Tanum

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Tanum waxay ku taallaa waqooyiga gobolka Bohuslän. Waxeey degmadu bii’ad dabiiciyo kala duwan leh; xeeb oo ay ku dhowyihiin jasiirado yar yar, degmadua waxay kaloo leedahay beero, kaymo iyo webiyo.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

12856

Cabirla dhulka

917 kiilomitir oo laba jibaaran

Dhagaxaanta ama buuraha Tanum weli waxaa ku yaala sawiro lagu xardhijiyey wakhti hore, laga bilaabo 1994 ilaa hadaa waxaanu ka diwaan gashanahay Unesco oo ah diwaan gelin dhaxal aduuneed ah oo wakhti hore la sameeyey. eerta qaranka oo ka kooban waxyaaba la xidhiidha badda oo la yidhaahdo Kosterhavet, waxaana la xadhig jaray 2009.

Deegaan

Degmada Tanum waxaad ka heleysa guryo kala duwan, waxay leedahay guryo iib ah, guryo gaar u dhisan oo gaar loo leeyahay iyo kuwo ay dawladu leedahay. Sherikada ugu weyn oo guryaha leh waa Tanum Bostäder AB (TBAB) oo ay dawladu leedahay. Hadad doonaysid inaad gashid safka guryaha ama warbixin ka ogaatid guryaha ama inaad soo aragtid guryaha firaaqada ah waxaad gasha bogga internetka Tanum Bostäder.

Degmada Tanum waxay leedahay guryo gaar loo leeyahay oo kiro ah. Qaar ka mid ah waxaad ka heleysaa Bogga internetka ee degmada Tarnum. Wixii faah faahin ah waxaad la xidhiidhi kartaa xidhiidhiyaha is dhex galka dadka ee degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Tanum waxaa lagaga hadlaa luqado kala duwan sida: carabi, tigrinya, soomali, taylandiis iyo daari.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Tanum waxay taajir ku tahay jaaliyadaha, waxaana ku yaala ku dhowaad 130 jaaliyadood. Jaaliyaduhu waxay ku kala yaalaayn goobo kala fidsan oo ku yaala degmada. Jaaliyadaha ku yaala degmada waxaad ka heleysa liiska jaaliyadaha. Degmada Tanum waxaa ku yaala kaniisada Svenska Kyrkan iyo kaniisado madax banaan. Masaajidka ugu dhow wuxuu ku yaala Uddevalla.

Maxaa ka ag dhaw

Tanumshede waxaa ku yaala adeeg dadweyne sida qabilaada qaxootiga, xafiiska shaqada, farmasiyo, Boosto iyo bangiyo. Strömstad waxaa ku yaala xaafiska adeega dadweynaha oo leh qasnada caymiska, ha´yada cashuuraha iyo ha´yada howlgabka.

Maktabad waxaad ka heleysa afar magaalo, maktabada Tanumshede waa ta ugu weyn oo laga maamulo kuwo kale. Degmada waxaad ka heleysa dukaamo iibiya alaabta gacan labaadka ah.

Degmada Tanum waxaa ku yaala dhowr dukaamo oo iibiya cuntada, sida Coop/Konsum iyo ICA, waxayna ku kala yaalaan dhowr meelood oo ka mid ah degmada. Waxaa degmada laga furayaa suuqa qanacsiga oo ka kooban 65 dukaamo, waxaana la furayaa noofambar 2014, waxaana laga furayaa Tanumshede wadada E6 agteeda. Dukaanka Ikea wuxuu ku yaala Uddevalla.

Degmada waxaa ku yaala skoolka gaadhi barida, hudheelo, mac macaanle, makhaayado, iwm. Magaalada bartameheeda waxaad ka heleysa goob jimicsi. Goob wakhti firaaqeed, ururka waxbarashada iwm.

