Haddii aad leedahay waxbarasho dalka dibediisa ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan waxa ay tahay inaad samayso haddii aad haysato waxbarasho dalka dibediisa ah. Waxaad turjumi kartaa shahaadooyinkaaga waxbarashadaas ama samaynta qiimeynta waxbarashadaada dalka dibediisa.

Xafiiska Shaqada ayaa kaa caawin kara in dukumentigan loo turjumo iswiidhish. Tani wax kharash ah uguma fadhido adigaaga ah shaqo raadiye ee ka diiwaan gashan Xafiiska Shaqada.

Qiimaynta shahaadooyinka wabarasho ee dal kale

Haddii aad waxbarasho ku dhamaysatay dal kale oo aan ahayn Iswiidhan, oo aad tahay muwaadin EU/EES ah ama aad codsatay sharciga deganaansho ee Iswiidhan, waxaad codsan kartaa qiimeynta waxbarashadaada.Tani waxay tahay in Guddida Jaamicadaha Sare iyo Jaamicadaha (UHR) qorayaan warbixin caddaynaysa waxa waxbarashadaadu u dhiganta dhinaca nidaamka waxbarasho ee Iswiidhan.

UHR waxay samaysay filim ku saabsan sida ay u qiimeeyaan waxbarashada dalka dibediisa. Filimkan waxaa la helayaa isagoo ah Iswiidhish, lehna qoraal Iswiidhish ah.

Haddii aad haysato waxbarasho dalka dibediisa ah oo aad soo dhamaystirtay heer dugsi sare, heerka xirfada ka dambeysa dugsiga sare ama heer mutacalim ah waxaa tani kuu qiimeyn karta UHR.

UHR waxay leedahay adeega qiimeynta taaas oo aad ku ogaanayso waxa waxbarashadaadu u dhiganto gudaha Iswiidhan. Adigu waxaad xitaa codsan kartaa qoraal kaas oo UHR ku qiimeynayso dukumentigaaga waxbarasho. Qiimeyntan waa bilaash.

Dir codsigan

Waa muhiim inaad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u soo dirto codsigaaga ah in waxbarashadaada ay qiimeyso UHR.

Waxaa kale oo muhiim ah inaad soo dirto dhamaan dukumentiga loo baahanyahay marka aad direyso codsigan. Haddii aad xaq u leedahay inaad ka shaqayso gudaha Iswiidhan markaas waxaad xitaa xaq u leedahay fursada in la qiimeeyo waxbarashada aad ku soo dhammaysay dalka dibeddiisa. Tani micnaheedu waa in adigaaga muwaadin ka ah dal EU/EE ah ama haysta sharci degganaansho, sharci shaqo ama kaar LMA oo ansax ah aad codsan karto qiimeyntan.

Saknar du dokument från din utbildning?

Om du har avslutat din eftergymnasiala utbildning med ett diplom eller en examen, men saknar delar av eller alla dokument som visar det, så kan UHR ibland ändå göra en bedömning av din utbildning. För att UHR ska kunna göra en bedömning ska din utbildning vara avslutad. Du måste också förklara varför du inte kan få tag i dina utbildningsdokument. Det kan till exempel vara för att du är flykting eller att du avslutade din utbildning i ett land där det var krig. Bedömningen kan du använda som underlag när du söker arbete, vidare utbildning eller inför en validering av din kompetens.

Warbixin

Ka dib qiimeynta waxbarashadaada waxaad helaysaa warbixin taas oo caddaynaysa waxa waxbarashadaada dalka dibediisu ay u dhiganto dhanka nidaamka waxbarasho ee iswiidhishka.

Warbixintan maaha shahaado iswiidhish ah. Warbixintan waxay kabaysaa shahaadadaada dalka dibediisa oo ma baddelayso taas. Warbixintan waxay taageero u tahay adigaaga shaqo ka raadinaya Iswiidhan. Marka aad warbixintaadan tusto waxaa shaqo-bixiye fahmi karaa nooca waxbarasho ee aad haysato.

Warbixintan waxay xitaa ahaan kartaa taageero haddii aad qorshaynayso in aad waxbarashadaada ka sii wadato Iswiidhan. Maaha shuruud in la haysto qiimeynta UHR si loo codsado tacliin sare. Waxaad xitaa heli kartaa in waxbarashadaada ay qiimeeyaan jaamicad sare ama jaamicad aad codsatay xilliga codsigaaga.