Vänersborg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Vänerberg waa caasimada gobolka Västra Götaland, waxeeynta ku ag taala afka koonfurred ee Vänern. Dadka dhawaan usoo guuray waxeey ka helaan uu dhawnaanshaha dabiicada iyo biyaha. Vänesberg, heesaha, dhaqanka iyo isboortiga door hore ayaa ka ciyaaraan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

39484

Cabirla dhulka

644 kiilomitir oo laba jibaaran

Marin biyo lehna qasabadaha biyaha kor u tuura oo xaga hore ka muuqda iyo jidka Hamngatan oo xaga dambe ka muuqda.

Degmada waxeey lee dahay afar xaafado oo dhismo isku dhow leh; Vänersborg iyo Brålanda, Frändefors iyo Vargön. Degmada Vänersborg aragtideeda mustaqbaleed – soo jiidasho iyo waarida dhanka kasto ah, nolasho oo dhan.

Deegaan

AB Vänersborgsbostäer waa shirkada guriyaasha ee ugu weeyn Vänersborg, waxaana leh degmada Vänersborg.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-luuqadeedka weeyn waa af carabi, af soomaali, af tigrinya iyo af romani.

Jaaliyado iyo ururu

Vänersborg waxeey caan ku tahay in ee tahay degmo leh ururo badan oo kala duwan. Ka raadso diiwaankeena-urureed, kana hel mid adiga kuu haboon.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Vänersborg waxaa ku yaalo xafiis adeeg oo ee ku dhexyaaliin Qasnada ceeymiska, Xafiiska canshuuraha iyo hey'adda hawlgabka. Isla sarta waxaa ku yaalo xafiiska shaqada. Qeeybta qaxootiga ee degmada waxeey ku taala qeeybta xanaanda qofka iyo reerka. Vänersborg waxaa ku yaalo dukaamo badan oo gacan labaad iibiyo. Bartamaha waxaa ku yaalo dukaamo cunto, maktabad, farmahiye, banki iyo maqaayado, maqaayada gado bitsada iyo biibito.

Maalinta suuqa oo ay joogaan dad badan iyo miisaska suuqa.

Dalyeelka carruurta

Vänersborg waxaa ku yaalo 27 dugsiyaal xanaano ee degmada le dahay iyo 5 madaxbanaan. Dugsiyada hoose waxeey lee yihiin guriga xilliga firaaqada. Xarunta reerka Sirius waxaa ka mid ah oo ku yaalo xanaanda furan.

Akhri dheeraad ku saabsan xanaanada caruurta iyo dugsiyada xanaanada ee degmadan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

17 dugsiyaal hoose waxeey lee yihiin ku dhawaad 3 500 oo arday. Sido kale waxaa jiro labo dugsiyaal oo madaxbanaan; Iskuulka-Frida iyo Vänersnäs montessori. Ardayda dhagaha la' ama maqalka-ku yaryahay waxaa uu jiro iskuulka dowlada ee Väners.

Dugsi sare ee Birger Sjöberg waxuu ka mid yahay ururka-aqoonta Väst oo masu'ul ka aha waxbarahada dugsiga sare iyo dadka waa weeyn ee gudaha Vänersborg iyo Trollhättan.

Furadaha waxbarasho

Halkaan waxaa lagu qabtaa barashada-bulshada ee loogu tala dadka dalka ku cusub. Ururka-aqoonta Väst ayaa ka masu'ul ah barashada iswiidhishka ee loogu tala galay ajnabiga. Magaalada dariska ee Trollhättan waxeey ku taala Jaamacada Väst.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Waxaa jiro 5 rug caafimaad oo ku taalo degmada Vänersborg. Waxaad dooran kartaa midka aad rabto, in dheeraad ah oo ku saabsan doorashada caafimaadka akhriso. Markasto waxaad wici kartaa 1177 si aad uu hesho talo-caafimaad.

Isbitaalka Näl waxuu ku yaala Trollhättan, waxuuna 10 kilomitir uu jiraa Vänbersborg. Isbitaalka Uddevala waxuu jiraa 30 kilmomitir. Isbitaalada waa wada shaqeeyaan waxeeynta ka tirsan yihiin Daryeelka-bukaanka-NU.

Caawinaad turjubaan

Waxaad xaq uu lee dahay turjumaan markii aad xariir la yeelaneyso hey'addaha kala duwan. Hey'addaha ayaa habeeyaanaayo turjumaan, qarashkiisna dhiibaayo. Turjumaanada waxeey lee yihiin sir xafidid.

Xiriirka gaadiidka

Trollhättan-Vänersborg si toos ah ayaa uga duuli kartaa adigoo ku tagaayo Bromma ee magaalada Stockholm. Jidadka-qaranka 42, 44 iyo jidka yurub 45 ayaa degmada maro. 50 daqiiqo ayaa tareen lagu tagaa Göteborg. Xilliyada baska iyo tareenka waxaad ka heleeysaa Västtrafik.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo dhiibaha ugu weeyn ee madaxabanaan waa VBG Group AB, Tranter iyo Norautron AB. Bogga degmada Vänersborg ayaad ka heleeysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan shaqo iyo shirkadeeyn.

Sawir dayaarad qaaday ahna korka dekada doonyaha yar-yar iyo meel xaflad ka socoto.