Tibro

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Tibro waxay ku taala qaybaha bariga ee gobolka Västergötland, una dhaxaysaa harooyika Vänern iyo Vättern.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11178

Cabirla dhulka

220 kiilomitir oo laba jibaaran

Halkan waxaa laga helaa aqoon cajiib ah dhanka alaabta guryaha, nashqadaynta iyo rarka gaadiiska iyo jawi jaaliyadeed oo qani ah lehna ciyaartoy horyaal ah. Tibro waxay dadka degan ku casuuntaa adeeg degmo oo aad loo qiimeeyay. Degmada, jawiga bayac-mustarka, jawiga jaaliyadaha waxay leeyihiin aragti wada-jir ah looguna talogalay Tibro - Waxaanu abuurnaa jawiyo aad u muuqda!

Deegaan

Shirkadaha guryaha iyo mulkiilayaasha dhismayaasha ee ku yaala Tibro badankoodu waxay wada-shaqayn ku leeyihiin urur lagu magacaabo Isu-geynta guryaha. Ujeedada isu-geynta guryaha waa in loo fududeeyo dadka guri kireysanaya inay si fudud u helaan kireeyayaasha ka jira magaaladan. Tibrobyggen waa shirkada guryaha ee degmada, waxaad warbixin dheeraad ah oo iyaga u saabsan iyo guryahooda ka helaysaa bogooda intarnatka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmadayada waxaa ku nool dad ka kala yimi dalal kala duwan oo badan. Halkan waxaa laga helayaa dad ku hadla afafka carabida, asiiriga, daari, faarsi, tigrinya iyo soomaali.

Jaaliyado iyo ururu

Tibro waxay leedahay jawi jaaliyadeed kaas oo dadka ku casuuma kala doorosho cajiib ah oo ah dhanka hawlaha xilli firaaqaha. Waxaa Tibro laga helaa qiyaastii 130 urur jaaliyadeed kuwaas oo dadka ku casuuma hawlo kala duwan. Waxaa degmadan ka jira ururo isboorti iyo dhaqan oo badan iyo xitaa ururo qawmiyadeed iyo diineed. Tusaale ka mid ah ururada qawmiyadeed iyo jaaliyadeed waa ururka asiiriga, ururka soomaalida-iswiidhishka iyo Iswiidhishka Cusub ee Skaraborg.

Tibro waxay leedahay goobta xilli firaaqaha laguna magacaabo Rankås halkaas oo lagu lugayn karo, lagu ordi karo oo baaskiil lagu kaxaysan karo deegaanka dabiiciga ah. Xilliga wakhtiga barafka waxaa xitaa lagu wadan karaa qoryaha barafka lagu dul socdo.

Marinka jimicsiga ee duurka.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Tibro waxay bixisaa adeegyo ah noocyo kala duwan sida maktabad leh wakhtiga sheeko xariirta hal maalin toddobaadkiiba. Xafiiska degmada waxaad ka helaysaan hagayaasha degmada ee jooga xafiiska qaabilaada kuwaas oo kaa caawinaya inaad si sax ah wax u hesho. Isla dhismahan waxaad xitaa ka helaysaan Rugta caafimaadka, xarunta caafimaadka caruurta iyo Xarunta Qoyska.

Bartamaha Tibro waxaad ka helaysaa dukaanka ICA, ICA Nära, Netto iyo dukaamo carbeed. Bartamaha magaalada waxaad xitaa ka helaysaa dukaamada dharka, timo-jarayaal iyo maqaaxiyaha cuntada iyo kafeega.

Tibro waxaa ku yaala dukaanka alaabta gacan labaadka ee Candela iyo Laan Qayrta Cas goobteeda kulanka ee Kupan.

Si loo booqdo Hey´ada Canshuuraha, Xafiiska shaqada iyo Qasnada caymiska waxaad u baahantay inaad bas u raacdo ama baabuur ku aado Skövde. Waxaa jira fursado fiican in baas loo raaco dhexda Tibro iyo Skövde.

Tibro waxay xitaa leedahay xadiiqad xayawaan oo yar oo aad loo jecelyahay halkaas oo aad ku soo booqan karto xayawaan yar yar oo kala duwan isla markaana ku qaxwayn karto. Dhowr kiiloomitir banaanka Tibro xarunteeda waxaad xitaa ka helaysaa fursado dabaal oo fiican kuna ag yaala harada Örlen.

Awow caruurta uu awoga u yahay la daawanaya riyo jooga xadiiqada xayawaanka ee yar.

