Qoyska- iyo hawlaha carruurta
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 4/12-2025
Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay qoyska- iyo hawlaha carruurta.
Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan carruurta iyo dhalinyarada wakhti firaaqahooda iyo nooca fursadaha dhinaca dhaqan, isboorti iyo nolosha ururada ee jira. Waxaad xitaa ka fikiri doontaa nooca urur ee adigu aad dooni lahayd inaad ka mid ahaato.
Waxa kale oo aad akhrin doontaa wixii ku saabsan dugsiga xanaanada ee furan iyo hawlaha kale ee loogu talogalay kuwa ku jira fasax waalidnimo.
Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan farshaxan, muusig, masrax, dhaansi, filim, suugaan iyo cilmi. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad ku dhaqanto dhaqan oo abuurto farshaxan. Haweenka iyo raggu waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah inay keligood go’aansadaan nooca qaybaha nolosha dhaqanka ee ay doonayaan inay ka qaybqaataan.
Carruurtu waxay xaq u leeyihiin wakhti firaaqe firfircoon, leh ciyaar iyo hawlo wakhti firaaqe oo ku haboon ilmaha da’diisa. Carruurtu waxay xitaa xaq u leeyihiin inay helaan dhaqan iyo inay laf ahaantooda ku dhaqmaan dhaqan oo abuuraan farshaxan.
Dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waa inay awoodaan inay helaan nolol dhaqan oo ku dhaqmaan dhaqan leh shuruudo la mid ah sida dadka kale. Iswiidhan waxay saxeexday Qaramada Midooney qaraarkeeda xuquuqaha loogu talogalay dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah.
Hawlaha dadka ku jira fasaxa waalidnimo
Waxaa jira hawlo kala duwan oo aad samayn karto adigaaga ku jira fasaxa waalidnimo haddii aad doonaysid inaad la kulanto dad kale oo ku jira fasax waalidnimo.
Xanaanada caruurta ee furan waa goob kulan halkaas oo aad kula kulmi karto dadka kale ee waaweyn oo caruurtuna ka helayaan fursad ay la ciyaaraan caruur kale. Cid kasta waa lagu soo dhawaynayaa, adigu uma baahnid inaad ka hor isasii diiwaan-geliso oo waa bilaa kharash. Meelaha qaarkood waxaa laga helaa xanaanada caruurta ee furan ee ku jiheysan waalidka dalka ku cusub halkaas oo xitaa laga helayo fursada in la helo taageerada barashada iswiidhishka. Xanaanada caruurta ee furan waxaa maamusha degmada iyo xitaa kaniisado iyo ururo.
Hawlaha kale waxay ahaan karaan kulanka caruurta dhalaanka ah ee maktabada, maqaaxiyaha waalidka, tababarka caruurta dhalaanka ah iyo dabaasha dhalaanka.
Xarumaha ganacsiga ee wax laga iibsado qaarkood iyo dukaamada waaweyn waxaa laga heli karaa qolka qoyska ee naas-nuujinta. Halkaas waxaa xitaa laga helaa fursada in la fariisto oo la naas-nuujiyo, la badalo xafaayada oo raashinka ilmaha lagu diiriyo jawi degan.
Iswiidhish leh canug yar
Adigoo maraya Swiidhish leh canugga yar waxaad la kulmi kartaa waaliddiin kale, waadna ku tababaran kartaan swiidhishka.
Maxay u fiicantahay inay jiraan hawlo loogu talogalay waalidka, maxaad u malaynaysaa?
Carruurta iyo dhalinyarada wakhti firaaqahooda
Canuggu wuxuu xaq u leeyahay ciyaar, nasasho iyo xilli firaaqo. Xilli firaaqo oo micno leh wuxuu ahaan karaa mid taageero u noqda horuumarka canugga. Carruurta badankoodu waxaa ay ka helaan in ay saaxiibbo la joogaan xilliga firaaqada. Waa caadi in la isticmaalo intarneet, la daawado TV, lana dhegeysto muusiko. Qaar badan waxay ku hawlanaadaan hawlo si fiican u abaabulan.
Waxaad taageero dhaqaale u codsan kartaa hawlaha wakhti firaaqaha
Haddii ilmahaagu rabo inuu ka qaybqaato hawl wakhti firaaqo waxaad codsan kartaa taageero dhaqaale si aad u bixiso lacagta hawshaas. Taageerada lagu magacaabaa Kaarka wakhti firaaqaha (Fritidskortet). Waxaad heli kartaa 500 karoon ilmo kasta sanad walba. Haddii qoyskaagu uu Qasnadda Caymiska ka helay kaalmada kirada guriga sanadkii hore waxaad heli kartaa 1500 karoon oo dheeraad ah ilmo kasta iyo sanad walba.
