Skövde

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Skövde waxaa degan 53 000 oo qofood, waxaana bartamaha gobolka ku yaala Skaraborg oo ku dhex taala bartamaha baliyada waa wayn ee Vänern iyo Vättern. Waa degmo koraysa oo wax walbana u dhaw!

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

55806

Cabirla dhulka

674 kiilomitir oo laba jibaaran

Calamo iswiidhish ah oo babanaya kuna jiro calanka Skövde iyo astaanta calaamada u ah oo dhexda ku taala.

Skövde waxay ku taal waddada wayn ee galbeed, u dhaxaysa Göteborg och Stockholm.

Skövde waxaa si booxda loo kordhiyay adeegyada bulshada ee degmada sida xanaanada carruurta, dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare. Waxaa kale oo ku yaala iskoolada gaarka loo leeyahay oo takhasusu kala duwan leh. Skövde waxaa loo yaqaanaa magaalada warshadaha oo ay Volvo ugu wayntahay kuwa shaqada bixiyo, laakiin sidoo kale waa magaalo waxbarasho oo jaamacado kordhaya leh. Tirada shaqooyinka banaan ee Skövde ayaa sii kordhaya sanadihii ugu danbeeyay oo u badan warshadaha, ganacsiga iyo caafimaadka. Degmada waxa kale oo ay caan ku tahay shikadaha yar yar oo badan, kuwaas oo inta badan ganacsatada ay kasoo jeedaan bariga dhexe. Isbitaalka Skaraborg ee Skövde, waxa ka shaqeeya 1500 oo shaqaalo, waxayna gargaar caafimaad siiyaan ma ahan dadka degmada oo kaliyah ee waxa oo kale ay siiyaan caafimaad degmooyinka u dhadhaw.

Degmada waxa ku hareeraysan quruxda waxyaabaha dabiiciga ah waxaana ku dhexyaala dhismo dhaqameed qadiimi ah. Waxaa jira shirkadaha kuryaha oo gaarka loo leeyahay oo laga kiraysto guryaha, iyo xataa shirkad guryo oo si wanaagsan loo maareeyay oo ay degmadu leedahay. Websidka degmada waxaa ah adeeg turjumaad, si loo akhristo waxyaabaha ku saabsan degmada oo luqado kala duwan ah.

Deegaan

Skövde waxaa ku yaala guryo noocyo kala duwan leh: guryaha kirada ah, guryaha iskaashatada iyo guryaha yar yar. Waxaa jira meela badan oo waaweyn oo la dego oo leh guryo kiro, ku waas waxaa is kaleh oo maamulana shirkada guryaha ee degmada Skövdebostäder AB. Waaweyn, shirkadaha guryaha kireeya ee gaarka loo leeyahay waa Apertment AB iyo Balder Din Bostad. Liis oo ay ku qoran yihiin kuli kuwa kuryaha kireeya ee degmada waxaad ka heli kartaa websidka degmada Skövde oo dhamaystiran.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Skövde waxay leedahay taariikh dheer oo xaga haajirida ah oo ka kala yimid xaga yurb iyo bariga dhexe. Dhamaadkii 1960 ki iyo bilaawgii 1970 ki ayaa shaqaalo badan yimid oo warshadaha u socday gaar ahaana ka yimid dalka Balkan. Qarnigi 1970 ki dhexdiisi ayaa qaxooti timid kana timid wadamada Turkiga iyo Lubnan, kuwaas oo degay kana mid noqday ganacsada yaasha iyo milkiilayaal shhirkado ee Skövde. Waxaa kale oo jooga qaxooti iyo dadkale oo ka kala yimid koonfurbari ee aasiya iyo sanadohi ugu danbeeyay oo qaxooti badan ka timid Soomaaliya, Kongo iyo Afgaanistan. Badankood inta degan Skövde waxa ay ku hadlaan luqado kale oo aan iswiidhishka aheen iyo ingriis!

Jaaliyado iyo ururu

Hadii loo eego magaalooyinga ku hareeraysan waxay ay ku taalaa Skövde bartamaha waana hodan xaga nolosha bulshada. Waxaa jira liis dhamaystiran oo ay ku qoranyihiin ururada degmada iyo ururada diimaha waxayna ku diiwangashanyihiin ururada degmadam. Waxaa jira tiro badan oo jaaliyadaha ciyaaraha ah oo xubin sare ka ah. Kubada gacanta iyo kubada cagta waa yacaaraha ugu caansan, lakin waxaa jira jaaliyado kale oo badan oo qofkasta loogu tala galay, laga bilaabo dadka yar yar ilaa iyo dadka waaweyn. Dadka degmada intooda badan waxa ay ka diiwan gashanyihiin jaaliyadaha qaarkood. Waaxda jaaliyadaha waa lagu kulamaa iyo layskula xiriiro. Skövde waxaa sidoo kale ku taal kaniisada siiriyaanta. Masjid in la dhiso waa lagu tala jiraa. Waxaa xataa jira laba jaaliyadood oo ay soomaalidu leedahay.

