Krokom

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Krokom waxaa yaal nolol tayo fiican leh, mustaqbal wanaagsan iyo korriimo dhaqaale. Degmada waxeey ku dadaashaa si eey kor ugu qaadi laheyd ineey shirdaha, dadka usoo guuraya degmada iyo dadka usoo dalxiis tago degmada. Intaas waxaa sii dheer in degmada Krokom eey tahay degmo kalluumeysi oo soo jiidato dadka xalxiiska ah xilliyada xagaaga iyo xilliyada qaboobaha.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

14933

Cabirla dhulka

6813 kiilomitir oo laba jibaaran

Sawir lagu soo dhaweeyay miraha geedka joortroon.

Waxaa meeshaan yaal dhul dabiici ah, howo nadiif ah, biyo saafi ah iyo dhul baaxaddiisu weyntahay.

Deegaan

Krokom waxaa ku yaal guryo nuucyo badan leh. Waxaa ku taal shirkadda guryaha ee Krokomsbostäder, iyo shirkado kale oo ah kuwa gaarka loo leeyahay.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa loogu hadlaa carabi, af-soomaali, iiraani, tigree iyo af-cafar.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa jira jaaliyado badan oo kala duwan. Tusaale ahaan jaaliyadaha cayaaraha, jaaliyadaha dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Wesidka degmada waxaad ka raadin karaa jaaliyadaha ka diiwaangashan kadibna waxaad kadooran kartaa jaaliyada markaa adiga ku anfacaysa.

Maxaa ka ag dhaw

Krokom waa xaafada ugu weyn ee degmada. Waxaa halkaan ku yaal dukaanka ICA-affär, bangiyo, xafiiska shaqada, xarun caafimaad, farmashiiye iyo xafiiska bulshada u qaabilsan daryeelka qoyska iyo qofka. Waxaa kaloo ku yaal xarunta daryeelka hooyada iyo dhallaanka, maktabad, xarun lagu daryeelo dadka qaba cudurada dhimirka ku dhaca iyo meelo kaloo badan. Xarunta Träffpunkt Mångfald waxaa loogu tala galay dadka qaxootiga wadanka ku cusub ah si looga caawiyo waxyaabaha eey u baahan yihiin. Waa goob eey ku kulmaan dadka qaxootiga ah.

Dalyeelka carruurta

Krokom waxaa ku yaal iskool, iskool furan, iskoollada xanaanada carruurta iyo guriga daryeelka iyo xanaanada caruurta.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Krokom waxaa ku yaal iskoolka xanaanada carruurta, iskoolka ardayda dhimirka la', dugsi hoosedhexe iyo iskoolka hiddaha iyo dhaqanka.

Furadaha waxbarasho

Krokom waxaa ku yaal waxbarashada dadka waaweyn ee Vuxenutbildning Lärcentrum waxaa kaloo ku yaal machadka umadda. Dugsi sare iyo jaamacad waxaa loo aadaa degmada Östersund.

Caafimaadka

Krokom waxaa ku yaal xarumo caafimaad, rugta caafimaadka carruurta iyo dhakhtarka ilkaha. Degmada waxeey 20 daqiiqo oo safar baabuur ah u jirtaa isbitaalka Östersund.

Caawinaad turjubaan

Degmada Krokom iyo Östersund waxeey heshiis dhinaca turjumidda la leeyihiin xafiiska turjumidda ABC ee ku yaal Stockholm.

Xiriirka gaadiidka

Krokom waxeey leedahay xiriir fiican oo dhinaca gaadiidyada safarka ah, kuwaasoo leeskugu gooshi karo Iswiidhan oo dhan, waxaana lagu safri karaa tareen, diyaarad iyo bas. Krokom waxeey Östersund u jirtaa 30 daqiiqo oo bas ah iyo 20 daqiiqo oo baabuur ah. Meeshaasoo aad ka sii qaadan kartid tareemmo shaqeea maalin kasta. Waxaa kaloo Östersund ku yaal garoon diyaaradeed.

Shaqo iyo ganacsi

Krokom waxaa ka bilaabi ganacsiga aad rabtid waxaana yaal meelo badan oo baraktiikyo kala duwan ka sameyn kartid. Dhalinyarada waxaa loo ballan qaadayaa shaqo iyo waxbarasho ku saabsan sida eey u fahmki lahaayeen sida suuqa uu u shaqeeyo iyo siyaabaha kala duwan ee shaqo loo helo.

Waxaa kaloo jira mashruuc siyaasadeed oo xoogga saaraya suuqa shaqada, shaqo abuurista, in wakhti dheer la geliyo sidii loo gaari lahaay hadafka laga leeyahay mashruuca iyo jiheyn la siinayo dadka shaqo doonka ah, waxbarasho, ku celcelin lagu celceliyo shaqada la rabo inuu qofka mustaqbalka ka shaqeeyo asigoo talooyin ka qaadanaya qofka mas'uulka ka ah.

Krokom dadka degan badankood shaqo weey heeystaan oo shaqo la'aanta kuma badna waxuuna ku jiraa degmooiynka ugu fiican ee gobolka Jämtlands län. Sababaha keenay ineey saas noqoto waxaa ka mid ah u dhowaanshaha eey u dhowdahay degmada Östersund iyo xiriirka fiican ee dhinaca gaadiidyada safarka. Wax soosaarka degmada Krokom waxuu ka yimaadaa 1000 ka shiradood ee ka dhisan degmada. Shirkadahaas badankood waa kuwo yaryar oo eey ka shaqeeyaan 10 qof dad ka yar midkiiba.

Ilaha dhaqaale ee ugu weyn waa garaashyada, alwaaxyada iyo badeecooyinka kala duwan iyo wax soosaarka dhinaca khudradda iyo wixii la mid ah. Dalxiiska, soosaarka cuntada, adeega bulshada iyo shirkadaha ganacsiga waxeey qeb muhiim ah ka yihiin ilaha dhaqaalaha ee degmada. Xafiiska shaqada boggiisa internetka waxaad ka heleysaa warbixin dheeraada oo arintaas ku saabsan.