Waa kuwan qawaaniinta si loo awoodo in dalbado lacagta Kaarka wakhti firaaqaha:
- Waxaad codsan kartaa laga bilaabo sanadka uu ilmahaagu buuxiyo 8 jir iyo ilaa sanadka ilmahaagu buuxiyay 16 jir.
- Waa in adigu aad tahay qofka haysta mas´uuliyadda sharci ee ilmaha.
- Adiga iyo ilmahaaga waa in aad ku jirtaan diiwaan-gelinta dadweynaha ahna cinwaan isku mid ah gudaha Iswiidhan.
Lacagtan waxaad u isticmaali kartaa in aad ku bixiso kharashyada dhanka ururada isboortiga, ururada wakhti firaaqe lagu qaato banaanka ama iskoolada dhaqanka. Waxa kale oo aad lacagta u isticmaali kartaa in aad ugu kirayso qalab ama agab caawin ilmahaaga. Xaaladdaas, waxaad u baahan tahay inaad qalabka ka kiraysato urur ku xiran kaadhka wakhtiga firaaqada.
Codso ugu dambeyn 30 Noofambar sanad walba
Ugu dambayn 30 Noofambar ee sannad walba ayaad codsan kartaa isla markaana isticmaali kartaa lacagta laga helo Kaarka wakhti firaaqaha. Raac tillaabooyinkan:
- Ilmahaaga ka diiwaan-geli hawl wakhti firaaqe oo ah dhanka urur ama iskool dhaqan. Ururka ama iskoolka dhaqan waa inuu ku xiriirsanyahay Kaarka wakhti firaaqaha si aad u hesho lacagta loogu talagalay hawshaas.
- Sug in aad wargelin ka hesho ururkaas ama iskoolka dhaqan taas oo ah in ilmahaagu boos helay iyo warbixin ku saabsan sida aad u bixinayso lacagta.
- Gal adeegga elaktarooniga ee Kaarka wakhti firaaqaha adigoo isticmaalaya BankID ama Freja eID.
- Magaca ilmahaaga ka dooro adeeggan elaktarooniga ah oo codso lacagta ilmaha ee Kaarka wakhti firaaqaha. Waxaad heli doontaa jawaab isla markiiba.
- Guji "Sök förening" (”Raadi urur”) oo qor magaca ururka ama iskoolka dhaqan ee qaban-qaabiya hawshan wakhti firaaqaha.
- Ku buuxi tirada lacagta iyo lambarka OCR ama farriinta aad ka heshay ururka ama iskoolka dhaqanka. Markaas ayaa ururku ogaanaya in qofka lacagta bixiyay yahay adiga.
Haddii lacagtu aysan daboolin dhammaan khidmadda hawshan wakhti firaaqaha waxaad u baahanaysaa in aad haraaga khidmadda ka bixiso xisaabtaada bangiga. Taas waxaad samaynaysaa adiga oo galaya bangigaaga oo waxaad samaynaysaa lacag bixin dheeraad ah oo leh isla lambarkaas OCR.
Adigaaga raba in lagaa caawiyo dhanka telafoonka waxaad wici kartaa Kaarka wakhti firaaqaha. Marka aad wacdo sheeg haddii aad rabto in lagugu caawiyo luqad aan ahayn af Iswiidhishka. Hay´adda dawladda ee caafimaadka elaktarooniga ah ayaa markaas kuu qabanaysa turjubaan oo dib kuugu soo war-celinaysa.
Telafoon lambarka: 0771-18 19 18
Ururka ama iskoolka dhaqanka ka raadi adeegga elektaroonigga ee Kaarka wakhti firaaqaha. Haddii ururka ama iskoolka dhaqanka ka soo muuqdo natiijooyinka raadinta micnaheedu waa in uu ku xiriirsanyahay. Markaas ayaad heli kartaa lacagta hawshaas.
Maya, lacag ma u kaydsan kartid sanadka soo socda. Haddii aadan haleelin in aad isticmaasho lacagtaas waxaad lacag cusub codsan kartaa gudaha bisha Jeenawari.
