Lilla Edet

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Asas fiican, isgaadsiis fiican iyo degaan fiican waxeey asal uu yihiin hormarka iyo kobcinta degmadeena. Halkaan waxaa ka koreeyo goobo degan oo qurxon oo uu dhaw dugsi xanaano, iskuulo, dukaamo iyo hoowlo xilli firaaqadeed.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

14093

Cabirla dhulka

316 kiilomitir oo laba jibaaran

Dhulka webiga Göta älv

Webiga Göta ayaa dhexmaro degmada Lilla edet, laga bilaaba waqooyiga ilaa koonfurta. Dabiicada deeqsiga leh iyo webiga Göta waxeey soo bandhigayaan fursado badan oo lagu helo howlo dibadeed sanadka ooo dhan. Halkaan waxaad ka heleeysaa malaayga biyeed ee ugu fiican dalka iyo jidadadka jiqda ee ugu fiican. Degmada Lilla edet waxeey ka mid tahay 13ka degmo ee ku yaalo gobalka Göteborg ayadoo uu dhaw Göteborg, Trollhättan iyo Uddevalla.

Deegaan

Waxaa jiro kireeyaal guri oo madaxbanaan, shirkado guriyaal oo degmada lee dahay oo guriyaal la kireeysto. Oo kuyaalo degmada Lilla Edet. Shirkada guriyaasha ayaa masu'ul uga ah si gaar ah warbixin ku saabsan guriyaasha banaan iyo nidaaminta safka guriyeed ee jiri karo. Degmada Lilla Edet ma lahan xafiis dalaal ee degmadeed.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luuqadaha ee ku hadlaan dadka ku cusub degmada waxaa ka mid ah af carabiga, afka iraan, afka thayland iyo afka soomaaliga. Degmada waxeey lee dahay ku dhawaad 15-20 luuqado-kooxeed.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxeey lee dahay jawi urureed oo balaaraan looguna tala galay da'yada dhamaantod. Waxaa jiro ku dhawaad 100 ururo oo diiwaangalsan.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Lilla Edet waxaa ku yaalo guriga degmada oo waxa ku yaalo waxa ka mid ah xafiiska bulshada iyo xafiiska adeega muwaadinka, oo aad ka heli su'aalaha khuseeyso arimaha guud. Xafiiska shaqada iyo qasnada ceeymiska waxuu lee yahay oo kale howl ka dhacdo gudaha degmada. Agagaarka guriga degmada waxaa ku yaalo farmashiye, rugta caafimaadka iyo daryelka ilkaha ee dad weeynaha. Xarunta reerka Ekens goobtooda waxeey ku dhex yaalo qaabilaada umilsada, rugta caafimadka caruurta iyo dugsi xanaanao. Howlahaan waxa joogo shaqaalaha macalinka-reerka, aqoonyahanka cilmiga bulshada iyo cilmi nafsi yaqaane. Sido kale waxaa ku yaalo dukaamada raashinka, bankiyaal, dukaamo gacan labaad, systembolag iyo dhowr maqaayad-bitzo, biibito iyo maqaayado kale.

Degmada waxeey lee dahay qeeyb-suuq shaqaleeyn oo taageero siiso shaqo-raadiyaha iyo qaabilaad-qaxooti iyo wabarashada iswiidhishka ee loogu tala galay ajnabiga (sfi) oo gooni uu heeyso.

Lilla Edet waxeey lee dahay hoowlo badan oo kala duwan, looguna tala galay da' kasto. Degmada waxeey lee dahay jidad-socod, maktabad, mutxaf, shaleemo, Guriga Dad weeynaha, kaniisado, goobta kubada cagta oo leh coos sinaaceeysan, goob barafeed, guriga fardo raacida, goobta jimicsiga, goobta tenniska, goobta ciyaaraha guud, malaayga-lakska ee wabiga Göta iyo in kale oo badan. Bogga degmada waxaad ka akhrisan kartaa in kale oo ku saabsan waxa aad sameeyn karto iyo arki karto.

Dekada doonyaha yar yar kuna taala webiga Göta älv oo xaga hore laga arko ubaxyo.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruuarta waxaa lagu soo bandhigaa qeeybaha degmada dhamaantood Lille Edet, Göta, Lödöse, Nygård, Prässebo, Hjärtum iyo Västerlanda. Sido kale waxaa jiro kuwo madaxbanaan oo ku yaalo degmada Lilla Edet.

