Xannaanada carruurta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Goobaha xannaanad carruurta waa magaca ee wada waadagaan meelaha caruurta lagu barbaaro. Goobaha xannaanad carruurta waxaa ka mid ah, sidaa dugsiyada xanaanada, guriga xannaanada carruurta iyo dugsiga xilli firaaqaha. Goobahas ayee carruurta joogi karaan markii waalidiinta ay shaqaynayaan ama waxbaranayaan.

    Dugsiga xanaanada

    Dugsiga xannaanadda waxaa kaloo loo yaqaanno daghem iyo dagis. Waa goob arruurta da'dooda hal ilaa shan sano u dhaxeeyso lagu xannaaneeyo ilaa ay ka bilaabayaan fasalka dugsiga barbaarinta ama fasalka koowaad. Dugsiyada xannaanadda badankood waxaay adeegsadaan qaab gaar ah oo ay carruurta wax ku baraan. Waxay kale oo leeyihiin qorshaha waxbarshada. Waxaa ku qoran ereyo faraayo waxaa la rabo in carruurta ay bartaaan. Dugsiyada xannaanadda dhamaantood waxay u hawlgalaan hab waafaqsan qorshaha waxbarshada Iswiidhan.

    Dugsiga xannaanadda ee albaabada u furan

    Dugsiga xannaanadda ee albaabada u furan waa goob loogu tala galay waalidiinta fasaxa ku jiro iyo caruurtooda. Dugsiga xannaanadda ee albaabada u furan waxaa joogo shaqaale aqoon leh. Waana meel fiican ee lagu barto waalid iyo caruur kale. Dugsiga xannaanadda ee albaabada u furan waxeey Iswiidhan uga yaaliin degmooyin badan.

    Fasalka dugsiga barbaarinta (hoowlaha lix jirka)

    Carruurta dhammaantood waa in markii ay lix sano buuxsadaan boos laga siiyaa fasalka dugsiga barbaarinta. Marmarka qaarkoodna waxaa lagu magacaabaa sexårsverksamhet(hoowlaha lix jirka). Fasalka dugsiga barbaarinta waa goob carruurta dugsi-dhigasho lagu tababaro intii aysan bilaabin dugsiga hoose.

    Goobaha xilli firaaqaha (fritids)

    Carruurta da'dooda u dhaxayso lix ilaa labo-iyo-toban sano waxay saacadaha dugsidhigashada ka hor ee ka danbe ba xaq ku leeyihiin in ay joogaan goobaha xilli firaaqaha. Laakinse waa in saacadahaas ay waalidiinta shaqayaan ama wax bartaan. Goobta xilli firaaqaha badanaa waxeey ku taalaa isla goobta u dugsiga ku yaallo. Carruurta da'dooda u dhaxayso tobban ilaa laba-iyo-tobban sano waxeey tagi karaan goobaha xilli firaaqaha.

    Guriga xannaanada carruurta/Xannaanaynta waxbarashada ku salaysan

    Qeeyb ka mid ah goobaha xanaaneeynta caruurta waxaa lagu magacaabaa Xannaanaynta waxbarashada ku salaysan ama guriga xanaanada caruurta. Qof aqoon uu leh cilmiga xanaaneeynta ayaa canuga gurigaasa ku qaabilaayo oo ku heeynaayo asagoo uu qabanqaabinaayo hoowlo-barbaarin oo leh dhaqdhaqaaq waxbarasho. Carrurta dugsiyada dhigto weey tagi karaan guriga xanaanada caruurta. Waxuu gurigaas uu noqonaa sida goobta xilliga firaqaada.

    Wada shaqaynta waalidiinta

    Waalidku muhiim ayee yihiin xanaanada canuga. Ayagaa si fiican caruurtooda uu garanaayo. Marka uu cunuga bilaabayo dugsiga xannaanadda ama guriga xannaanada waxaa xilliyada ugu horeeya goobjoog ah qof waalidiintiisa kamid ah. Waxaa lagu magacaaba inskolning (la qabsin), waxayna qaadata qiyaastii laba todobaad. Maamulada dugsiga xannaanadda iyo goobaha xilliga firaaqada waxay wadahadal ugu yeeraan waalidiinta. Waxay waalidiinta wargeliyaan xaalada cunugga iyo sida uu ku yahay dugsiga xanaanada. Adigoo waalid ahna, waxaad ka warami kartaa sida uu aragto dugsiga xanaanada.

    Codsashada booska xannaanadda carruurta

    Si boos looga helo dugsiyada xanaanada iyo guriga xilliga firaaqada waa in marka hore la codsadaa boos. Taasi waxaad ku sameeyneeysaa degmadaada. Degmo kasto nidaam ayee lee dahay, laakin inta badanaa waa in aad boos ka codsataa bilooyin badan ka hor. Canuugada waa in uu ugu yaraan jiro hal sano si uu ubilaabo dugsiga xanaanada.