La xiriirka hey’addaha dawladeed

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 23/11-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay la xiriirka hey’addaha dawladdeed ee gudaha Iswiidhan. Dhinaca noloshaada maalinlaha ah waxaad u baahan kartaa inaad la xiriirto hey’addo dawladeed oo badan oo kala duwan.

Laga yaabee inaad u guureyso cinwaan cusub oo u baahantahay inaad la xiriirto Hey’adda Cashuuraha. Laga yaabee inaad galayso fasax waalidnimo oo aad hayso su’aalo dhinaca Qasnadda Caymiska kuna saabsan gunnada waalidka. Qoraalkan waxaad ku akhrin doontaa waxyaabo fiicnaan kara in la ogaad marka aad la xiriireyso hey’addaha dawladda. Tusaale ahaan waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan xaqa dhinaca turjubaan iyo sida hey’addaha dawladda ay u maareeyaan macluumaadka shakhsiga ah. Waxa kale oo aad akhrin doontaa wixii ku saabsan diiwaan-gelinta dadweynaha, kaarka aqoonsiga iyo aqoonsiga elaktarooniga ah.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay awoodaan inay raadiyaan oo helaan macluumaadka ka yimi hey’addaha dawladeed. In si xor ah loo raadiyo loona helo macluumaad waxay aasaas u tahay xorriyadda fikradda iyo xorriyadda hadalka. Xaqan wuxuu ku saabsanyahay macluumaad ku saabsan bulshada, tusaale ahaan sharciyada jira, iyo macluumaad adiga kugu saabsan, tusaale ahaan haddii arrin kaa taalo hey’ad dawladeed.

Hey’addaha dawladeed waa inay hubiyaan in dadka leh awoodaha kala duwan ay fursad u haystaan inay gudoomaan oo fahmaan macluumaad ka yimi hey’ad dawladeed. Marka aad tusaale ahaan la xiriirto dawladda iyo degmooyinka waxaad xaq u yeelan kartaa turjubaan haddii aanad ku hadlin ama fahmayn Iswiidhishka ama haddii aad ku hadasho luqadda dadka dhegoolaha ah.

Waa inaad hesho ama awooddo inaad dukumenti ka dalbato hey’addaha dawladda kaas oo ah qaab adiga kugu haboon, tusaale ahaan qoraalka indhoolayaasha, qoraal akhrin fudud ama qoraal cod ahaan kuugu soo baxa iyadoo la adeegsanayo qalab caawimaad. Hey’addaha dawladda macluumaadkooda djitaalka ah xitaa waa inuu ku haboonaado dadyowga kala duwan awoodahooda. Tani micnaheedu waa in hey’addaha dawladda ay qoraal raaciyaan filimadooda fiidyowga iyo in qoraalka ku yaala hey’addaha dawladda boggagooda intarnetka uu fududyahay in la fahmo.

In la xiriiro hey'ad dawladeed gudaha Iswiidhan

Adigu xaq ayaad u leedahay inaad la xiriirto hey'addaha dawladeed oo iyagana waxaa waajib ku ah inay ku caawiyaan marka aad la xiriirto iyaga.

Haddii aad hayso su’aalo fudud waxaa fiican inaad booqato hey’addaas dawladeed boggeeda intarnatka. Waa caadi in hey’addaha dawladda boggagooda intarnatka ay hayaan macluumaad ku qoran luqaddo kala duwan. Waxaad xitaa booqan kartaa hey’adahaas dawladeed. Waxaa jira tusaale ahaan xafiis adeeg (servicekontor) dawladeed halkaas oo dhowr hey’ado dawladeed wada shaqayn ku leeyihiin. Dhinaca xafiis adeeg (servicekontor) waxaa ka shaqeeya shaqaale kugu caawin kara dhowr luqadood oo aan ahayn Iswiidhish iyo Ingiriisi.

