Lacagta hawlgabka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Lacagta hawlgabku waa lacag aad qaadaneyso marka aad waayel noqoto oo shaqada ka fadhiisato. Inta lacag hawlgab aad qaadaneyso waa kala duwan tahay. Waxayna si la mid ah ku xiran tahay mushaharkii aad soo qaadan jirtay, waqtiga aad soo shaqaysey iyo inta lacag aad si gaar ah uu kaydsatay.

    Hawlgabka guud

    Hawlgabka guud waa lacagta hawlgabka ee dadka dhan xaq uu lee yihiin haddii ee Iswiidhan degnaadeen oo ka shaqeeyeen. Lacagta hawlgabka waa lacag doowladeed oo eey bixisi Hey'adda arrimaha Hawlgabka.

    Haddii aad dooneeyso in aad wax ka sii ogaato lacagta hawlgabka guud ee aad adiga lee dahay, waxaad Hey'adda arrimaha hawlgabka kala xariiri kartaa talefoon ama in aad balan ka sameeysato oo aad waji-waji ugu la kulantid xafiiska adeega.

    Sanad kasto ee aad shaqeeyso, waxbarasho dhigato ama aad fasax waalid gasho waxaad lacag ku kordhineeysaa lacagtaada hawlgab. Lacagta hawgabka guud waxeey ka kooban tahay lacagta hawlgabka dakhliga ku salaysan, lacagta hawlgabka oo faa'iidada laga sameeyo oo ayaduuna dakhligaada ku saleeysan. Haddii aad dakhli yar laahan jirtay ama aadan dakhli yeelan, waxaad heleeysaa lacagta aasaaska ah ee hawlgabka.

    Lacagta hawlgabka dakhliga ku salaysan

    Lacagta hawlgabka dakhliga ku salaysan waxay ku xiran tahay lacagihi horay ku soo gali jiray. Waxaad sannad walba mushaarkaada ka bixineeysaa boqolkiiba 16 oo kuugu darsamaya lacagta hawlgabka dakhliga ku salaysan. Waxaa dakhli lagu tiriyaa mushaar shaqo, lacagta shaqo la'anta, lacagta jirada iyo waxqabadka iyo lacagta fasaxa waalidka.

    Lacagta hawlgabka oo faa'iidada laga sameeyo

    Waxaad sannad walba mushaharkaaga ama dakhligaada ka bixineysaa boqolkiiba 2,5 oo laguguu kaydinaayo sanduuqyada saamiga. Waxaa midaan lagu magacaabaa lacagta hawlgabka oo faa'iidada laga sameeyo. Waxaa sanduuqyada ku jira warqado qiima-lacageed leh ama saamiyo ay dad badani wada leeyihiin. Adiga ayaana go'aan ka gaaraya sanduuqyada saamiga oo aad dooneyso in lacagtaada laguu geliyo. Lacagta hawlgabka oo faa'iidada laga helo oo aad heli doonto waxay ku xiran tahay inta lacag aad soo kaydsatay iyo wixii hadba faa'iido ama khasaaro laga helo lacagta aad ku kaydsatay sanduuqyada saamiyada.

    Lacagta aasaaska ah ee hawlgabka

    Lacagta aasaaska ah ee hawlgabka waxaa la siiyaa qofka usoo gali jiray dakhli yar ama dakhli shaqo ka soo galin. Si aad u hesho lacagta asaasiga ah ee hawlgabka oo buuxda waa in aad deganayd Iswiidhan ugu yaraan 40 sano. Lacagta asaasiga ah ee hawlgabku waa sii yaraaneeysaa haddii aad Iswiidhan deganeeyd in ka yar 40 sano. Lacagta asaasiga ah ee hawlgabku wax ayaa laga dhimaa haddii ay ku soo gasho lacag kale oo hawlgab, sida lacagta hawlgabka ku saleeysan dakhliga.

