Uddevalla

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada waxeey qani ku tahay waxyaabaha dabiiciga ah, hiddaha iyo dhaqanka, ganacsiga, badda, dhirta iyo buuraha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

56438

Cabirla dhulka

638 kiilomitir oo laba jibaaran

Dad lugeynaya iyo kuwa baaskiil ku dhinac wata xeebta.

Waa magaalo ku taal deegaan fiican oo ka tirsan gobolka Bohuslän. Meel fiican oo loo damaashaad tago waa xeebta oo xur ka ah baabuurta, waxaa ku yaal jid bushkuleetiga lagu wadan karo oo 9 km ah. Jidkaas waxuu ka soo bilaabmaa bariga Uddevalla waxuuna ku egyahay Lindesnäs.

Deegaan

Shirkadda guryaha ee ugu weyn waa shirkadda degmada ee Uddevallahem. Degmada boggeeda internetka waxaa ka heli kartaa liis eey ku qoran yihiin shirkadaha guryaha kireeya oo dhan. 

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha looga hadlo Uddevalla waa boosniyaan, seerbiyaan, kurweeshiyaan, fiinlaandees, noorweejiyaan, carabi, soomaali, jarmal, boolish, isbaanish, iiraani, teeylaandees, daanish, turkish iyo kuwo kaloo badan.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyado badanaa ka dhisan Uddevalla. Liiska jaaliyadaha waxaa laga raadin karaa jaaliyadda aad xiiseyneeysid.

Människor i olika åldrar spelar Boule.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Uddevalla waxaa ku yaal xafiiska muwaadiniinta oo aad weeydin kartid su'aalaha guud, waxaa kaloo lagaa caawinaa sida aad ula xiriiri laheyd xafiisyada dowladda. Waxaa kaloo meeshaas ku yaal xafiiska bulshada u qaabilsan arrimaha daryeelka qoyska iyo qofka, maktabad, xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska iyo xafiiska cashuuraha. Bartamaha magaalada waxaa kaloo ku yaal dukaamo, farmashiiye, bangiyo, makhaayado, makhaayadaha biitsada iyo biibitooyin. Waqooyiga Uddevalla waxaa ku taal goob ganacsi oo kamid ah meelaha ugu waaweyn uguna cusub Iswiidhan, waxaana meeshaas ku yaal IKEA. Degmada Uddevalla waxaa ku yaal labo dukaan gacan labaad. Mid waxaa maamula degmada waxyaabaha lagu gadana waxaa ka mid ah dhar iyo alaab rakhiis ah.

Dad socda iyo kuwa ku qaxwaynaya jid ku yaala Uddevalla.

Dalyeelka carruurta

Uddevalla waxaa ku yaal iskoollada xanaanada carruurta oo nuucyo badan leh. Gaar waxaa maamulo degmada qaarna waa kuwo gaar loo leeyahay. Waxaa kaloo jira iskoollo xanaanada furan ah oo loogu tala galay in waalidiinta guriga carruurtooda la jooga ineey ku kulmaan. Waxaa kaloo jira shaqaale degmada eey lacag ku siiso ineey carruurta gurigooda ku haayaan.

Caruur iyo shaqaalaha dugsiga xanaanada oo jooga banaanka.

Xarunta Skolbarnsomsorgen waa meel carruurta lagu haayo xilli firaaqaha. dugsiga xilli firaaqaha waa goob eey ciyaalka xoogaa waaweyn (10-12 sano) lagu maaweeliyo galbihii maadaama aan isku meel lagu wada heyn karin ayaga iyo kuwa aadka u yaryar.

Goobta ciyaarta oo ay joogaan caruur iyo dad waaweyn kuna taala bartamaha Uddevalla.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Uddevalla waxaa ku yaal iskoollo isugu jira kuwo dowladeed iyo gaar loo leeyahay waxeeyna kuu hayaan waxbarasho nuucyo kala duwan leh khaasatan ardayda ardayda dhigata fasallada 7-9. Waxaad xaq u leedahay inaad dalbatid iskoolka aad jeceshahay inaad wax kabaratid marka aad billaabeysid xanaanada carruurta iyo marka aad billaabeysid fasalka 7.

