Vara

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Buuro iyo waadi meel u saaxiib ah maahan meeshaan. Dhulka degmada oo aad usiman darteed ayaa dad badan waxeey ku tilmaameen in dhulka degmada uu u siman yahay sidii malawaxa oo kale, kuwa kalana waxeey ku tilmaameen dhulka degmada inuu yahay mid loogu tala galay in jaceyl lagu jilo sinnaanta iyo quruxda xagga dhirta iyo geedaha uu leeyahay darteed.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15979

Cabirla dhulka

697 kiilomitir oo laba jibaaran

Gidaar leh magaca goobta Vara oo ah farshaxan dariiq.

Degmada Vara waxeey ku taal gobolka Västergötland – Varaslätten. Dadkeena dagan degmadaan waxaa inoo dhow hawada dabiiciga ah iyo adeega guud ee bulshada. Hadii aan rabno inaan aadno degmooyin kale waxey degmada leedahay adeegga gaadiidka ukala goosho magaalooyinka kale oo aad u wanaagsan. Beeraleyda degmada wax soo saarkooda ayaa ah dhaqaalaha ugu weyn ee soo gala degmada, laakiin waxaa kaloo jira shirkado gaaraya 700 oo ka howl gala degmada Vara kuwaasoo gacan weyn ka geeystay kor u qaadida dhaqaalaha degmada. Waxaa degmada ka jira ilaa 400 oo jaaliyadood kuwaasoo dadka degmada ka haqab jira waxyaabaha leesku maaweeliyo wakhtiyada firaaqada, sida ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, tartamada kala duwan iyo bootinta. Tuulooyinka ku hareersan degmadana xataa waxaa ka jira jaaliyado sidaas oo kale ah.

Deegaan

Vara waa degmo yar oo dadka dega marka laba qeybood loo qeeybsho qeyb ka mid ah eey deganyihiin tuulooyinka sagaalka ah ee Vedum, Kvänum, Stora Levene, Larv, Tråvad, Arentorp, Helås, Emtunga iyo Jung. Nus kamid ah sagaalkaas tuulooyin waxey banaanka degmada. Qiimaha guryaha ee degmada Vara weey jabanyihiin marka loo barbardhigo degmooyinka kale. Waxaa degmada kuugu diyaar ah guryo kiro oo nuucyo kala duwan leh oo eey kuu hayaan shirkadda guryaha ee degmada Vara Bostäder AB iyo shirkado kale oo ah kuwa gaarka loo leeyahay.

Hel shirkadaha guryaha iyo guryaha

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Vara waxaa looga hadlaa luqadooyin. Luqadaha looga hadlo waxaa kamid ah af-carabi, daari, af-iiraani, af-soomaali, af-tigree, af-ingiriis.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Vara waxaa ka dhisan jaaliyado gaaraya ilaa 400. Jaaliyadaha waxeey ka shaqeeyaan waxyaabo kala duwan sida isboortiska, hiddaha iyo dhaqanka, xanaaneynta xoolaha, siyaasada iyo waxbarashada. Waxeey kaloo leedahay degmada meelo badan oo lagu cibaadeysto sida kaniisadaha Svenska kyrkan, Pingstkyrkan och Missionskyrkan politik iyo studieförbund.

Caruur xiran muraayadaha indhaha ee dabaasha oo ku hoos jira biyo.

Maxaa ka ag dhaw

Vara degmo soo jireen oo leh adeeg bulsho oo aad u wanaagsan kuwaasoo eey kamid yihiin dukaamo kala duwan, meelo cunto, Iyo adeegyo kaloo badan. Vara waxeey kaloo leedahay dukaanada gacan labaadka ah oo badan kuwaasoo haya waxyaabaha kala sida dharka, kabaha, alaabta guriga, alaabta darjiinada lagu qurxiyo, daahyada, waxyaabaha ciyaalka eey ku cayaaraan iyo kuwa kale. Degmada Vara waxeey leedahay maktabad, tiyaatar, shineemo, meelo lagu dabbaasho, makhaayado, baarar iyo dukaamada raashinka. Xafiiska adeega bulshada, rugta ilkaha, rugta caafimaadka, farmashiiyaha, xafiiska ceymiska iyo xafiiska shaqadaba waxeey ku yaallaan faras magaalada degmada. Tuulooyinka yaryar ee degmada waxaa ku yaal dukaamo yar oo ah kuwa raashinka iyo farmashiiye iyo dukaan laga soo qaato boostada.

Sawir galabnimo oo ah Xarunta masraxa ee Vara.

