Mark

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Mark waa degmad soo jiidasho leh oo lehna xaafada yar iyo weeynin kooda dhexeeyo-weeyn yahay. Kuligeedna waxaa lee yihin aragti wada shaqeeyn. Halkaan dadka waa iska tixgalinaa, waan tixgalinaa dhismaheena iyo tayeedena-nololeed.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

34844

Cabirla dhulka

929 kiilomitir oo laba jibaaran

Taalada Pegasus kuna taala Kinna.

Jawi urureed oo soo ubaxmaayo iyo jawi shirkadeed oo fiican waxeey keeneeysaa furado badan haddii aad runtii dooneeyso in aad fikradahaada dhab ka dhigto. Mark hadaan degan nahay waxaan si xasilooni leh ku nool nahay dabiicada. Halkaan waa meesha nolosha fiican!

Deegaan

Mark waxeey lee dahay dhismooyin isku jiro filooyin, guriyaal milki iyo guriyaal la kireeysto. Shirkada guryiyaasha ugu weeyn waa shirkada guriyaasha ee degmada, Marks Bostads AB (MBAB), oo leh in dhaafaayo 3100 guri. Ma dooneeysaa in dheeraad ah in aad ka ogaato guriyaasha Marks, istgaagto safkoodka guryeed ama aragto guriyaasha banaan, intaas oo dhan waxaad ka sameeyn kartaa bogga Marks Bostad. Sido kale boggena ayaad ka heleeysaa kireeyaha guriga ee madaxabanaan.

Hel shirkadaha guryaha iyo guryaha

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Ku dhawaad boqolkiiba 15 ee ka tirsan dadka degmada waxeey ka soo jeedaan dal kale. Luuqadaha waqooyiga yurub ee afka finish iyo denmark iyo noorway ma ahan waxa sii jiro ingriis, af jarmal, af isbaaniyool, afka seerbiya, afka koroshiya, afka carabi iyo af soomaaliga oo meesha ka ah luuqado yaryar.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Mark waxeey taajir ka tahay jawi shirkadood oo dad badan xiiso galiyaan. Degmada waxeey lee dahay ku dhawaad 400 oo ururo oo diiwanglasan. Urada dhamaantood waxaad ka heleeysaa diwaanka-urureed ee degmada. Waxaa jiro hoowlo kaniisada oo badan, oo markaasi kala wado howlo badan oo ku jiheeysan dadka dalka ku cusub. Laanta cas iyo Erikshjälpen waa ururo kale oo hoowshooda mecno ku fadhiso lehna howlo isku dhaw.

Dad baaskiil wata oo taagan bilowga tartanka baaskiilada ee Öresjön.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Marks waxey lee dahay xaafado badan oo yaryar. Mida ugu weeyn iyo bartamaha degmada waa Kinna. Halkaan waxaa ku yaalo xafiiska shaqada, xafiiska dad weeynaha iyo xafiiska bulshada. Gudaha Kinna iyo in badan ka mid ah degmada qeeybaheeda kale waxaa ka jiro adeegyo nuucayada dukaanka, iskuulada, maktabad iyo xanaaneeynta waayeelka.

Haweenay waayeel ah oo iibsanaya maryo.

Skene waxaa ku yaalo waxaa ka mid ah dukaamada gacan labaadka lagu iibiyo, ururka Roomaaniya iyo Gruvan. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo dugsiga sare ee degmada iyo goobta dabaasha Kaskad.

Caruur ku ciyaaraysa goobta dabaasha ee Kaskad.

Dalyeelka carruurta

Dugsiga xanaanda waxaa loogu tala galay caruurta ku jiro da'da 1-5 sano. Waxaan lee nahay 34 dugsi xanaano oo ku taalo degmada iyo kooxo-caruureed oo yaryar lehna macalin ku filan. Dugsiyada xanaanda ee degmada oo dhan waxaad ka wada helee bogga degmada. Dugsiga xanaanada furan waxuu lee yahay howl ka jirto Skene. Mark waxaa jooga koox-waalid. Qarkood waxaa loogu tala galay qofka ku hadlo carabi ama soomaali.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Mark waxaa ku taalo 19 dugsiyaal hoose, 7 ka mid ah waa kuwo leh fasalada dhexe. Skene waxaa ku yaalo dugsiga sare Marks oo leh ku dhawaad 900 oo arday iyo waxbarsho badan oo kala duwan. Sido kale Mark waa hal ka mid ah dugsiyada leh isboortiga ku jiheeysan baskeet.

