Xeerka dhaxalka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Marka u qof dhinto, waxaa jira xeerar ku saabsan qofka dhaxlaayo lacagta iyo alaabta qofka uu ka dhintay. Taasi waxeey ku qoran tahay sharciyada iIwiidhan, waxaana lagu magacaabaa xeerka dhaxalka.

    Hantida iyo deynta laga dhintay

    Hantida iyo deynta laga dhintay waa dhammaan lacagta iyo hantida kale oo qofka dhintay ka tegay. Ehelka dhaxalka xaq uu leh ayaa wadawadaaga hantidaas.

    Hanti-aybinta, liiska hantida iyo deynta iyo dhaxalqaybinta

    Haddii qofka dhintay ay qof isqabeen oo hanti ka wadadhaxeeysay, waa in marka hore waxa dhan loo kala qeeybiyaa labadooda. Taasi waxaa lagu magacaabaa hantiqeeybinta. Marka hanti-qaybinta la dhammaystiro ayaa loo gudbaa qaybinta dhaxalka.

    Liska hantida iyo deynta waa liis lagu qoro dhamaan waxii hanti ah iyo deeyn oo u ka dhintay qofka. Liiskas waa in la diyaariyey saddex bilood kadib marka qofku geeriyooday. Waxuu liskaas asal uu ahaana hanti-qeeybinta, oo ah qeeybinta hantida marxuumka.

    Dardaaran qoraal ah

    Dardaaranka qoraalka ah waa dokumenti sharci ah. Qofka qoro dardaaranka ayaa go'ansanaayo qofka dhaxlaayo iyo waxa uu dhaxli karo. Laakiin waxaa jira dad laga reebay. Tafiirta dhaxalka u hadha (qofka dhintay caruurtiisa, caruurta ee sii dhaleen ama caruurtaasna caruurtooda) waxeey markasto xaq uu lee yihiin in eey dalbadaan qeeybta ee dhaxalka ku lee yihiin.

    Dardaaran markii la sameeynaayo waa in la raacaa xeerar gaar ah. Waa in dardaaranku qoraal ahaadaa. Waa in laba markhaanti saxiixdaa. Sidaas darteed ayee uu fiican tahay in lala tashado sharci-yaqaan inta aan la qorin dardaaran.

    Dadka isla nool ayagoo isqabin (wada noole) si toos ah iskuma dhaxlaan. Haddi laba qof oo isla nool doonayaan in eey is dhaxlaan waa in ee qoraan dardaraan.