Dalyeelka carruurta

Xarunta daryeelka carruurta waxaa laguugu diyaariyay dugsiga xanaanada carruurta iyo guryo kale oo xanaano, loogu tala galay ardayda da´dooda u dhaxeyso hal ilaa shan sano, waxaa kaloo jira dugsiyada xilli firaaqeedka oo iyaguna loogu tala galay carruurta da'dooda eey u dhaxeeyso lix ilaa laba iyo toban sano. Carruurtaada waxaad udoori kartaa xanaano carruureedka aad adiga rabtid iyo qaabka aad rabtid in carruurtaada loo xanaaneeyo.

Luuq ay yaalaan dharka caruurta dugsiga xanaanada ee mid ka mid ah dugsiyada xanaanada ee degmada.

Hadii aanan ku siin karin meesha aad carruurtaada u dalabtay inaad geeyso waxaa lagu istaajinaa saf aad ku sugeeysid inta boos la banneeynayo. Waalidiinta shaqeeya ama wax barta waxeey xaq u leeyihiin ineey ugu badnaan afar bilood gudahood carruurtooda u helaan xanaano carruureed.

Waalidiinta aanan shaqeyn waxaa carruurtooda loo ogolyahay 15 saac oo xanaanada carruurta ah. Saddex-, affar- iyo shan jirrada waxaa loo ogolyahay 15 saac oo iskoolada guud ah oo lacag la'aan ah. Degmada Vara waxeey xoogga saareeysaa in waxbarashada runta ah eey ka billaabmato dugsiga xanaanada carruurta.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiyada hoosedhexe ee degmada Vara waxeey ku yaallaan tuulooyinka Vara, Vedum, Kvänum, Stora Levene, Larv, Tråvad, Arentorp, Jung iyo Önum. Degmada waxeey leedahay dugsiga sare ee Lagmansgymnasiet.

Furadaha waxbarasho

Iskoolka dadka waaweyn ee degmada Vara waxaa laguugu hayaa waxbarasho nuucyo kala duwan leh iyo shirar badan oo iyagana lagu qabto. Dhinaca waxbarashada dadka waaweyn waxeey degmada wada shaqeyn kala leedahay degmada Lidköping. Warbixin dheeraada ka akhri Lidköping boggeeda internetka. Machadka ama jaamacada ugu dhow waa machadka Högskolan Väst i Trollhättan iyo Högskolan i Skövde.

Arday u shaqaynaysa koox ahaan joogtana maktabad iskool.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka ee degmada Vara waxaa kuugu diyaar ah, daryeelka carruurta, daryeelka hooyada, qaabilaad dhakhtareed. Waxaa kaloo isku meel ku yaal xarunta adeega bulshada iyo xarunta kaalmada dhaqaalaha. Degmada Vara waxaa kuugu diyaar ah rugta caafimaadka ilkaha oo eey dowladdu leedahay iyo kuwo kale oo gaar looleeyahay.

Kadinka rugta caafimaadka ee Vara.

Caawinaad turjubaan

Dadka ku cusub degmada Vara waxeey fursad u heeystaan in laga caawiyo turjubaan marka eey la kulmayaan shaqaalaha xarunta adeega bulshada iyo hey'adda isdhexgalka bulshada.

Xiriirka gaadiidka

Is gaarsiin wanaagsan oo xagga gaadiidka ah aad beey muhiim ugu tahay dadka degmada daggan oo raba ineey ka shaqeeyaan ama ka shaqeeyaan degmooyin kale. Degmada Vara waxeey leedahay 9 bas oo meelal kala duwan aada iyo 2 tareen oo ayagana meelal kala duwan aada.

SJ

Shaqo iyo ganacsi

Vara waxaa lagu sameeyaa waxyaabaha kala duwan sida mukeeyfyada, qalabka guryo dhisida, matoorrada booyadaha, sheegga gawaarida, alaabta lagu sharraxo jikada iyo musqulaha, qalabka wax lagu qalajiyo iyo qalabka wax lagu dhoofiyo.

Qeeyb weyn oo degmada ka tirsan waa dhulbeereed, waxeeyba sababtay in dad badan oo deggan degmada eey yihiin beeraleey iyo xoolo dhaqato. Dukaamada yar yar ee tuulooyinka dhaqaalaha soo galo aad buu u fiicanyahay. Dukaamo badan ayaa khamiista ugu horreeysa bil kasta furan ilaa habeenkii. Warbixin dheeraada oo ku saabsan wax soosaarka iyo warshadaha waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Xaga hore ee xarunta degmada ee Vara.