Sidee ayaa dadku u degganyahay?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22/1-2024

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay sida dadku ugu noolyahay gudaha Iswiidhan. Waxaa jira qaabab kala duwan oo loo noolaado. Qofku wuxuu ku noolaan karaa tusaale ahaan qol, guri kiro ah oo dhisme dheer ku yaala ama guri gaar u ah.

Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan qaababka kala duwan ee loo noolaado iyo sida aad u helayso hoy. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan gabaabsiga hoyga iyo hoy la’aanta.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin hoy. In adigu aad xaq u leedahay hoy micnaheedu waa in aad raadsan karto caawimaad in aad hesho nooc hoy haddii aanad haysan meel aad ku noolaato. Degmada ayaa mas’uuliyad ka saarantahay in jiraan hoy’yo loogu talogalay degmada dadka ku nool.

Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad guurto oo doorato meesha ah gudaha Iswiidhan ee aad ku noolaanayso.

Sidee ayaa dadku u degganyahay?

In lagu noolaado Iswiidhan waxay ku taallaa waqooyiga Yurub ahna qaybta bari ee dhulka nus ahaan biyo ku wareegsanyihiin ee Iskaandineefiyanka. Dhulka ay ku jiraan Iswiidhan, Daanmaark, Noorway, Iislaand iyo Finlaand waxaa lagu magacaabaa Noorden. Iswiidhan waa dal weyn oo dheer. Iswiidhan waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood: Götaland dhinaca koonfur, Svealand dhinaca bartamaha iyo Norrland oo ah qaybta waqooyi ee dalkan. Iswiidhan waxaa kale oo loo qaybiyaa 25 mandaqadood, 21 gobol iyo 290 degmooyin ahr.

Maanta waxaa Iswiidhan ku nool qiyaastii tobban milyan oo qof. Qiyaastii afar milyan oo qof waxay ku noolyihiin gudaha iyo hareeraha saddexda magaalo ee ugu waaweyn dalkan: Stockholm, Göteborg iyo Malmö. Stockholm waa Iswiidhan caasimadeeda.

Dabiicada waqooyiga iyo koonfurta Iswiidhan aad ee kala duwan tahay. Qeeybaha waqooyiga dalka Iswiidhan waxaa ku yaalo buuro, jiqaq iyo haro. Wabiyaal badan ee ku yaalo Norrland waxaa looga soo saara tamar ayadoo la adeegsanaayo goobta korantada laga dhaliyo. Bartamaha Iswiidhan waa dhul coows iyo jiq badan. Koonfurta dalka Iswiidhan waxaa ku yaal dhulbeereed iyo dhul siman. Xeebaha galbeedka iyo barigana waxaa ku yaal jasiirado iyo xeebo farabadan oo aad u bilicsan. Jasiiradaha ugu waaweyn waxaa lagu magacaabaa Öland iyo Gotland, waxayna ku yaalliin xeebt bari oo Stockholm ka hooseysa. Buurka Iswiidhan ugu sareeyo waxuu ku yaalaa waqooyiga dalka. Waxaa lagu magacaabaa Kebnekaise, dhirirkiisuna waa 2 099 meter.

In la safro gudaha Iswiidhan

Waxaa dalka Iswiidhan ku yaal waddooyin badan oo loogu tala galay gaariga iyo gaadiidka tareemada gaar ahaan meelaha ee dadka badan deganyihiin. Waddooyinka tareenada badankood waxay maraan Stockholm, Göteborg iyo koonfurta dalka Iswiidhan. Waqooyiga dalka waxaa badan raacaan baska ama gaari khaas ah. Qofka doonaya in uu u safro meel fog oo dalka ka mid ah wuxuu qaataa diyaaradaha. Magaalooyinka waaweyn badankood waxaa ku ag yaalo garoon diyaaradeed.

Magaalooyinka inta badan waxa ka jira taraafiik guud oo ay heliin dadka oo dhan.

