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa jira basas isku kala goosha Göteborg iyo Mölnlycke oo 10 daqiiqo oo kaliya qaadanaya baska u dhaxeeya Göteborg iyo Landvetter waxuu qaadanayaa 20 daqiiqo oo kaliya. Baska u dhaxeeya Landvetter iyo Borås waxuu qaadanayaa qiyaastii 50 daqiiqo oo kaliya. Warbixinta ku saabsan gaadiidka dadweynaha oo dhan waxaad ka heleysaa shirkadda basaska ee Västtrafik.

Shaqo iyo ganacsi

Garoonka diyaaradaha ee Göteborg Landvetter Airport waa degmada meesheeda ugu weyn ee loo shaqo tago. Waxaa halkaan ka shaqeeya illaa 4 000 oo qofood oo ka kala shaqeeya boqolaal shirkadood oo kala duwan. Degmada Härryda waa shaqa bixiyaha ugu weyn, waxaa shaqooyinka aan bixina kala yihiin, kuwa iskoollada xanaanada, iskoollada caadiga ah, caafimaadka iyo daryeelka.