Caawin ka hel xafiis adeeg

Xafiis adeeg waxaad ka heli kartaa caawinta iyo warbixin ka timi hey’ado dawladeed oo kala duwan. Waxaad ka heli kartaa caawinta arrimaha Xafiiska Shaqada, Qasnadda Caymiska, Hey’adda Socdaalka, Hey’adda hawl-gabka iyo Hey’adda Cashuuraha. Waa Dawladda xarunteeda adeegga ta mas’uulka ka ah xafiisyada adeegga (servicekontoren).

Shaqaalaha xafiis adeeg (servicekontor) waxay kaa caawin karaan inaad isticmaasho adeegyada elaktarooniga ah, buuxinta foomamka iyo codsiyada isla markaana ku siin karaan warbixin ku saabsan arrimahaaga markaas furan oo daabici karaan shahaado iyo caddaymo kala duwan. Xafiisyo adeeg oo badan (servicekontor) waxa kale oo aad ka heli kartaa warbixin ku saabsan iyo caawimaada in la isticmaalo Xafiiska shaqada adeegyadeeda. Xafiisyo adeeg qaarkood (servicekontor) waxaad ka codsan kartaa oo ka soo qaadan kartaa kaarka aqoonsiga.

Nin hor taagan kadinka Xafiiska adeegga ee Dawladda.

Xaqa turjubaan

Dhanka dhammaan xiriirka lala leeyahay hey'addaha dawladeed, degmo iyo daryeelka bukaanka waxaad xaq u yeelan kartaa turjubaan haddii aanad ku hadlin ama fahmin Iswiidhishka. Adigu waxaad xaq u leedahay in aad codsato turjubaan haddii aad taas u baahantahay si aad tusaale ahaan u fahanto arrintada taalla hey'ad dawladeed ama si aad u awooddo in lagu fahmo. Adigu waa inaad sheegto in aad u baahantahay turjubaan marka aad ballansanayso wakhtiga booqashadaada. Waxaa caadi ah in hey'adda dawladda ay balamiso turjubaan haddii aad u baahantahay taas. Weydii hey'adda dawladeed haddii aanad hubin.

Haddii aad hey'ad dawladeed ka hesho macluumaad adigu aanad fahmayn waxaa muhiim ah inaad adigu la xiriirto iyaga.

Tusaale: Martin wuxuu u baahanyahay turjubaan

Martin wuxuu dhawaan geli doonaa fasax waalidnimo oo uu u qaadanayo wiilkiisa Julian. Isagu wuxuu codsiga gunnada waalidka ka buuxiyay Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka. Laakiin isagu ma hubo haddii uu macluumaadkan u buuxiyay si sax ah. Martin dhawaan ayuu yimi Iswiidhan oo weli muu baran Iswiidhishka. Isagu wuxuu u arkaa inay adagtahay in la fahmo macluumaadka ku qoran Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka oo Martin ma ku hadlo wax ka mid ah luqaddaha ay Qasnadda Caymisku ku bixiso macluumaadka.

Doorashada 1: Martin wuxuu wacayaa Qasnadda Caymiska maadaama uu doonayo inuu caawimaad ka helo shaqaale dhinaca arrintiisa. Shaqaalahan ayaa qiimeeyay inay jirto baahi turjubaan dhanka wada hadalka oo ballamiyay kulan gaar ah oo lala yeesho Martin iyo turjubaan.

Doorashada 2: Martin wuxuu dooranayaa inuu tago xafiis adeeg si uu u helo caawimaad. Shaqaalaha adeega ayaa qiimeeyay inay jirto baahi turjubaan dhanka wada hadalka oo ballamiyay kulan gaar ah oo lala yeesho Martin iyo turjubaan.