Isboorti
Carruurta Iswiidhan joogta badankoodu waxay mar uun noloshooda ka mid noqdaan urur isboorti. Ku dhawaad tiro isla eg oo wiilal iyo gabdho ah ayaa firfircoon. Ururrada isboortigu waa caadi da'aha oo dhan laakiin inta ugu badan ee isboortiga sameysa waxaa ay ku jiraan da'aadda 10-12-jir. Isboortiga caadiga ah waa kubbadda cagta, farda fuulidda, kubadda dhulka, teenis, isboorti dabaal ah, ciyaarta xeegada barafka, jineestikada, kubadda gacanta, kubadda kolayga iyo ciyaaraha fudfudud.
Isboortiga iswiidhishku waa dhaqdhaqaaq dimuquraadi ah. Wuxuu ku dhisanyahay urur xubin ka noqosho halkaas oo xubnuhu ay dhiibayaan lacag xubinnimo. Hoggaamiyayaal badan oo ku jira isboortiga iswiidhishku waxaa ay waalid u yihiin carruur ururka ku jirta. Hoggaamiyayaasha badankoodu waxaa ay shaqeeyaan mushaar la'aan. Waaliddiinta waxaa badanaa laga fishaa in hawlaha la xiriira isboortiga canugga ay wax caawiyaan.
Degmooyinka qaarkood waxaa laga hela kaydka wakhti firaaqaha halkaas oo carruurtu si bilaash ah uga amaahan karto qalabka isboortiga- iyo wakhti firaaqaha.
Dhaqan
Dugsiga dhaqanka
Dugsiga dhaqanku wuxuu carruurta iyo dhallinyarada siinayaa fursad ay uga qeyb qaataan hawlaha farshaxanka iyo dhaqanka, dugsiga ka bacdi.
Iskoolka dhaqanka wuxuu siiyaa caruurta iyo dhalinyarada fursada in laga qayb qaato barashada farshaxanka iyo hawl dhaqan ka dib iskoolka.
Maktabad
Maktabadda waxaa loogu tala galay dadka oo dhan. Xagga carruurta iyo dhallinyarada waxay maktabaddu badanaa u haysaa hawlo, ciyaaro iyo maaweelo. Badanaa waa la deynsan karaa kumbuyuutar leh intarneet, waana la deynsan karaa filmaan, ciyaaro iyo buugaag cod ah.
Akhris joogto ah wuxuu saameynayaa canugga awooddiisa hadal, u bislaashada dugsiga iyo natiijada dugsiga. Ilbiriqsiyada sheekadu waxaa ay kor u qaadayaan keydka erayada ee canugga, fahmidda akhriska iyo awoodda ah in la is cabbiro.
Intarneet
Waa caadi in canuggu da' hore uu ku billaabo adeegsiga intarneetka.
Carruurta yar-yar waxay badanaa daawadaan filmaanta gaagaaban. Marka carruurtu weynaato, ilaa iyo 10 sano jiryo, waxaa kordhaya ciyaaridda. Ka dibna waxaa kordhaya daneynta warbaahinta bulshada.
Beerta xilliga firaaqada
Beeraha xilliga firaaqada waxaa ka jira hawlo leh hoggaamiye xilli firaaqo oo shaqaaleysan. Halkaas waxaa ay carruurtu ku kulmi karaan waqtiga dugsiga ka bacdi. Hawlo, habeyn, galbo mowduuc leh iyo hawlo kooxeed la dhisayo, loona qorsheynayo hadba dhallinyarada baahidooda iyo waxa ay doonayaan.
Nolol jaaliyadeed
Waxaa Swiidhan ka jira nolol jaaliyadeed oo xooggan oo leh jaaliyado loogu tala galay carruur iyo dad waaweyn labadaba.
Waxaa jira jaaliyado iyo naadiyo badan gudaha Iswiidhan. Waxaa jira naadiyo dhanka dhamaan xiisooyinka suurtagal ah. Naadiyo isboorti, naadiyo filim, wehelka masraxa, jaaliyadaha ciyaaraha, dhaq-dhaqaaqa sahamiska, jaaliyadaha qawmiyadaha,
jaaliyadaha ku tamashlaynta banaanka, jaaliyadaha sawirlayda iyo wax kaloo badan. Iyadoo aad ka mid ahaato jaaliyad waxaad helaysaa inaad ka qayb qaadato wax aad u aragto inay xiiso leedahay. Halkaas waxaad xitaa ku baranaysaa dad kale oo aad isku xiiso tihiin.
Sidee ayaad uga caawin kartaa carruurtaada inay helaan hawlo ay iyagu xiisaynayaan?
Ururradee ayaa ka jira degmadaada?
Ma dooni lahayd inaad ka mid noqoto urur? Waa kee haddii ay sidaas tahay?