Skinnskatteberg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Skinnskatteberg waxeey Bergslagen waxeey ku taal gobolka Västmanland. Skinnskatteberg waxaa ka dhisan shirkado yaryar oo heer sare leh iyo hal shirkad oo aad u weyn. Degmada waxuu caan ku yahay dhulkiisa dabiiciga ah, keymaha iyo balliyada iyo dhulbeeredka taarikhiga ah. Meeshaan waxaa ku yaal jaamacada kaliyah ee gobolka, Skogsmästarskolan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

4367

Cabirla dhulka

718 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka Skinnskatteberg, taas oo ku dhinac taala haro biyo ah.

Deegaan

Hadaad rabtid inaad usoo guurtid degmada Skinnskatteberg waxaa diyaar kuugu ah shirkado badan aad gurigaada ka kireysan kartid. Degmada Skinnskatteberg boggeeda internetka waxaad ka heleysaa liis eey ku qoran yihiin shirkadaha guryaha kireeya ee degmada.

Laba guri oo guduud ah kana samaysan alwaax lehna hareerayaal cadaan ah kuna dhinac yaala jid baabuurtu marto.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Marka laga reebo luqadda iswiidhishka waxaa degmada Skinnskatteberg looga hadlaa luqadaga carabiga, tigreega, af-soomaaliga iyo fiinlaandeeska.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Skinnskatteberg waxaa ka diiwaan gashan boqolaal jaaliyadood. Waxaa ka jira nolol jaaliyadood aad u wanaagsan kaasoo ka kooban meherado kala duwan. Dadka degmada oo dhan waxaa la siinayaa xilli firaaqeed tayo fiican leh, oo eey kala dooran karaan dhinacyada isboortiska, hiddaha iyo dhaqanka iyo howlaha firfircoonida ee guriga bannaankiisa. Jaaliyadaha firfircoon oo dhan waxaad ka heleysaa liiska jaaliyadaha ee degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Skinnskatteberg waxaa ku yaal maktabad, guriga hiddaha iyo dhaqanka, farmashiiye, dukaamo cunto, dukaamo isboortis, goobo ubaxyada lagu gado, dukaanka kahmriga lagu gado, makhaayado iyo biibitooyin. Tuulada Riddarhyttan waxaa ku yaal dukaamo cunto, makhaayado iyo biibitooyin.

Alwaax ay joogaan dhowr ah doonyaha matoorka oo ku xiran.

Dalyeelka carruurta

Skinnskatteberg waxaa ku yaal dugsiyada xanaanada carruurta oo tayo fiican leh. Waalidiin maqsuud ah, jawiga goobaha shaqada oo u wanaagsan carruurta iyo dadka waaweyn iyo qaab waxbarashadeed waafaqsan manhajka waxbarashadeed ee shaqada.

Degmada waxaa ku yaal shan dugsiyada xanaanada carruurta ah. Labo waxeey ku taal bartamaha Skinnskatteberg, midna waxuu ku yaal Riddarhyttan, midna waxuu ku yaal Färna, midna waxuu ku yaal degmada dhinaceeda koofureed - Nyhammar.

Familjecentralen Stacken waa goob eey ku kulmaan waalidiinta iyo carruurtooda, 0-6 snao. Xarunta la dhaho Stackken waa meel eey yimaadaan waalidiinta carruurta yaryar heysta, waxeeyna ka helaan talooyin iyo taageero. Xarunta Stackken waxuu kuwada kulma dadyow kala duwan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Iskoolka Klockarbergsskolan (F-9) waxuu ku yaal bartamaha Skinnskatteberg waxuuna u dhowyahay qeybta hoose ee balliga Vättern. Agagaarka iskoolka waxaa ku yaal guriga xilli firaaqaha, gaaroon isboortis oo gudaha ah iyo maktabad. Iskoolka dhaqanka ee Kulturskolan Korpen waxaa laguugu diyaariyay iskool hiddaha iyo dhaqanka ah oo bilaash ah, waxaana loogu tala galay ardayda da'doodu eey ka yartahay 20 sano.

Furadaha waxbarasho

Degmada Skinnskatteberg waxeey dhinaca waxbarashada dugsiyada sare, waxbarashada dadka waaweyn iyo waxbarashada heerka jaamacadda ee habka waraaqaha guriga laguugu soo dirayo, u xil saartay ururka waxbarashada ee gobolka Västmanland ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (NVU).

NVU waxuu kuu hayaa fursado waxbarasho oo kala duwan. Waxaa jirta wada shaqeeyn eey la leeyihiin degmooyinka u dhowdhow iyo ururada degmooyinka gobolka iyo kuwo gobolka banaankiisa ah.

Caafimaadka

Bartamaha magaalada waxaa ku yaal rug caafimaad, xarun lagu qaabilo dadka jir jimicsiga u baahan, rugta dhallaanka, rugta hooyada iyo rugta ilkaha. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaal Fagersta. Waxaa xataa jira isbitaalka ku yaal Västerås.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Skinnskatteberg waxeey ku taal bartamaha Iswiidhan. Xuduud 18 mayl gudaheed ah waxaa degan ku dhowaad 4 malyan oo qofood. Garoonka diyaaradda ee ugu dhow waxuu ku yaal Västerås. Gaadiidka dadweynaha ee Västmanlands lokaltrafik waxuu maamulaa basaska degmada. Skinnskatteberg waxaa ku yaal jidad tareen. Tareenka Tåg i bergslagen waxuu maraa jidadka u dhaxeeya Gävle iyo Hallsberg.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqa bixiyayaasha ugu waaweyn waa Systemair, degmada Skinnskatteberg shaqaalaheeda, Setra group iyo Skogsmästarskolan (SLU).