Sirta

Dukumentiyada badankooda yalla hey'addaha dawladeed, gobolada iyo degmooyinka waa kuwa dadweynaha oo dhan u furan. Kuwaas waxaa lagu magacaabaa dukumentiyo dadka oo dhan u furan. Tani micnaheedu waa in dadka oo dhan loo oggolyahay inay akhristaan iyaga. Haddii aad tusaale ahaan ii-mayl u dirto hey'ad dawladeed markaas dadka kale way codsan karaan inay akhriyaan taas.

Ka hor intaan hey'ad dawladeed bixin dukumenti waxay mar walba qiimeeyaan haddii dukumentigan ay ku jiraan macluumaad sir ah. Tani waxaa lagu magacaabaa eegida sirta. Hey'ad dawladeed ma loo oggola in ay bixiso dukumenti la ilaalinayo sir ahaan. Dukumenti ay ku jiraan tusaale ahaan macluumaad ku saabsan qof caafimaadkiisa waxay ku dhowrsanaan karaan sir ahaan.

Hey'addaha dawladeed waxay maareeyaan macluumaadkaaga shakhsiga ah

Marka aad adigu la xiriirto hey'addaha dawladeed waxaa badanaaba lagaaga baahanyahay in aad tusto aqoonsigaaga. Hey'addan dawladeed waxay u baahantahay inay la xiriirayaan adiga oo aanay ahayn cid kale. Adiga waxaa xitaa lagaaga baahan karaa inaad macluumaad shakhsi oo kale siiso hey'ad dawladeed.

Tusaalaha macluumaadka shakhsiga waa:

  • Magacaaga
  • Lambarkaaga shakhsiga
  • Cinwaankaaga ii-maylka
  • Telafoon lambarkaaga

Adigu waxaad xaq u leedahay inaad ogaato nooca macluumaadka shakhsi ee kugu saabsan ee hey'ad dawladeed hayso. La xiriir hey'addaas dawladeed haddii aad doonaysid inaad ogaato taas. Haddii aad doonaysid in hey'ad dawladeed ay badasho ama masaxdo macluumaadkaaga shakhsiga ah xitaa waad la xiriiri kartaa iyaga. Mararka qaarkood waa in hey'ad dawladeed ay kaydiso macluumaadkaaga. Markaas hey'adda dawladeed way kuu sheegaysaa taas oo kuu sharraxaysaa sababta.

Macluumaadka shakhsiga qaarkood waa xaasaasi. Badanaaba waa mamnuuc in la maareeyo macluumaadka shakhsiga ee xaasaasiga ah, laakiin waxaa jira waxyaabo ka reeban. Mararka qaarkood tusaale ahaan daryeelka bukaanka waa inay maareeyaan macluumaadka shakhsiga ee xaasaasiga ah kuna saabsan caafimaadkaaga. Macluumadka qaarkood ee ku saabsan caafimaadkaaga waxay ku jiraan tusaale ahaan diiwaankaaga bukaan socodka. Waajib ayay ku tahay daryeelka caafimaadka inay daabacaan qoraalka diiwaan. Daryeelka caafimaadka waxay u isticmaalaan oo u kaydiyaan macluumaadkaaga shakhsiga ah si ay daryeelkaaga uga dhigaan mid aad u fiican ilaa intii suurtagal ah.

Tusaalaha macluumaadka shakhsiga ee xaasaasiga ah waa macluumaadka ku saabsan:

  • Qawmiyadda qofku ka soo jeedo
  • Aragtiyaha siyaasadeed
  • Diin
  • Caafimaad iyo daryeel
  • Qofka dabcigiisa jinsi
  • Qof hoos u dhaca awoodiisa laxaadka

Haddii aad u aragto in hey'ad dawladeed ay macluumaadkaaga shakhsiga ah u maareeyeen si khalad ah waxaad u ashkatoon kartaa Hey'adda dawladda ee ilaalinta karaamada qofka. Waa hey'ad dawladeed oo hubisa in kuwa gacanta ku haya macluumaadka shakhsiga ah ay raacaan sharciga.

Maxaad u malaynaysaa inay tahay sababta loo arko in macluumaadkaas shakhsiga ah ay yihiin xaasaasi?

