Klippan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Klippan waxeey waqooyi galbeed kaga taal gobolka Skåne. Waxaad ka heleysaa degmada adeeg bulsho oo tayo sare leh iyo guryo deegaan wanaagsan leh. Masaafooinka eey u jirto magaalooyinka waaweyn ma dheera. Gacmo furan kusoo dhowow.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

17754

Cabirla dhulka

380 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Haddaad usoo guureysid degmada klippan waxaa diyaar laguula yahay guryo nuucyo kala duwan leh; kiro, guro iib ah iyo fillooyin. Shirkadda guryaha ee degmada, magaceeduna yahay Treklövern ayaa kuula diyaar ah guryo kira ah, waxaa kaloo jira shikado gaar loo leeyahay oo iyagana aad ka kireysan kartid guryo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha looga hadlo degmada Klippan waa teeylaandees, boolish, siiriyaan, fiitnaamees, carabi iyo af-turkish.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Klippan waxeey leedahay jaaliyado kala duwan. Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa liiskeena jaaliyadaha.

Garoonka kubadda koleyga ee banaanka lehna doog aan run ahayn. Tiir alwaax ah ayaa ku wareegsan garoonkan.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Klippan waxeey kuu heeysaa adeegga guud ee bulshada oo tayadiisu sarreeyso. Bartamaha degmada Klippan waxaa ku yaal xafiiska shaqada, xafiiska dowlada ee ceymiska, xafiiska bulshada u qaabilsan arrimaha daryeelka qoyska, bangiyo iyo xafiiska adeegga macaamiisha degmada. Waxaa kaloo meesha ku yaal dukaamo kala duwan, maktabad, meel lagu dabbaasho, xattaa tuulooyinka yaryar ee Ljungbyhed iyo Östra Ljungby waxaad ka heleysaa dukaamo iyo maktabad.

Jidka gudaha Klippan bartamaheeda maalin jiilaal ah. Baraf ayaa yaala dhulka. Jidkan waxaa ku dheraran dukaamo kala duwan lehna daaqado.

Dalyeelka carruurta

Degmada Klippan waxaa yaalla fursado badan aad ku dooran kartid dugsiyada xanaanada carruurta, dugsiyadaas oo isugu jira kuwo degmadeed iyo kuwo gaar loo leeyahayba. Xanaanada caruurta waxaa laga helaa seddaxda tuulooyin ee Klippan, Ljungbyhed iyo Östra Ljungby. Warbixin dheeraadoo ku saabsan dugsiyada xanaanada carruurta wwaxaad ka heli kartaa Degmada Klippan boggeeda internetka.

Dhisme dugsi xanaano oo cadaan ah kana samaysan alwaax. Dugsiga xanaanada banaankiisa waxaa ku taala jardiino leh leexooyin.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Klippan waxeey leedahay dugsiyada hoosedhexe iyo sare oo eey tiradoodu badan tahay isla markaana kala duwan , waxeyna isugu jiraan kuwo degmadeed iyo kuwo gaar loo leeyahayba. Dugsiyada hoosedhexe waxeey ku yaallaan bartamaha Klippan nawaaxigeeda iyo tuulada Ljungbyhed.

Iskoollada eey degmada maalgaliso waxaa laga baran karaa barnaamijyo kala duwan sida cilmiga bulshada, cilmiga xanaanada iyo maaweelinta carruurta, cilmiga barashada gaadiidya xamuulka iyo cilmiga korontada. Tuulada Ljungbyhed waxaa ku yaal runta farsamada diyaaradaha, isla bariga Ljungbyhed na waxaa ku yaal iskoolka Segra oo ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana lagu bartaa cilmiga beeraha.

Degmadu waxeey kaloo leedahay iskool loogu tala galay carruurta ama dhalinyarada dhimirkoodu dhimanyahay.

Jardiino iskool lehna meel lagu ciyaaro, meesha la koro iyo leexooyin. Guri lagu midabeeyay jeegaan oo dhexda ku yaala.

Furadaha waxbarasho

Degmada Klippan waxeey leedahay jaanis eey dadka waaweyn wax ku bartaan. Waxaa degmada ka jira komvux, grundvux, sfi, yrkesvux, lärlingsutbildningar, yrkeshögskola iyo särvux, waa xarumo waxbarasho oo dadka waaweyn loogu tala galay. Meel aan aad ugu dheereyn degmada waxaa ku yaal machadyada iyo jaamacadaha Högskolan Kristianstad, Campus Helsingborg, Lunds Universitet iyo Malmö Högskola.

Caafimaadka

Degmada Klippan waxeey leedahay saddex rugo caafimaad, labo waxey ku yaallaan bartamaha degmada halna waxuu ku yaal Ljungbyhed. Waxaa kuugu diyaar dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal u carboon shaqadooda. Waxey kaloo kuu hayaan rugta daryeelka carruurta iyo rugta umulisada.

Dhakhtarka ilkaha waxuu ku yaal bartamaha Klippan iyo Ljungbyhed.

Caawinaad turjubaan

Degmada Klippan waxeey kuu dalbeysa turjubaan hadaad u baahantahay.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirka gaadiidka safarka ee degmada Klippan wuu fiicanyahay waxaa jira tareen si raaxo leh kuu geeynaya magaalooyinka Helsingborg, Hässleholm iyo Kristianstad. Magaalooyinkaasna waxaad kasii aadi kartaa gobolada iswiidhan oo dhan.

Tuulada Ljungbyhed waxaad ka qaadaneysaa bas ku geeya bartamaha Klippan ama bas isteeshinka Stehag oo aad kaga sii safri kartid magaalooyinka kale ee gobolka Skåne. Warbixin dheeraada ka akhriso jedwalka wakhtiyaya ee Skåne.

Saddex ah meelaha baska lagu sugo oo ku yaala jid. Waa bilaa dad meelaha baska lagu sugo.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Klippan waxeey daris la tahay magaalooyinka waaweyn ee Helsingborg, Kristianstad, Ängelholm, magaalooyinkaas oo jaanisyada shaqo eey ku badanyihiin.