    Lacagta hawlgabka shaqada

    Lacagta hawlgabka shaqadu waa qaybta lacagta hawlgabka uu shaqo- dhibahaada ka bixiyo. Shaqaalaha badankood waxay xaq u leeyihiin lacagta hawlgabka shaqada. Haddaba sida ee lacagta hawlgabka shaqada noqoneeyso waxeey ku xiran tahay ururada shaqaalaha iyo ururada shaqo-dhiibaha waxa eey ku heshiiyeen. Waxaa lacagta hawlgabka shaqada aan qaadanayn qofka waxbarashada ku jira, qofka shaqala'aanta ah, qofka ka shaqeeya goob shaqo oo aan ku xirneeyn heshiiska guud ee shaqada ama qofka leh shirkad gaar ah.

    Haddii aad lee dahay shirkad gaar ah adiga ayaa lbixineysid lacagtaada hawlgabka shaqada. Waxaa loo yaqaan qarash-gaar ah.

    Lacagta hawlgabka gaar ahaan loo kaydsado

    Adigu si gaar ah ayaad u kaydsan kartaa lacagta hawlgabka. Waxaad ku kaydsan kartaa bangiyada ama sanduuqyada saamiga ee shirkadaha caymiska lacagta hawlgabka. Adiga ayaana go'aansanaya inta aad bil walba ku kaydsanayso iyo waqtiga aad dooneyso in aad bilowdo.

    Kaalmada dheeraadka ah ee waayeelka

    Kaalmada dheeraadka ah ee waayeelka waa taageero loogu tala galay haddii ee san lacagaha kale ku filneeyn. Haddii aad buuxsatay 65 sano oo lacaga hawlgabka kuugu filneeyn ilaa heer nololeed oo macquul ah, waxaad markaas xaq u leedahay kaalmada dheeraadka ah ee waayeelka. Marka aad dalbaneysid kaalmada masruufka ee da'da waxaa go'aan ka gaaraya hey'adda howlgabka oo isla mar ahantaasna baareysa haddii aad xaq u leedahay kaalmada kirada lagu kabo.

    Kaalmada kirada guriga lagu kabo ee howlgabyaasha

    Kaalmada kirada guriga lagu kabo waa qeyb kabid ah oo ka tirsan lacagtaada guud ee howlgabka. Qarashka ku baxa kiradaada, dakhliga kusoo galo, hantidaada iyo xaaladaada qoys ahaaneed ayaa kala saaraaya inta eey la ektahay lacagta kabidda kirada.

    Waxaad dalban kartaa lacagtaas kabidda ah marka aad buuxisid 65 sano waxaadna markaas soo baxsaneysaa kulli lacagtaada howlgabnimada. Waad dalban kartaa meehsaa rabtid deganoow haddii aad xattaa degantahay guri aad adiga leedahay. Waad dalban kartaa haddii aad hanti leedahay xattaa.

    Lacagta hawlgabka oo dibada lagu qaato

    Lacagta hawlgabka dakhliga ku salaysan, Lacagta hawlgabka oo faa'iidada laga sameeyo, Lacagta hawlgabka shaqada iyo Lacagta hawlgabka gaar ahaan loo kaydsado waxaad heeysan kartaa meesha aad uu guurtaba ayadoo ee san wakhti ku xirneeyn. Laakin hubaal ma ahan in aad sii heeysan karto lacagta asaasiga ah ee hawlgabku. Waxeey ku xiran tahay dalka aad uu guurto iyo nuca fa'iido aad lee dahay. Lacagta asaasiga ah ee hawlgabku waxaad sii heeysan kartaa haddii aad uu guurto dal kale oo ku yaalo dalalka Midowga Yurub iyo dalka EES, Switzerland iyo xaalado qaarkood dalka Kanada. Xaqqa kaalmada dheeraadka ah ee waayeelka waa joogsanaa haddii aad uu guurto dibada.