Macluumaadka shakhsiga ee dhowrsan

Haddii aad khatar ugu jirto in laguu gaysto dembi, dhibaato xun ama xad-gudubyo khatar ah waxaad xaaladaha qaarkood heli kartaa macluumaad shakhsi oo dhowrsan. Waxay tani noqon kartaa tusaale ahaan in magacaaga iyo cinwaankaaga ay ku dhowrsanaadaan diiwaan-gelinta dadweynaha. Taasi waxay keenaysaa inay adkaanayso in dadka kale ay ogaadaan meesha aad ku nooshahay. Macluumaadka ku jira diiwaan-gelinta dadweynaha caadi ahaan waa kuwa dadka oo dhan heli karaan.

Waxaa jira saddex nooc oo ah macluumaadka shakhsiga ee dhowrsan: diiwaan-gelin dadweyne oo dhowrsan, calaamadin sir ahaan iyo macluumaadka shakhsi oo la maldahay.

Waa Hey'adda Cashuuraha iyo Booliska kuwa go'aamiya haddii aad heli karto macluumaad shakhsi oo dhowrsan. Adigu waxaad diiwaan-gelin dadweyne oo dhowrsan iyo calaamaday sir ahaan ka codsanaysaa Hey'adda Cashuuraha. Adigu macluumaad shakhsi oo la maldahay waxaad ka codsanaysaa Booliiska.

Hey'adda Cashuuraha boggeeda intarnatka ayaad ka helaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan macluumaadka shakhsi ee dhowrsan, sida aad u codsanayso iyo micnaha in lagu noolaado iyadoo la haysto macluumaad shakhsi oo dhowrsan.

Hal sabab u ah in la lahaado macluumaad shakhsi oo dhowrsan waxay ahaan kartaa haddii dhibaato dagaal ay kaa soo gaartay lamaaahaaga ama qoyska.

Adigu waxaad xaq u leedahay inaad hesho qaabilaad fiican marka aad la xiriirto hey'addaha dawladda

Marka aad la xiriirto dawladda, hey'ad dawladeed, gobol ama degmo waxaad xaq u leedahay inaad hesho qaabilaad fiican oo loo simanyahay. Dadka ka shaqeeya halkaas waa inay dadka oo dhan ula dhaqmaan si isku mid ah. Tusaale ahaan maaha inay oggolaadaan in fikradaha shakhsiga ah ay raad ku yeeshaan go'aamada ay gaarayaan.

Qaabilaad loo simanyahay ma u baahna inay mar kastaba micnaheedu noqoto in qaabilaadu si toos ah isku mid u ahaato ama qaab isku mid ah dhinaca dadka oo dhan, laakiin waa inay si isku mid ah ugu fiicnaato dadka oo dhan, iyada oo aan loo eegayn tusaale ahaan jinsigooda, da'da, ka tirsanaanta qowmiyad, diin ama dookha noocyada galmada.

Dadka u shaqeeya dawladda, hey’addaha dawladeed, gobolada ama degmooyinka maaha inay takoorid sameeyaan marka ay kula xiriirayaan adiga ama qof kale. Waxa ah takoorid waxaaa lagu go’aaminayaa xaalad kasta oo gaarkeeda ah. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa in shaqaale dawladeed oo aad la kulantay kuu isticmaalay erayo hoos u dhig ah adiga. Waxa kale oo ay xitaa ahaan kartaa in adigu aanad helin dukumenti aad xaq u lahayd ama in shaqaale dawladeed diido inuu kuu jawaabo xilliga wada hadaladaada. Waxa laguu geystay waa in lagu xiriirin karo hal ama dhowr ka mid ah toddobada aasaasyada u ah takooridda ee ku jira sharciga takooridda si loogu qiimeeyo takoorid ahaan. Dhowr tusaale oo ka mid ah sababaha takoorid waa da’da, hoos u dhac awoodda laxaadka ah, jinsi iyo ka tirsanaanshaha qowmiyad.