Dalyeelka carruurta

Xarunta qoyska waa goob kulan oo aad loo qiimeeyay looguna talogalay waalidka iyo caruurta. Waxay furantahay dhowr maalmood toddobaadkiiba. Halkan ayaad iman kartaa si aad ula kulanto waalid kale iyo xitaa inaad hesho taageerada doorkaaga waalidnimo.

Degmada Tibro waxay leedahay sagaal dugsi xanaano kuwaas oo si gaar ah loo leeyahay. Dhamaan caruurta ah da´da 1 ilaa 5 sano waxaa lagu soo dhawaynayaa dugsiga xanaanada.

Goobta ciyaarta ee dugsiga xanaanada Snickarvallen.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Tibro waxay leedahay sadex dugsi hoose lehna fasalka barbaarinta iyo fasalka 1-5 iyo dugsi dhexe lehna fasalada 6-9. Degmada Tibro ayaa maamusha xitaa dugsiga hoose-dhexe ee caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay ee fasalada oo dhan.

Dhanka dhalinyarada ah 16 sano iyo wixi ka sareeya waxaa jira dugsiyo sare oo ku yaala magaalooyinka u dhow Tibro. Badankoodu waxay u safraan dugsiga sare ee Skövde.

Furadaha waxbarasho

Xarunta Aqoonta ee degmada Tibro waxaad ka helaysaa waxbarashada SFI iyo waxbarashada dadka waaweyn. Dhanka waxbarashada dadka waaweyn waxaad ku baran kartaa iswiidhish, xisaab, ingiriisi iyo xitaa waxbarashooyinka isu diyaarinta xirfad ee kala duwan sida tusaale ahaan xanaanada caruurta, nijaarada nashqadaynta ee CNC iyo makaaniga baabuurta yar yar.

Dhanka Xarunta Aqoonta waxaad xitaa ka helaysaa waaxda suuqa shaqada taas oo dadka ku casuunta hagid iyo fursado goob shaqo oo lagu tababarto.

Caafimaadka

Gudaha Tibro waxaa ku yaala laba rug caafimaad. Mid waa Närhälsan Tibro ta kalena waa Hälsocentralen. Waxaa xitaa jira xarunta caafimaadka caruurta, rugta umulisada, rugta baxnaaniska iyo rugta qaabilaada dhalinyarada oo ku yaala bartamaha Tibro.

Daryeelka ilkaha ayaad xitaa ka helaysaa bartamaha Tibro.

Isbitaalka iyo rugta qaabilaada deg-dega waxay ku yaalaan Skövde.

Caawinaad turjubaan

Marka aad la kulmayso shaqaalaha ka tirsan degmada una baahantahay caawimaad dhanka luqada waxaad balansan kartaa turjubaanka luqadaada. Waa muhiim in wakhti fiican ka hor aad sii sheegto inaad u baahantahay caawimaada turjubaan si ay u haleelaan inay turjubaan sax ah kuu balamiyaan.

Xiriirka gaadiidka

Basas ayaa u kala bwaxa Tibro iyo Skövde, Hjo iyo Karlsborg maalintii oo dhan. Boosteejada bartamaha Skövde waxaad ka qaadan kartaa basas iyo tareeno badan si loo tago magaalooyin badan oo ku yaala Iswiidhan.

Sida gobolka Västra Götaland qaybihiissa kale waa Västtrafik kuwa kaxeeya basaskan.

Shaqo iyo ganacsi

Miyaad doonaysaa inaad bilowdo shirkad? Markaasi waxaa loo baahanyahay fikrad ganacsi oo fiican, aragti sax ah iyo shaqo adag xilli ah wakhti dheer. Si loogu fududeeyo shirkadlayda waxaanu si fir-fircoon uga shaqaynaa shabakado iyo noocyo kala duwan oo ah goobo ay ku kulmaan shirkaduhu. Waxaanu anagoo u marayna dhanka Inredia bixinaa marin maxali ah looguna talogalay shirkadlayda cusub, gacancsatada iyo hal abuurka cusub si loo helo hagida khuseysa sal-dhigashada, xiriirka hey'adaha dawladeed, ururada iyo shabakadaha maxaliga ah.

Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn Tibro waa Degmada Tibro, LGT Logistics Ab iyo Gatertail. Qayb weyn oo ka tirsan dadka ku nool Tibro waxay ka shaqeeyaan degmooyinka u dhow sida Skövde iyo Karlsborg.