Caruurta dugsiga xanaanada oo haysata buug caruureed.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Lilla Edet waxaa ku yaalo dhowr dugsiyaal hoose oo loogu tala galay da'da 6-15 sano, hal iskuul oo madaxbanaan iyo hal dugsi sare. Dhalinyaro badan ee joogo degmada ayaa dhigto dugsiyaal sare ee meelo kale ku yaalo, gaar ahaan gudaha gobolka-Göteborg.

Furadaha waxbarasho

Haddii aad Iswiidhan ku cusub tahay oo aad rabto in aad barato iswiidhiska degmada waxeey ku soo bandhigeeysaa iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga (sfi), waxeeyna kuugu caawineeysaa iska qorida koorsada barashada-bulshada. Barashada-bulshada ee loogu tala galay ajnabiga waxaa lagu qabtaa Göteborg ayadoo lala shaqeeynaayo Magaalada Göteborg.

Xarunteena waxbarasho waxeey soo bandhigee waxbarashada dadka waa weeyn, oo halkaasi ka mid tahay koorso iswiidhishka nuuca labaadka oo heer dugsi hoose iyo dugsi sare lagu bandhigo.

Degmada Lilla Edet waeey sido kala la lee dahay heshiis-wada shaqeeyn oo ku saabsan waxbarashada shaqooyinka ee heerka dugsiga sare gudaha gobolka Göteborg. La xariir jiheeyaha waxbarashada iyo shaqooyinka ee degmada si aad uu hesho waxbarsho dheeraad ah.

Caafimaadka

Degmada Lilla Edet waxaa ka heleeysaa rug caafimaad, daryeelka ilkaha ee dad weeynaha, xarunta reerka oo leh rugta caafimaadka hooyoyinka, rugta caafimaadka caruurta, qaabilaada dhalinyarada, xanaanada waayeelada, qaabilaada dimirka ee furan iyo taageero caruureed iyo reered oo balaaran.

Caawinaad turjubaan

Degmada Lilla Edet ma lahan adeeg-turjumaan oo gaar ah oo adiga gaar uu qabsan karto. Laakin markii aad lee dahay balan ku socoto qeeybta suuq shaqaaleeynta iyo xafiiska bulshada, qofka dalka ku cusub waxuu fursad uu helaa in helo taageero afkiisa hooyo.

Xiriirka gaadiidka

Dhismaha jidka E45 iyo jidka cusub waxuu si dhaqso kuu geeynaa, kuna keena degmada Lilla Edet adigsoo raacaayo baabuur, bas ama tareen. Waxaa jiro khadad bas oo sii fiican uu dhisan oo isku xiro degmada meelaheeda dhan oo isku xiro (Lilla Edet, Göta, Lödöse, Nygård, Prässebo, Hjärtum iyo Västerlanda) oo leh khad basa oo ku socdo, kana socdo Trollhättan, Kungälv iyo Stenungsund iyo khad bas oo ku socdo Lödöse Södra, halkaas ayaa ka qaadan kartaa tareenka.

Mudada-safarka tareenka

  • Boosteejada Lödöse Södra Göteborg C, ku dhawaad 25 daqiiqo
  • Bosteejada Södra station Boosteejada Trollhättan , ku dhawaad 13 daqiiqo

Jadwalka-safarka iyo warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga Västtrafik iyo SJ.

SJ
Marinka jidka tareenka oo ku sii dhamaanaya halka laga arko.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxaa maanta ka jiro in dhaafaayo 1000 shirkad. Jawiga-shirkadeeynta waa mid weeyn, kobcinta shirkadaha cusubna waa mid fiican. Sanadkasto shirkadaha waa weeyn meesha waa kubadanooyaan. Shirkadaha weeyn ee degmada waxaa ka mid ah SCA Hygiene Products AB, Storel, Solhagagruppen iyo Electrolux. SCA iyo Storel waxeey doorteen in ee inta ka dhigtaan meesha ee waqooyiga uga keedsadaan, ayadoo ee taasi keentay bartameedka iyo xariirka-jideed ee E45, jidka-tareemeed iyo wabiga Älv oo ah jid-wareemo weeyn. Isgaadsiiska dad weeynaha waxuu sahlaa in shaqo dhiibe badan loo tagi karo sidii Göteborg iyo Trollhättan.

Qofka hami uu hayo in furo shirkad gaar ah waxuu la xariiri karaa hormariya arimaha ganacsiga ee degmada. Halkaas ayuu ka heli karaa tageero ee ah nuuc aqoon, xariir iyo khibrado.