Xayawaanka iyo dabiicadda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Waxa jira lix xirfadood oo ay xakamaysantahay u ehel noqoshadoodu oo dhinaca daryeelka caafimaadka iyo jirrada xawayaanka ah. Aqooyahannada beeraha, ugaadhsi-yaqaan, biyoolaji yaqaan iwm waxa quseeya qiimaynta Gudida jaamicadaha iyo jaamicadaha sare.

Shaqaalaha caafimaadka xayawaanka

Waxa jira lix xirfadood oo ay xakamaysantahay u ehel noqoshadoodu oo ah dhinaca daryeelka caafimaadka iyo jirrada xayawaanka:

  • Dhakhtar xoolaad la aqoonsaday
  • Kalkaaliso caafimaadka xayawaanka ah oo la aqoonsaday
  • Daryeele qoob-fardood la ansixiyey (Godkänd hovslagare)
  • Kalkaalisocaafimaad oo la aqoonsaday
  • Dhakhtar jimicsi oo la aqoonsaday
  • Dhakhtar ilkood oo la aqoonsaday

Qiimaynta waxbarashada dalalka kale oo ku salaysan xirfadaha aan nidaamsanayn waxaa awood u leh Goleha jaamacadaha iyo kulliyadaha (Universitets- och högskolerådet).

Wabarasho dhammaystir ah

Marka aad hesho qiimaynta iyo aqoonsi-siinta waxbarashadaada, waxad toos u geli suuqa shaqada ama waxad sii dhigan waxbarasho dhammaystir ah si aad u wanaajiso fursadahaaga shaqo.

Jaamacadaha iyo kulliyadaha dalka Iswiidan ayaa waxbarashada ku dhamaystran karta. 1-2 sano ayaa la dhigta waxaana xaq u leedahay qaadashada studiemedel.