Diiwaan-gelinta dadweynaha

Diiwaan-gelinta dadweynaha waa diiwaanka aasaasiga ah ee dhammaan dadka ku nool gudaha Iswiidhan. Diiwaan-gelinta dadweynaha waxaa lagu diiwaan geliyaa tusaale ahaan macluumaadkaaga shakhsiga ah, cinwaanka aad deggantahay iyo haddii aad tahay xaas ama leedahay carruur. Meesha aad kaga jirto diiwaan-gelinta dadweynaha waxa ay micno u leedahay degmada aad ku nooshahay ee aad ku bixinayso lacagta canshuurta, halka laguu oggolyahay inaad ka codeyso iyo xaqa kaalmooyinka iyo faa´iidooyinka kala duwan. Degmo kasta waxay xitaa u qorsheysaa hawlaheeda si waafaqsan inta ay leegyihiin tirada dadka ku nool halkaas.

Marka lagu geliyo diiwaan-gelinta dadweynaha waxaad helaysaa lambarka shakhsiga kaas oo aad haysanayso noloshaada oo dhan. Lambarka shakhsiga wuxuu ka koobanyahay taariikhdaada dhalashada oo ay raacayso afar lambar. Adigu waxaad u baahantahay lambar shakhsi marka aad tusaale ahaan la xiriirayso isbitaal, hey'addaha dawladeed iyo degmooyinka.

Hey'adda Cashuuraha ayaa macluumaadka kugu saabsan ee ku jira diiwaan-gelinta dadweynaha u qaybisa hey'addaha dawladeed ee kale iyo bangiyada. Tani micnaheedu waa in adigu aanad u baahnayn inaad iyaga wargeliso haddii aad guurtay ama tusaale ahaan baddashay magaca.

Adigu waa inaad ku jirto diiwaan-gelinta dadweynaha ee Iswiidhan si aad tusaale ahaan u codsato kaarka id-ga.

Kaarka aqoonsiga

Af Iswiidhishka waxaa kaarka aqoonsiga badanaaba lagu magacaabaa id-kort. Adigu waxaad isticmaalaysaa kaarka aqoonsiga si aad u muujiso aqoonsigaaga, micnihii inaad muujiso qofka aad tahay, marka adigu aad tusaale ahaan dawo ka soo qaadanayso farmasiga ama samaynayso arrin bangiga ah.

Si aad u dalbato kaarka aqoonsiga waa inaad degantahay Iswiidhan, da'aada eey tahay 13 sano iyo inaad caddeyn kartid qofka aad tahay. Haddii aad 18 ka hooseeyso waa in aad heeysataa ogalaanshaha qofka xanaanadaada mas'uulka ka ah si aad uu hesho kaarka aqoonsiga. Qofka xanaanada ka masu'ul ah waa qof dhanka sharciga masu'uliyad uga saaran tahay canuga da'diisa ka hooseeyso 18 sano.

Waxaad aqoonsigaaga ku caddayn kartaa in aad tusto dukumenti-aqoonsi oo ansax ah, tusaale ahaan baasaboor. Waa inaad xitaa sidato kaarkaaga sharciga degganaansho. Haddii aanad haysan wax ah baasaboor waxa keliya ee aad soo qaadataa kaarkaaga sharciga degganaansho. Waxaad xitaa soo kaxaysan kartaa qof caddayn kara qofka aad tahay.

Adigu waa inaad booqato Hey'adda Cashuuraha xafiiskeeda adeega si aad u codsato kaarka aqoonsiga. Ka hor intaanad iman xafiiska adeega waa in aad ballansato wakhti booqasho.