Ardyayda ku cusub dalka dugsiga sare ee Marks waxuu usoo bandhigaa barnaamijka bilaawga luuqada, oo halkaasi waxbarashada xooga looga saaro luuqada iswiidhiska, xisaabta iyo maadooyinka sayinska iyo bulshada. Ula jeedada waxbarashada waxeey tahay in ardayga uu diyaariso waxbarasho ka sii soconeeyso barnaamijka iskuulka ee shaqada iyo waxbarashada degmada ee dadka waa weeyn.

Furadaha waxbarasho

Dugsi hoose iyo dugsi sare ma ahane, Mark waxuu lagu soo bandhigaa waxbarashada dadka waa weeyn ee lagu dhigo gudaha dugsi sare ee Marks. Sido kale halkaan ayaa lagu qabtaa waxbarashada iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga. Ayadoo lala shaqeeynaayo gobolka Borås, waxaa jiro waxbarasho-xirfadeed oo badan oo la dalban karo. Waxbarashada nuucas waxaad ka dalbaneeysaa Waxbarashada dadka waa weeyn ee gobolka Borås. Jmaacado waxeey ku yaalin masaafad-tareen jiro, gudaha Göteborg iyo Borås.

Caafimaadka

Gobolka Västra Götaland ayaa ka masu'ul ah daryeelka bukaanka. Skene waxa ku yaalo isbtaalka Skene, oo ah qeeyb ka mid ah isbitaalka Södra Älvsborg. Isbitaalka waxaa hada loo badalooyaa isbitaal-dhaw oo leh hoowlo qalin iyo kabid. Rug caafimaad ayaa ku taalo isbitaalka.

Sido kale ruggag caafimadka hada waa ku yaalin xafadaha Kinna, Fritsla, Sätila, Skene, Horred iyo Öxabäck laakin doorashada-daryeelka ayee markasto isbadashaa.

Degmada ayaa ka masu'ul ah xanaanada waayeelka iyo naafada. Warbixin ku saabsan degaameedna-waayeelada waxaan ku soo aruurinay boggeena.

Caawinaad turjubaan

Degmada markii aad la xaariireeyso haddii loo baahdo turjumaan waan balamineeynaa mid.

Xiriirka gaadiidka

Västtrafik ayaa kala wado gaadidka dad weeynaha oo dhan ee ka jiro degmada Mark. Meelaha gaadiika ugu badan yahay waa gaadiidka-tareemed ee ka soo baxo Borås ee ku socdo Varberg, iskuna xiro xaafadaha laga bilaabo Fritsla maraayo Kinna, hoos ilaa Horred. Baska maro jidka qaranka 156 waa mid iskuxigiisa badan yahay, si dhaqso badan ayaa looga raaci karaa Kinna iyo Skene ayadoo la maraayo Sätila iyo Hyssna ilaa Göteborg iyo Landvetter.

Shaqo iyo ganacsi

Waxaa degmada Mark ka jiro ku dhawaad 4000 oo shirkad. Waxaad ka wada heleeysaa kuwaasi diiwaankeena-shirkadeed. Degmada waxeey lee dahay laan-soo saarida dhar oo weeyn, hoowlo daryeel oo balaraan iyo warshado kala duwan. Degmada (oo leh 3000 oo shaqaale) shaqo dhiibaha ugu weeyn ee ku xigo waa Nordic care iyo Frösvik (daryeel), Stora Enso (warshadeeyn) iyo Ludvik Svensson (dhar soo saarid).

Laba gabdhood oo fadhiya sugayana inay doon ka raacaan harada Lyngnern.