Dalyeelka carruurta

Daryeelka caruurta ee degmada Tanum waxaa lagu yaqaana inay yimaadaan caruur kala duwan, oo ka kala yimid wadamo kala duwan. Xanaano maalmeedka guriga, xanaanada caruurta iyo skool firaaqeedka waxay kuu soo bandhigayaan bey´ad amni ah oo degan, oo leh shaqaale cilmigoodu aad u saareeyo. Ilmahaaga waxaad boos ugu heleysa sadex bilood. Xarunta qoyska ee Eken waxaa ku yaala xanaanada furan. Waxaana jira xanaanada caruurto oo ay hogaaminayaan waalidiin isu tagtay.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Tanum waxaa ku yaala sagaal skoolo hoose-dhexe. Skoolka sare ee Tanums gymnasieskola oo ku yaala Tanumshede waa skool yar oo si fudud aad dadka uu dhex geleysid.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada waxay ku taalaa Futura Tanumshede. Waxay kuu diyaariyeen waxbarashooyin kala duwan oo leh mustawooyin kala duwan. Halkaasna waxaad ka dhigan karta luqada iswiidhiska oo loogu tala galay dadka qaxootiga ah (sfi). Grebbestad waxaa ku yaala skool sare oo loogu tala galay dadka waaweyn folkhögskola. Jaamacada ugu dhow waxay ku taalaa magaalada Trollhättan.

Caafimaadka

Degmada Tanum waxaa ku yaala laba xarun caafimaadeed oo ku yaala Tanumshede iyo mid ku yaala Fjällbacka. Dhakhtarka ilkaha waxaa laga heleyaa Tanumshede iyo Hamburgsund. Xarunta qoyska ee Eken oo ku taala Tanumshede waxaa ku dhex yaala xanaanada hooyoyinka iyo qaabilaada dhalinyarada. Dhakhtar wuxuu ku yaala Strömstad, Uddevalla iyo Trollhättan.

Waxaad la xidhiidhi kartaa kulan loogu tala galay caawimaad iyo hagid iyo wadahadal ku saabsan sida waalidnimada, hadaad qabtid wal wal ku saabsan caruurta, dhibaatoyin ku saabsan qoyska ama xidhiidhyo kale iyo dhaqaale. Kulankan wuxuu ku yaala Tanumshede.

Caawinaad turjubaan

Qofkii u bahaan turjumaan markuu la kulmayo degmada wuu heleyaa. Waxaa balaminaya turjumaanka degmada.

Xiriirka gaadiidka

Wadada weyn ee E6:ka oo tagta magaalooyinka Göteborg iyo Oslo ayaa dhex marta degmada. Dhinaca bari waxaa marta wado inagu xidhaysa gobolada Dalsland, Värmland iyo Väner. Meesha tareemadu ka baxaan ee Tanum wuxuu ku yaala Tanumshede banaankeeda waxaadna maraysa leynka Bohusbanan, dhinaca wuqooyi waxaad u raacaysaa Strömstad, dhinaca koonfurna Uddevalla, Göteborg. Jadwalka basaska iyo tareemada waxaad ka heleysaa bogga Västtrafik.

Madaarka ugu dhow oo ay ka baxaan diyaaradaha wadanka dhexdiisa wuxuu ku yaala Malöga oo ku taala Trollhättan, madaarku wuxuu u jiraa Tanumshede hal saac oo baabur wadid ah. Hadaad rabtid madaar oo ay diyaaraduhu u baxayaan dalal kale laba madaaro ayaa ku yaala magaalada Göteborg.

Shaqo iyo ganacsi

Tanum waa degmo shirkado badan leh. Waxaa ku yaala ilaa 2200 shirkadood. Shirkadaha ugu badan waa kuwo yar yar iyo kuwo dhexdhexaad ah. Shaqo bixiya ugu weyn waa Degmada Tanum, NorDan AB, Sportshopen, Tetra Pak inventing AB iyo TanumStrand. Shirkadahani waxay ku yaalaan goob u jirta ilaa 3 mayl Tanumshede.

Degmada Tanum waxaa xuduud la ah afar degmo, sida Strömstad, DalsEd, Sotenäs iyo Munkedal. Magaaloyinka degmooyinka ku yaala waxay Tanumshede u jiraan ilaa shan mayl.