Hey'adda Cashuuraha kaarkeeda aqoonsiga wuxuu shaqeeyaa shan sano. Waa kaar aqoonsi oo ansax ka ah gudaha Iswiidhan. Adigu Hey'adda Cashuuraha kaarkeeda aqoonsiga ma u isticmaali kartid si baddal u ah baasaboor loogu safro bannaanka Iswiidhan. Kaarkan aqoonsiga wuxuu ka shaqeeyaa gudaha Iswiidhan oo keliya. Haddii uu kaa lumo kaarkaaga aqoonsiga waa inaad wacdo oo xirto. Markaas cid kale ma isticmaali karto kaarkaaga aqoonsiga. Haddii kaarka aqoonsiga la xaday waa inaad xitaa wargeliso booliiska.

Cadeeynta shakhsiga

Cadeeynta shakhsiga waa waraaqad muujineeyso macluumaadkaada ka diiwangashan Hey'adda canshuuraha, sida magac, ciwaan guri iyo xaalkaada xaasnimo. Waxaad cadeeynta shakhsiga u baahan tahay tusaale ahaan marka aad qaadaneeysid liisinka. Waa muhiim in la ogaadaa in caddeynta shaqkhsiga aan loo isticmaalin karin inaad caddeyso qofka aad tahay.

Haddii aad u baahantahay caddayta shakhsiga waxaad ka codsan kartaa Hey'adda Cashuuraha boggeeda intarnatka. Caddaynta shakhsiga ee ay ku jiraan oo keliya macluumaad adiga kugu saabsan adiga ayaa toos uga daabacan kara makiinadaada daabacaada ama ku kaydsan kara kombiyuutarkaaga. Adigu waxaad xitaa booqan kartaa xafiis adeeg oo halkaas ka dalban kartaa caddaynta shakhsiga.

Bulshada dijitaalka ah

Bulshada Iswiidhishka waxay si dheeraad ah u sii noqonaysaa mid dijitaal ah. Tani dhammaanteen waxay inagu yeelanaysaa raad. Adigu tusaale ahaan waxaad xiriir dijitaal ah la yeelan kartaa hey'addaha dawladeed iyadoo loo marayo dhanka boggaga intarnatka ee kala duwan iyo aab-yada. Adigu waxaad xitaa intarnatka u isticmaali kartaa inaad ku samayso arrimaha bangiga, akhrinta iyo daawashada wararka, iyo in lagula xiriiro qaraabada iyo saaxiibada.

Caawinta dhijitaalka waxay samaysay buug yar lehna warbixin loogu talogalay dadka ay ku yartahay ama aan caado u lahayn wixii ah dhijitaal. Buugan yar waxaa laga helayaa talooyin ah sida qofku u heli karo caawimaad si loo isticmaalo intarnatka iyo adeegyada dhijitaalka ah.

E-legitimation (Aqoonsiga internetka)

Aqoonsiga elaktarooniga waa dukumeti aqoonsi oo elaktarooni ah. Tan waxaa la barbar dhigi karaa kaar aqoonsi oo caadi ah. Adigu waxaad aqoonsiga elaktarooniga ah u isticmaali kartaa inaad ku muujiso aqoonsigaaga qaab ammaan ah tusaale ahaan dhanka bog intarnat ama gudaha aab. Tusaale dhinaca aqoonsiga elaktarooniga waa BankID. Waxaa jira xitaa dhowr nooc oo kale oo ah aqoonsiga elaktarooniga, tusaale ahaan Freja eID och AB Svenska Pass.

BankID waa qaab fudud oo qofka lagu aqoonsan karo si tusaale ahaan loo galo heshiis oo si elaktaroonig ah loo saxeexo lacag bixinaha dhinaca intarnatka. In la isticmaalo saxeex elaktaroonig ah iyadoo la adeegsanayo BankID waa wax sharciyan qofka u xiraya si la mid ah saxeex qallin ah.

Bangiga ayaa bixiya BankID. Si aad u samaysato BankID waxaad u baahantahay inaad lahaato tobanka lambar ee aqoonsiga ee Iswiidhan.

