Pajala

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Halkan waxaad ku haysataa fursada inaad ku noolaato nolol u dhow deegaanka dabiiciga ah, helitaanka tiro badan oo ah hawlaha wakhti firaaqaha ee dhinaca dhaqanka iyo isboortiga. Waxaanu leenahay iskool iyo dugsi xanaano aad u fiican. Lehna macalimiin waxbarasho sare haysata iyo fasalo yar.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6082

Cabirla dhulka

8051 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Gudaha Pajala waxaa ku yaala dhulal banaan oo la iibsan karo gudaha degmadan. Lagana helo degmada iyo mulkiilayaal baraayfat ah labadaba. Qaar badan oo ka mid ah tuulooyinkayagana waxa laga helaa fursada ah in wax laga dhisto meel u dhow xeebta.

Gudaha degmadan waxaa laga helaa laba shirkado guryo oo waaweyn. Shirkada guryaha Pajala ee degmadu leedahay iyo ta baraayfatka ah ee Tornehem iyo guri kireeyayaal kale oo badan. Waxaa jirta xitaa fursada ah in la bar iibsado guryo ku yaala magaalada ugu muhiimsan.

Magaalada ugu muhiimsan ee Pajala. Baabuur cadaan ah oo ku socda jidka. Xagga dambena waa guri jaajuur ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Pajala waa degmo luuqadaha Fiinishka iyo Miyaankeli. Laakiin degmadan waa mid dhaqamo badan oo waxaa laga helaa turjubaano ah dhanka luuqado kala duwan marka loo baahdo turjubaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa jira jaaliyado badan oo kala duwan. Tusaale ahaan jaaliyadaha cayaaraha, jaaliyadaha dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Wesidka degmada waxaad ka raadin karaa jaaliyadaha ka diiwaangashan kadibna waxaad kadooran kartaa jaaliyada markaa adiga ku anfacaysa.

Koox dad ah oo ciyaaraya kubbadda laliska ee xeebta.

Maxaa ka ag dhaw

Magaaladan ugu muhiimsan waxaa ku yaala maqaaxiyo cunto, dukaano raashin iyo dukaamo kale. Halkan waxaa ku taala xitaa maktabad iyo Xafiiska Shaqada oo ku leh xafiis.

Dhowr ka mid ah tuulooyinkayagu waxay leeyihiin maktabad, dukaan raashin, fursada in shidaal lagu shubto baabuur iyo wakiilada farmasiga iyo dukaanka khamriga iibiya ee Systembolaget.

Laan Qayrta Cas waxay hawl ka fulisaa Kupan, taas oo ah dukaanka alaabta gacan labaadka ah, halkaas oo dharka, alaabta guryaha iyo maacuunta guriga intaba laga iibsado.

Daawadayaal jooga bandhig. Laba haween ah oo sawir iskaga qaadaya moobil.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa laga helaa dugsiyo xanaano oo degmadu leedahay kuna yaala tuulooyinkayaga. Waxaanu haynaa kooxo caruur oo yar oo banaanka ayaanu wax badan joognaa. Laga bilaabo da'da 5 sano waxay caruurtu bartaan inay dabaashaan.

Kaniisadu waxay qaban-qaabisaa dugsiga xanaanada ee furan, laba maalmood toddobaadkiiba.

Ilmo wata koofiyada baaskiilka oo haysta kiish maro ah oo dhoola caddaynaya.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxaanu leenahay dugsiyo hoose-dhexe oo ku yaala dhowr ka mid ah tuulooyinka iyo ilaa fasalka sagaalaad oo ku yaala lix ka mid ah tuulooyinkayaga ugu waaweyn. Waxaa jirta xitaa fursada ah in wax laga barto dugsiga sare ee ku yaala magaaladan ugu muhiimsan dhanka waxbarashooyin dhowr ah dhinaca maadiga iyo tababarka. Degmadan waxay wada shaqayn la leedahay Gällivare iyo Jokkmokk si loo balaariyo barnaamijyada la bixin karo.

Goob ciyaar oo ay joogaan caruur fiirinaysa diirad.

Furadaha waxbarasho

Magaaladan ugu muhiimsan waxaa laga helaa SFI ku yaala Kunskapssmedjan. Halkaas ayaa xitaa laga baran karaa jaamicadda iyadoo qofku aanu joogin loona marayo xarunta waxbarida ee Lapplands lärcentra. Adigu waxaad baran kartaa dhowr dhinac oo ah xirfado kala duwan iyo jaamicad iyadoo qofku aanu joogin jaamicadda loona marayo xarunta waxbarida ee Lapplands lärcentra.

Lärcentrat waxay xitaa si dhow ula shaqaysaa qaybta ganacsiga si loo diyaariyo waxbarashooyin ku jiheysan xirfad oo ku aadan baahida suuqa shaqada.

Caafimaadka

Magaalada ugu muhiimsan waxaa ku taala Rug Caafimaad iyo rugta qaabilaada dhalinyarada. Iyo qaabilaada deg-degga iyo Daryeelka ilkaha ee dadweynaha. Dhowr ka mid ah tuulooyinkan waxaa jooga kalkaaliyayaasha caafimaad ee degmada.

Caawinaad turjubaan

Degmada kala xiriir 0978-120 00 haddii aad u baahato turjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Gudaha Pajala waxaa ku yaala garoonka diyaaradaha Pajala, lehna khadad maalinle ah oo u baxa Luleå. Toddobaad dhaaf kastana waxaa jirta fursada ah in loo duulo Tallinn. Guud ahaan waxaa jira xiriiryo fiican oo gaadiidka basaska ah.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Pajala waa shaqo-bixiyaha ugu weyn degmadan, waxaa ku xiga maamulka gobolka Norrbotten. Baahida xoog shaqaale dhanka daryeelka caafimaadka way weyntahay oo way ka sii badan doontaa intaas. Miyaad doonaysaa inaad socodsiiso shirkad? Pajala utveckling AB (PUAB) waxaa loogu talogalay inay caawiso adigaaga doonaya inaad bilowdo iyo marka aad socodsiiso shirkad.