Maxaa ka ag dhaw

Maadaama degmada Skövde eey tahay degmada ugu ugu weyn uguna fiditaanka badan gobolka oo dhan, waxaa laga helayaa wax kasta oo dhinaca adeega bulshada ah. Xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska iyo xafiiska cashuuraha weey ku yaallaan degmada. Waxaa jira xafiis ku shaqo leh howlaha la xiriira is dhexgalka dadka. Xafiisyada dowladda oo dhan waxeey ka ag dhowyihiin bartamaha degmada waana loo kala lugeyn karaa.

Bartamaha degmada waxaa kaloo ku yaal guriga dhaqanka oo eey maktabad leh joornaallo iyo buugaagta kala duwan, ku taal. Waxaa kaloo isla dhismahaas ku yaal xarun farshaxan iyo tiyaatar.

Skövde waxeey ku caan baxday wax iibsiga. Waxaa jira suuqyo ganacsi oo waaweyn, oo eey usoo iibsi tagaan dadka degan gobolka oo dhan. waxaa alaab rakhiis ah ka heli kartaa dukaamada gacan labaadka. Waxaa degmada ku yaal dukaamo gado alaab ka timaado wadamada khaliijka, Afrika iyo Eeshiya.

Vad finns i närområdet

Dalyeelka carruurta

Dugsiyada xanaanada carruurta ee degmada Skövde aad ayeey u hormarsanyihiin. Sugitaanka iskoolladas waxeey qaadanayaan isbuucyo oo kaliyah. Degmadu waxeey ku dadaashaa in carruurta eey iskool ka helaan meel u dhow guriga eey degan yihiin. Iskoollada xanaanada badankood waa kuwo dowladeed, laakiin waxaa jira kuwo gaar loo leeyahay.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Skövde waxaa ku yaal dugsiyada hoosedhexe oo badan. Waxaa iyaga xataa badan dugsiyada sare, waxeeyna kala leeyihiin qeybo kala duwan. Badankood iskoollada waa kuwo dowladeed, waxaa iyagana jira kuwo gaar loo leeyahay.

Furadaha waxbarasho

Maadaama eey degmada Skövde tahay meel caan ku ah waxbarashada waxaa jira waxbarasho heerkasta leh. Waxbarashada dadka waaweyn ee sfi iyo barashada sida eey u shaqeeyso bulshada iswiidhishka, waxeey ka mid yihiin heerarka waxbarasho ee dadka waaweyn, waxaa kaloo jira heear kaloo waxbarasho oo eey degmadu u qorsheeysay dadka waaweyn oo isugu jiro qoraal iyo shaqo gacameed. Machadka Skövde waxuu caanka ku yahay waxbarasha soosaarka qalabka cayaaraha kombiyuutarka laakin waxaa kaloo lagu bartaa barnaamijyo kale. Waxuu xataa machadka bixiyaa koorsooyin loogu tala galay dadka dalkooda wax kusoo bartay si eey wakhti yar gudaheed maadooyinkooda u buuxsadaan.

Arday ku sii socota muxaadaro ka dhacaysa Jaamicada Skövde.

Caafimaadka

Si aad daryeel caafimaad u heshid aad ayyey ugu fududahay degmada Skövde. Sibitaalka weyn waxaa ka shaqeeya 1 500 qofood, waxuu leeyahay qeybta emerjensiga ama degdega iyo qeeybaha takhasuska kala duwan. Xaafadaha degmada waxeey leeyihiim rugag caafimaad oo leh xarumo lagu daryeello hooyada iyo dhallaanka. Waxaa kaloo jira xarumo caafimaad oo baraayfat ah, bisha casna waxeey ku leedahay xarun ku takhasustay daryeelka iyo daaweynta dadka kusoo dhaawacmay dagaallo iyo jirdil.

Caawinaad turjubaan

Gobolka qeybta Skaraborg yaa waxuu hayaa maamulka turjubaanno badan, degmada Mariestad ayaa usii kala qeybiso degmooyinka kala duwan ee gobolka

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka dhinaca gaadiidka dadweyna aad ayuu u fiicanyahay maadaama eey Skövde ku taal bartamaha gobolka. Degmadu waxeey hal saacoo safar tareen ah u jirtaa Göteborg, laba saacna magalaada Stockholm. Xataa degmada dhexdeeda waxaa ka shaqeeya basas meelaha kala duwan oo dhan aada. Warbixin dheeraada oo ku saabsan jadwalka wakhtiyada ka akhriso Västtrafik boggooda internetka.

Shaqo iyo ganacsi

40% dhaqaalaha kasoo gala cashuuraha waxuu ka imaadaa shirkadaha yaryar ee Skövde. Waxaa degmada ka jira fursado badan oo uu qofku ku bilaabi karo shirad. Qaar badan oo shirkadaha yaryar ka mid ah waxaa iska leh dad iswiidhan usoo qaxay oo wadamo kale ka yimid. Waxaa jira jaanisyo badan oo ah dhica talo siinta iyo kaalmada marka aad bilaabeysid shirkad inaad furatid waxaana qabanqaabiya xafiiska shaqada, Almi ama Coompanion. Shaqa bixiyayaasha ugu weyn ee degmada Skövde waa Volvo oo eey u shaqeeyaan 5 000 qofod, isbitaalka eey u shaqeeyaan 1 500 iyo shirkadaha eey u shaqeeyaan intaas in la mid ah.