Karlsborg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Bey’ada nololeed ee fiican waxeey ka mid tahay fa’idooyinka weeyn ee Karlsborg, degmadana waxeey ku taala dhul qurxoon oo leh dabiicad xiiso leh iyo wabiyaal badan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6959

Cabirla dhulka

406 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmada Karlsborg waxeey taajir ka tahay soo bandhigi kala duwan ee dhaqamada, bey'ado kala duwan ee taarikhi ah iyo goob kulan oo loogu tala galay howl dhaqan iyo xilli firaqadeed. Tani waxeey fursad uu siineeysaa aragtiyaal kala duwan inta lagu jiro sanadka oo dhan. Dad firfircoon, xiiso uu hayo hadana kuwo wax uu abuuraayo ayaa ka mid ah tayadeena nololee ee Karlsborg. Asalka ayaan ku dhiseeynaa, waxaana sii wadeeynaa hormarida adadoo degmada laga dhigaayo mid dhaqameed iyo mid howlaha xilliga firaqadeed leh.

Deegaan

Karlsborg waxeey lee dahay soo bandhig guryo oo kala duwan. In badan oo ka mid ah guriyaasha waxeey ku yaaliin bey'ado dabiicad qurxoon oo uu dhaw biyo iyo lug iyo baskiil lagu tagi karo adeegyada iyo dugsiyada.

Haweenay fadhida salaanka gurigeeda.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa dagan dad ka socdo meelo kala duwan ee caalamka. Luuqadaha looga hadlo tusaale ahaan waa carabi, daari, soomaali, af ruush, tigrinya, afka thayland, afka hooland, afka noorweey, af jarmal, afka finland, afka ingriiska.

Jaaliyado iyo ururu

Karlsborg waxaa ku taalo dhowr kaniisad, ee ka mid tahay kaniisada Iswiidhan, kaniisada bingist iyo kanisada fidinta.

Sido kale halkaan waxeey taajir ka tahay ururada, kuwa isboortiga iyo kuwa dhaqamada sido kalena hey'addaha kheeyriga sidii Bisha cas iyo hey'adda badbaadinta caruurta.

Maxaa ka ag dhaw

Xataa haddii uu san weeyninkeeda uu saas uu weeyneeyn, degmada waxaa ku yaalo in ku filan oo maqaayado ah iyo biibito. Halkaas oo aad ka cuni karto laga bilaabaa biisooyinka aad ugu jeceshahay ilaa cunto aasiya ama casho leh cunto la shiilay. Haddii aad iska rabto lee xoogaa shah-shaah ah waxaad booqan kartaa in ka mid ah biibitooyinkena raaxada leh.

Dukaamada waxeey le yihiin soo bandhig dhar, sharaxaada iyo waxyaalaha isboortiga iyo xilliyada firaaqada. Haddii la doonaayo in lacag yar lagu helo wax, waxaa kale oo sii jiro dukaamo gacan labaad lagu iibiyo iyo gadgadid-bananeed oo la kala dooran karo.

Maktabad-weeyn oo leh soo bandhig ka weeyn kuwa kale waxeey ku taala bartamaha Karlsborg. Maktabada waxeey laamo ku lee dahay oo kale gudaha Undenäs iyo Mölltorp.

Hoowlaha isboortiga waxaa uu jiro goobta isboortiga iyo dabaasha ee Moliden. Sido kale waxaa jiro jidad in ku filan oo nuuca lagu ordo, baskiil lagu wado iyo lagu socdo.

Dad maalin xagaa ah jooga biyaha agtooda oo dekada doonyaha yar yar ka muuqato xaga dambe.

Adeegyada nuuca kale ah sidii xafiiska bulshada, farmashiye iyo banki waxeey ku yaaliin bartamaha Karlsborg.

Xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska iyo hey'adda canshuuraha waxeey xafiis ku lee yihiin Skövde oo Karlsborg uu jirto 45 kilomitir.

Dalyeelka carruurta

Karlsborg waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano iyo hoowlo loogu talagalay xanaanada waxbarashada leh ee caruurta ku jiro da'da 1 -5 sano. Caruurta uu dhaxeeyo 6 iyo 12 sano oo baahan ilaalin dugsiga ka hor iyo kadiba ee markii waalidka shaqeeynaayan, waxaa uu jiro guriga xilliga firaaqada.

Xarunta reerka Björken waa dugsi xanaano oo furan oo caruurta iyo waalidka si wadajir ah loogu soo dhaweeynaayo.

Ilmo kubad ku ciyaaraya dugsiga xanaanada.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Karlsborg waxaa ku taalo iskuulo loogu tala galay caruurta ku jiro da'da 6 ilaa 15 sano. Sido kale halkaan waxaa ku taalo goob-xilli firaaqadeed oo habeeno qarkood uu furan caruura fasalka 6:aad ilaa 18 jiro.
Dhalinyarta uu dhaxeeyso 16 sano iyo waxii ka koreeyo waxaa uu jiro dugsiyaal sare oo ku yaalo magalooyinka hareero Karlsborg. Inta badan waxeey uu safraan dugsiga sare ee Skövde ama Tibro.

Caruurta dugsiga hoose oo ku ciyaaraysa leexo.

Furadaha waxbarasho

Dadka waa weeyn waxeey dhigan karaan sfi (iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga), waxbarashada dadka waa weeyn iyo waxbarshada dadka waa weeyn ee gaarka. Dugsiga waxbarashada dadka waa weeyn waxaad ku lee dahay fursado badan oo aad ku hesho hab-waxbarasho oo adiga kuu haboon. Waxaad isku dhex wadi kartaa waxbarasho oo heerar kala duwan leh, waxaana fursad uu lee dahay in aad waxbarasho ku dhex wado shaqo.

Caafimaadka

Närhälsan ayaa laga helaa la xariirka daryeelka bukaanka, daryeelka hooyoyinka, daryeelka caruurta iyo daryeelka hilkaha.

Caawinaad turjubaan

Xafiiska Turjumaanada Galbeedka waxay ku turjumaan goobta iyo dhanka telafoonka.

Xiriirka gaadiidka

Gaadidka dad weeynaha ayaa loo qaadan karaa Skövde oo ah meel laga qaadan karo tareemo uu socdo tusaale ahaan Göteborg iyo Stockholm.

Västtrafik ayaa ka masu'ul ah gaadiidka dad weeynaha ee meesheena.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Karlsborg waxeey ka mid tahay shaqo dhiibaha ugu weeyn ee degmada. Ku dhawaad in ka mid ah hal sadaxdiba, shaqaalaha degmada Karlsborg waxeey noqon doonaan howl gab tobanka sano ee soo socdo. Mecnaheeda waxeey tahay in degmada ee lee dahay baahi shaqaale mustaqbalka. Gaar ahaan daryeelka iyo xanaaneeynta.

Degmada waxaa ku taalo "xarunta-shirkadeeynta cusub" oo soo bandhigeeyso talo ku socoto qofka ku fakaraayo in uu furto shirkad gaar ah.

Shaqo dhiibaha weeyn ee ka jiro degmada iyo agagaarkeeda sido kale waa Volvo, gobolka Västra Götaland iyo Wasaarada difaaca.