Amaanka:

  • BankID waa aqoonsi shakhsi oo elaktaroonig ah. Ha isticmaalin BankID haddii qof kale kaa codsado inaad samayso, tusaale ahaan haddii lagaala soo xiriiro telafoon ama baraha bulshada ee intarnatka.
  • Lambarka sirta ah ee amaanka ee BankID adigu aad leedahay waa mid shakhsiyan ah. Marnaba lambarka sirta ah ee amaanka ha siin qof kale. Waxaa jirta khatarta in lagu khiyaameeyo.

Adeegyada elaktarooniga

Hey'addo dawladeed oo badan waxay leeyihiin adeegyo elaktaroonig ah. Mararka qaarkood waxaa lagu magacaabaa adeega qofku keligii samaysto. Adeegyada elaktarooniga ah waa adeeg aad isticmaali karto si aad u samayso arrimaha kala duwan dhanka kombiyuutarkaaga ama telafoonka moobilka. Tusaale ah adeega elaktarooniga waa in aad gunnada saldhigashada ka codsan karto Qasadda Caymiska boggeeda intarnatka. Badanaaba waxaad u baahantahay aqoonsiga elaktarooniga ah si aad u isticmaasho adeegyada elaktarooniga ah.

Ii-boostada

Ii-boostada waa adeeg dhaka intarnatka oo mararka qaarkood baddala boosta caadiga ah. Adigu waad isticmaali kartaa ii-boostada marka aad la xiriirayso shirkad, hey'addaha dawladda iyo ururrada. Dhowr ah adeegyada caadiga ah ee ii-boostada waa Gmal, Outlook iyo Yahoo.

Haddii aad leedahay cinwaan ii-boosto ah laga yaabo inaad soo aragtay in fariimo ii-boosto oo been ah laguu soo diray. Waxaa jira dad isku deyi kara inay khiyaameeyaa ku helaan macluumaad ama lacag ay kaa helaan. Iyagu waxay xitaa isku deyi karaan inay faafiyaan faayras, micnihii waxyaabo sir ah oo waxyeelo leh oo lagu soo diro dhanka ii-boostada ama marinada kale ee dijitaalka ah. Mararka qaarkood laga yaabee inaad hesho fariin ii-boosto u eeg inay ka timi bangigaaga ama hey'ad dawladeed. Iyagu laga yaabee inay kaa codsadaan inaad u dirto macluumaadka lagaala xiriirayo ama inaad dhag ka siiso cinwaan kale. Adigu waad la xiriiri kartaa hey'adda dawladeed ama shirkadda ay u eegtahay inay soo dirtay fariinta ii-boostada, si loo hubiyo in iyagu ay run ahaanti isku dayeen inay kula soo xiriiraan. Toos ha uga jawaabin fariin laakinse taas baddalkeeda booqo hey'adda dawladeed ama shirkadda boggeeda intarnatka. Marnaba ha bixin erayadaada sirta ah, lambaro sir ah ama macluumaad kaar oo ha siin qof kugu weydiistay fariin ii-boosto, sms ama telafoon.

Maxaa adkaan kara dhanka gudaha bulshada haddii aanad haysan ama aanad isticmaali karin intarnatka, kombiyuutar ama telafoon moobil?

Iska hubsiga macluumaadka intarnatka

Dhanka intarnatka way sahlantahay in lagu qoro ku dhowaad wax walba. Markaas waxaa xitaa adkaan karta in la ogaado nooca macluumaad ee aad aamini karto iyo nooca macluumaad ee ahaan kara been. Waa muhiim in la iska hubsado macluumaadka intarnatka.

Adigu sidan ayaad u fikir kartaa: Yaa qoray qoraalkan iyo sababtee?

Si loo helo macluumaad sax ah oo cusub kuna saabsan hey'ad dawladeed waxaad booqan kartaa hey'addaas dawladeed boggeeda intarnatka.