Kaalmo-dhaqaalaha loogu talagalay qoysaska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Qoysaska carruurta haysta waxay ka dalban karaan Hey'adda qasnada ceeymiska (Försäkringskassan) kaalmo-dhaqaalee, sida kabida kirada, lacagta waalidiinta, lacagta taageerada masruufka iyo lacagta daryeelida.

    Caymiska waalidiinta

    Lacagta waalidiinta waxay suurtagelinaysa in waalidka u shaqadiisa fasax ka qaato, sida uu heeysto canugiisa. Lacagta waalidiinta ee ka helaan Qasnadda ceymiska waxay waalidka ka caawinaysa dhinaca dhaqaalaha, taasoo u suurtagelinayso in xilliyada ugu horeeyo uu canugiisa guriga la joogo.

    Waa caadi in ragga iyo dumarka eey fasax ka qaataan shaqada ama waxbarashada si eey guriga ula joogaan carruurtooda. Laakiin wali dumarka carruurta guriga la joogo ayaa ka badan ragga. Si kor loogu qaado sinnaanta maalmaha eey fasaxa yihiin ragga iyo dumarka waxaa jira maalmo aanan lagu wareejin karin waalidka kale.

    480 maalmood ayu waalidka lacagta waalidiinta qaadan karaa. Boqolkiiba 80 oo mushaharkiisa ayaa 390 maalmood ee ugu horeeya la siinayaa. 90 maalmood ee soo hartay wuxuu waalidka qaadanayaa 180 karoon maalintii.

    Waalidka oo aan lahayn wax mushahar ah ama daqli hooseeya, wuxuu 480 maalmood qaadanayaa 250 karoon maalintii. Aabaha ama waalidka kale ee dhallaanka aduunka ku cusub, waxuu xaq uu lee yahay in uu shaqada ka joogo oo uu lacag ka qaato Hey'adda qasnada ceeymiska toban maalmood marka uu canuga dhasho.

    Waalidka dalka ku cusub ee haysta caruur waxay codsan karaan gunnada waalidka haddii ay soo degeen Iswiidhan. Waxay heli karaan gunno ku aadan tiro ayaamo ah oo kala duwan taas oo ku xiran intay leegtahay da'da ilmaha.

    Sidaaso kale wuxuu waalidku qaadan karaa lacagta waalidiinta haddii uu canugiisa jirran yahay oo ku joogaayo dugsiga. Taasoo loo yaqaanno lacagta waalidiinta kumeelgaar ah ama daryeelka carruurta, VAB. Waxaad markaas waalidka qaadanayaa boqolkiiba 80 mushaharkiisa. Wuxuu sannadkii ugu badnaan qaadan kara 120 maalmood calaa cunug.

    Saacadaha shaqada oo hoos loo dhigay

    Saacadaha shaqada oo hoos loo dhigay ayuu waalidku xaq ku leeyahay, haddii u qabo cunug weli sideed sano aan buuxsan ama weli dhigto sannad-dugsiyeedka koowaad. Mecnaheed waa in aad tusaale ahaan shaqeeyn karto lix saacdood halka aad ka shaqeeyn jirtay sideed saacadood.

    Ilaalinta xuquuqda shaqalaynta

    Sharcigu wuxuu shaqo-dhiibaha ka mamnuucaa in qof dumar ah oo uur leh la siiyo fursado ka xun kuwa shaqaalaha kale. Sidaaso kale waa mamnuuc in qof dumar ah uur-qabid awgeed shaqada looga buriyo.

    Kaalmo-dhaqaaleedka carruurta iyo kaalmada- ardayda

    Hey'adda qasnada ceeymiska waxeey caruurta dhan uu dirta lacaga kaalmada carruurta. Lacagta kaalmada carrurta ee ugu horeeyo waxaa la bixiyaa bil kaddib dhalashada cunugga ama bil kaddib markii u cunugga u dalka Iswiidan u soo guuray. Lacagta kaalmada carrurta waxaa cunugga la siiyaa ilaa u 16 sano ka buuxsado. Waalidka qabo laba ama in kabadan oo carruur ah waxaa la siiyaa lacagta dheeraadka ee carruurta. Inta ee lacagtaas la ekaaneeyso waxeey ku xiran tahay inta canug ee ku joogto. Lacagta kaalmada caruurta waxaa la soo diraa qiyaastii bisha marka ee tahay 20. Haddii aad adiga iyo waalidka kale aad qeybsataan mas'uuliyadda sharciyeed ee carruurta waad qeybsaneeysaan lacagta kaalmada carruurta. waxaad heleysaan 625 karoon midkiiba. Waa haddii uu ilmuhu dhashay 1 maarso 2014 iyo wixii ka dambeeyay. Haddii uu ilmuhu dhashay wixii ka horreeyay 1 maarso 2014 waxaa lacagta la siinayaa waalidka cunuga dhalay. Haddii kali ku tahay lahaanshaha mas'uuliyadda sharciyeed ee ilmaha adiga ayaa lacagta oo dhan laguusoo shubayaa, waana 1 250 karoon bilwalba. Wax canshuur kama bixineeysid lacagta kaalmada caruurta ama lacagta kaalmaada caruurta ee dheeradka ah.

    Lacagta kaalmada carruurtaada waxaa la soo diraa ilaa uu canuga ka gaaraayo 16 sano. Dhalinyarada u dhaxeeyo 16 iyo 20 sano ee dhigto dugsiga sare, waxeey helaan lacagta kaalmada ardayda. Lacagta kaalmada waxbarashada waa 1 250 karoon bil walba waxaa la bixiyaa toban bil, laba billaabo sibteembar illaa juun. Ugu badnaan waxey dhallinyarada heli karaan kaalmada waxbarashada illaa guga eey buuxinayaan 20 sano. Haddii dhallinyarada eey goosmadiisu badantahay waxey saameyn kartaa lacagtiisa kaalmada waxbarashada. Dhalinyarada uu dhaxeeyo 16 iyo 18 sano waxaa lacagta toos loogu diraa waalidka. Dhalinyarku marka uu gaaro 18 sano, asaga ayaa lacagta kaalmada ardayda toos loogu diraa. Haddii eey qoyska heystaan dakhli yar waxey carruurta heli karaan kaalmo lacageed oo dheeraad ah.

    Hey'adda kaalmada ardayda, CSN ayaa bixiso lacagta kaalmada ardayda.

    Qofka ajnabiga ah oo dugsiga sare dhiganaayo waa in marka hore uu codsiga xaqqa asaasiga ee taageerada waxbarashada dirtaa.

    Kabida iijaarka ee loogu tala galay qoysaska caruurta leh

    Qofka carruur leh wuxuu xaq ku leeyahay in uu Lacagta kabida iijaarka codsado. Codsadeha waa in uu Iswiidhan deganyahay oo ka diiwan-gashan yahay si uu uhelo kabida iijaarka.

    Haddii aad heli karto kabida iijaarka iyo in kale waxeey ku xiran tahay inta qof aad reerka ku tihiin. Waxeey kale oo ku xiran tahay heerka iijarka iyo inta lacag ee in soo gasho.

    Waa muhiim in aad uga waramto Hey'adda qasnada ceeymiska haddii uu dakhliga wax iska badalo. Haddii kale waxaa waajib kaaga saarmi karaa in aad lacag celiso.