Svenljunga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Svenljunga waa degmo yar oo leh wax walba oo wanaagsan oo laga helo degmooyinka yar yar, sida isku dhowaanshe oo keenaya si fudud oo laisku weedarsado fikradooyin iyo si fudud oo loo qaato goaamo. Ku raaxayso kaluumaysiga 300 oo webi iyo cimilada wanaagsan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

10713

Cabirla dhulka

920 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka harada lagana arko guryo iyo duurka ku yaala Svenljunga.

Ku soo dhowow degmada ku taala dhinaca koonfur ee gobolka Västra Götaland. Waa magaalo ku dhow cimilo dega oo una dhow magaalo weyn iyo buuq. Degmada Svenljunga- waxaanu kuu diyaarinay wax walba oo wanaagsan!

Deegaan

Shirkadda guryaha ee ugu wayn waa Svenljunga Bostäder oo leh 500 oo guri oo kaga yaala degmada dhinac walba. Waxaana jira shirkado baraayfat ah sida Kindfast iyo Bofast.

Hel shirkadaha guryaha iyo guryaha

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa ka jira luqado badan oo kala gedisan. Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir qeeybta qaabilaada qaxootiga ee degmada.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Svenljunga waxay leedahay jaaliyado aad u badan sida, jaaliyadaha isboortiga, jaaliyadaha dhaqanka, jaaliyado bulshadeed iwm. Kaniisada Svenska Kyrkan iyo isbahaysi masiixi ah waxay mashruucyo ku leeyihin degmada. Jaaliyado jinsiyado iyo diimo kale leh waxaad ka heleysa magaalada Borås.

Dad waaweyn iyo caruur ku jira doon yar.

Maxaa ka ag dhaw

Magaalada Svenljunga bartameheeda waxaa ku yaala xafiiska degmada, xafiiska shaqada, maktabad, dukaamo cunto, farmasiyo, rugta caafimaadka, qaabilaada caafimaadka ee ilkaha, dukaamo dhar, dukaamada biraha, dukaamo iibiya alaabta guryaha, xaafiiska booliska iwm. Magaalooyinka Mjöbäck iyo Kalv waxaa ku yaala dukaamo cunto.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruurto ee dawladu leedahay waxay ku yaalaan Svenljunga, Hillared, Holsljunga, Håcksvik, Mjöbäck, Sexdrega, Mårdaklev, Östra Frölunda iyo Överlida. Svenljunga waxaana ku yaala xanaanada caruurta oo walidiin isu tegey gacanta ku hayaan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degamada Svenljunga waxaa ku yaal toban skoollo hoose-dhexe ah, oo ka kooban xanaanada caruurta ilaa fasalka sagaalaad. Magaalooyinka ugu badan oo degmada ku yaala waxay leeyihin skoolo ka kooban xanaanada caruurta ilaa fasalka lixaad. Caruurta dhigata fasalada 7-9 waxay ka dhiganayaan skoolka Mogaskolan och ku yaala bartamaga degmada.

Degmada Svenljunga ma leh skool sare, lakin waxaa ku yaala skoolka sare ee beeraha, waxaana skoolka iska leh Gobolka Västra Götaland. Qofka raba dalbasho skool sare waxaad dooran karta skoolada ku yaala Borås, Mark, Tranemo ama skoolada ku yaala degmooyinka kale ama lixda skool oo ku takhasusay beeraha. Ardayda aanan buuxin madooyinka laga rabey si ay u soo galaan skool sare waxay heleyan barnaamij diyaarin ah oo ay ka heleyan Svenljunga.

Skoolka sare ee beeraha oo ku yaala magaalada Svenljunga waa meesha kaleya oo ay ku koobantahay wixii cilmi beereed ah, waxaana laga heleyaa waxbarasho ku saabsan beeraha, fardaha, ugaadhsiga, daaweynta xoolaha iyo tusidda cimilo beereedka. Dhinaca galbeedka gobolka Götaland skoolaadka beereedka ah waxaad ka baran kartaa cilmiga fardaha, cilmiga isboortiga fardaha, ka shaqaynta eeyaha, daaweynta xayawaanka ama cilmi beereedka.

Furadaha waxbarasho

Skoolka dadka soo galaadka ah ee sfi, warbixin arimaha bulshada iwm waxaa diyaariyey degmada Svenljunga. Skoolka dadka waaweyn wuxuu u diyaariyey qof kasta oo degan degmada waxbarasho heer asaasi ah iyo mid heer dugsi sare ah.

Caafimaadka

Rugta caafimaadku waxay ku yaallaan tuulooyinka Svenljunga iyo Östra frölunda.

Caawinaad turjubaan

Hey´ad walba waxaad ka heleysa caawimaad turjumaaneed.

Xiriirka gaadiidka

Sharkada basaska ee Västtrafik dhowr meelood oo dagmada ah ayey aadaan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada dhexdeeda iyo magaalooyinka u dhow oo loo qaadan karo gaadiid waxaa ku yaala shirkado waaweyn oo shaqo bixiye ah sida Elmo Leather AB, Vokes Air AB, Blåkläder AB, Startrading AB, Mjöbäcks Entreprenad AB, Västkuststugan AB, Texrep Sweden AB, Berendsen Safety och Textilservice AB, Ajab Smide AB och ICA.