Dugsiga sare ee Uddevalla gymnasieskola waxaa laga baran karaa barnaamijyada waxbarasho oo dhan mid aad rabtid iyo barnaamijyada loogu tala galay dadka hordhaca u baahan. Ardayda cusub oo eey da'doodu u dhaxeeyso 16-19 waxaa la siinayaa fursado eey ku baran karaan iswiidhishka, ingiriiska iyo xisaabta iyo maadooyin kale.

Waxbarashada afka hooyo

Iskoollada dowladda waxeey siineysaa ardayda fursado ineey luqadooda hooyo bartaan hal mar isbuuc walba. Wakhtigaas waxaa loogu tala galay ineey ardayda luqadooda hooyo si fiican usii bartaan. Wakhtiyada iskoolka waxaa cashiradaada laguugu sharaxaa luqadaada hooyo. Sidaas darteed ardayga cilimigii uu kasoo bartay wadankiisa ayuu dib usoo cusbooneysiinaa.

Uddevalla waxeey ardayda wadanka ku cusub u diyaarisay fassallo eey wax ku bartaan kuwa dhigta fasalada 3 illaa 6, iyo kuwa dhigta 7-9. Waxaa fasaladaas ardayda si dhaqsi ah loogu baraa luqada iswiidhishka iyo maadooyinka kale oo looga baahan yahay fasallada caadiga ah. Macalin luqadaada hooyo ku hadlaayo ayaa kaa caawinaayo waxyaabaha aad fahmi weeysid.

Furadaha waxbarasho

Uddevalla waxeey dadka waaweyn oo aan hore usoo dhigan waxbarashada heerka dugsi hoosedhexe iyo sare, heli karaan fursado eey ku dhigtaan. Waxaa jirta xarun lagaaga caawinaa sidii aad ula qabsan laheyd qaabka waxbarashada. Dadka aan luqadda iswiidhishka ku hadlin waxaa la baraa luqada iswiidhishka ee dadka qaxootiga oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan sfi.

Waxaa jira iskoollo gaar ah oo loogu tala galay dadka waaweyn oo eey waxbarashada ku adagtahay iyo iskoollo farsamada gacanta lagu barto sida alxanka daryeelka iyo xanaanada iyo wadida gawaarida xamuulka. Waxaa kaloo jira machad firfadaha lagu barto oo afar qeeybood ukala baxo. Waxaa jirta xarun ku taal bartamaha magaalada oo dadka siisa talooyin ku saabsan waxbarashada iyo barnaamijyada kala duwan waxana la booqan karaa maalin kasta.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Waxaa ku yaal shan rug caafimaad oo ku kala yaal xaafadaha eey Uddevalla ka koobantahay oo dhan. waxaad booqan kartaa hadaad jiran tahay iyo hadaad talo u baahan tahay. Waxaa kaloo ku yaal rugta hooyada iyo dhallaanka, rugta heeganka iyo rugta ilkaha. Isbitaal waxuu ku yaal Uddevalla iyo Trollhättan.

Caawinaad turjubaan

Caawimaad dhinaca turjubaanimada ah waxaad ka heleysaa Tolkförmedling Väst.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka gaadiidka dadweynaha ee degmada waxaa u xil saaran shirkada Västtrafik ee gobolka Västra Götaland.

Doonyaha shiraacan oo is daba taxan hoosta buundada Uddevalla.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxeey ka mid tahay shaqa bixiyayaasha waaweyn ee degmada. Meeshaan waxaad waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan degmada shaqooyinka ee bixiso, lookallada bannaan iyo dhul warshadeedka ka bannaan degmada iyo sida loo aasaaso shirkad cusub iyo wadada loo maro. Waxaad shirkadaha ka dhisan degmada ka raadin kartaa liiska shirkadaha ee degmada.

Meelaha ugu waaweyn ee dakhliga kasoo galo degmada Uddevalla waa ganacsiga, degmada oo shaqaaleysiisa dad badan iyo caafimaadka. Goobaha ganacsi oo kale waa dhismaha iyo shirkadaha shaqada.

Masaafada eey degmada u jirto Göteborg waa hal saac, Göteborg waa magaalo shaqo nuuc walbo eey taallo.