Markii qof u geeriyoodo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Dhimashadana waxaa kale oo lagu magacaaba geeri. Marka uu waayel ehelka ka tidan guriga ku geeriyoodo waxaa lala xariira shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Marmarka qaarkood jidhka waxeey geeyaan isbitaal halkaasi uu dhakhtar ka mas'uul yahay sugida-geerida. Haddii uu qofka qabo codsi gaar ah, tusaale ahaan khuseeyo hab waxqabad diimeed ah, waxaa lagala hadlaa shaqaalaha daryeelka.

    Xabaalidda/duugitaanka

    Markii dalka Iswiidan qof ku geeriyooda oo la xabaalayo, waxaa xabaalidda ka soo qaybqaata ehelka iyo asaxaabta. Waxaa caadi ah in la raaco dardaaranka qofka geeriyooday oo loo duugo sidii uu codsaday. Waxaa codsigaas laga yaabaa in lagu qoray warqadda dardaaranka ama qofka geeriyooday ayaa horay u sheegay sida ay doonayaan in loo xabaalo. Waxaa jiro habab kale duwan oo xabaalada loo qabto ayadoo eey ku xiran tahay sida laa aaminsan yahay.

    Xabaalidda waxaa badanaaba lagu qabtaa kaniisadda. Markii laga reebo degmada Stockholm iyo Tranås, arrimaha hoowlaha xabaalaha Iswiidhan waxaa mas'uul ka ah kaniisadda iswiidhishka (Svenska kyrkan). Habkaas ayaa loo maraa arrimahaas, meeydka diinta doono ka haystee.

    Qofka geeriyooday ehelkiisa waxeey la xariiri karaan wakiilada arrimaha xabaalaha ee degmada. Wakiiada arrimaha xabaalaha waa dad uu maamulka goboka doortay oo ka shaqeeyo danta meeydka iyo ilaalinta codsiga ehelkiisa. Wakiiadal arrimaha xabaalaha waxeey ku raacan yihiin hubinta in dadka aan ka tirsanaeeyn kaniisada iswiidhishka, loo aaso meydka sida uu haboon ayagu. La xariirka wakiiiada arrimaha xabaalaha, waxaa ehelka qofka geeriyooday uu mari karaan degmada, maamulka gobolka ama ururkooda diimeed.

    Ma jiro wax sharci ah oo ku saabsan habka loo qabanqaabiyo xabaalidda. Laakiin waxaa jira xeer qoraya in qofka lagu rido sanduuq. Waxaa kaloo jira sharciyo ku saabsan habka meydka loo gubaayo iyo habka dambaska loo duugayo. Meyd-gubista waa in meydka oo sanduuqa ku jira la geliyo foorno. Foornadu waxay meydkii iyo sanduuqaba ka dhigtaa dambas. Waxaa dambaskaas kadib lagu aasaa qabri. Dambaska waxaa lagu daadin karaa meel ka mid ah qabuuraha, oo lagu magacaabo beerta xusuusta. Haddiise la doonayo in dambaska lagu daadiyo badda, waa in ruqsad laga haystaa maamulka gobolka.

    Haddii la doonaayo in meeydka lagu aaso dibada, waxaa dibada ugu qaadi karo xafiis qabanqaabinta xabaalidda oo lacag qaadanaayo.

    Sida caadiga waxeey qaadataa in uu dhaxeeyso hal ilaa laba isbuuc inta aan meeydka lagu duugin Iswiidhan. Haddii ee ehelka doonaayaan duugista waa la fulin karaa sida ugu dhaqsiyaha badan. Laakin meeydka waa in la duugaa ama la guuba ugu danbeeys bil gudaheed, sida uu dhigaayo sharciga Iswiidhan.

    Iswiidhan kuma badno caadada furnaanshaha sanduuqa meeydka laakin ma jirto taasi wax hor istaagaayo haddii la doonaayo sidaas.

    Dadka Iswiidhan degan canshuurta ayaa looga go'yaa khidmad loogu talagalay duugista. Khidmadaas waxeey qofka xaq u siineeysaa in munaasabada duugista loogu qabto meel, tusaale ahaan qol-kanisadeed. Waxay kale oo khidmadaas xaq u siineeysaa in sanduuqa meeydka gaadiid looga soo qaado meesha oo loo geeyo qabriga.

    In ku dhow boqolkibba 83 dadka Iswiidhan ku geeriyooda waxaa munaasabad loogu sameeyaa kaniisadda. Waxaa halkaas munaasabad duco ku qabto wadaad masiixi ah. Qofka loo sameeynayo munaasabadda ducadu waa in uu ka tirsan yahay kaniisadda iswiidhishka. Xabaalidda masiixiga ah lacag la'aan ayaa loogu sameeyaa dhammaan dadka ka tirsan kaniisadda iswiidhishka. Munaasabadda xabaalidda masiixiga ah waxaa sidoo kale lagu qaban karaa kaniisadaha madaxa bannaan, kaniisadaha kaatoliga ama kaniisadaha ortodokiska ah.

    Xabaalidda madanigu waa munaasabad aan diini ahayn. Sidaas darteed munaasabada xabaalidda madaniga ah, lagu ma qabto kaniisadaha. Waxaa lagu qabtaa meelo la iskugu imaado, sida goof ama kaynta dhexdeeda. Waxaa munaasabadda xabaalidda madaniga ah hoggaamiya qof luu xilsaaran.