Waxey noqon kartaa tusaale ahaan, basas, tareeno xaafadeed, tareeno dhulka hoosmara iyo maraakiib kuwaasoo isaga goosha boosteejooyin kala duwan ee magalada dhexdeeda ama taren iyo basas isaga goosha magaalooyinka dhexdooda ama tuulooyinka. Magaalooyinka qaarkood xitaa waxaa dhex mera Diyaaradaha maxalliga ah. Xagga Gotland waxaa aada Maraakiib ayadoo ka dhaqaaqaya deked.

Si aad u korto taraafiigaas waxaa lagaa rabaa inaad ka iibsatay tikid.

Habab kala duwan oo loo dego

Gudaha Iswiidhan waxaad u noolaan kartaa qaabab kala duwan. Waxaad kireysan ama iibsan kartaa guri yar. Waxaad kireysan ama iibsan kartaa guri weyn. Halkan
waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan qaababka kala duwan ee loo noolaado.

Jid gudaha magaalo oo baabuur la dhigay iyo guryo dhaadeer iyo kuwa gaagaaban oo leh midabo kala duwan.

Sawir: Misak Nalbandian

Degmada kastoo Iswiidhan ku taal waxeey leedahay shirkado guri ood guryo ka dalban kartid kana kireysan kartid. Ahirkadaha waxaa iska lahaan karo dadka caadiga ah ama degmada. Shirkad guri oo eey degmadu leedahay waxaa oo yaqaanaa shirkadaha guryaha ee sida guud looga faa'ideysto. Qofkii degan guri krio ah waxaa loo yaqaanaa guri kireyste. Markaas waxaad guriga ka kireysaneysaa qof ka ama shirkadda leh.

Qaar ka mid ah guri kireeyayaasha waxay codsan karaan deebaaji ah marka aad kireysanayso guri. Deebaaji ah waa tiro lacag ah oo aad u guri kireeyaha u dhiibayso amaan ahaan inta lagu jiro wakhtiga aad kireysatay guri. Marka aad guureyso ayaad dib u helaysaa lacagtaada. Guri kireeyuhu wuxuu xaq u yeelan karaa inuu haysto lacagtan haddii aad dhaawac u geysatay gurigan ama haddii aanad guriga nadiifin markaad ka guureyso.

Marka aad kireysato guri waa inaad kiro bixiso bil kastaba.

Xuquuqda degganaanshaha aan xadka lahayn ee guryaha la badh-iibsado waa guri eey qasab tahay inaad dhiibtid lacagta qiimihiisa tahay qeyb ka mid ah. Waxeey taasi ka dhigantahay inaad qeyb ka gadaneysid jaaliyada iska leh guriga. Waxaad markaas xubin ka noqoneeysaa jaaliyadaas waadna isticmaaleeysaa guriga.

Markaad degentahay guri badh-iibsi ah waxaad bil kasta lacag khidmad ah siineysaa jaaliyada. Hadaad lacag soo deynsatay markaad guriga gadaneysay waa inaad bangiga siisaa lacagta dulsaarka/ribada iyo qeybqeyb u bixinta lacagta guriga.

Degmada waxeey leedahay dallaalyaal iyo shirkado ku tusinaya guryaha iibka ah. Degmooyinka bogagooda internetka waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan shirkadaha guryaah ee ka dhisan degmada. Adiga kaligaa xataa waxaa guryaha iyo dhulalka beeca ah ka raadin kartaa internetka.

Iswiidhan guri waad ka gadan kartaa waadnka ka kireysan kartaa. Qiimaha guryaha la gato waxaa u dhaxeeyo fargi weyn waxeeyna ku xirantahay hadaad magaalo weyn ama magaalo yar ka gadaneysid. Degmada waxeey leedahay dallaalyaal iyo shirkado ku tusinaya guryaha iibka ah. Waxaad hadaad rabtid gadan kartaa dhul aad ka dhisna kartid gur kaada ah.

In gacan labaad guri lagu kireeyo waa ka caadi Iswiishan. Waxeey taasi ka dhigantahay inaad guriga ka kireysatid qofka heysta qandaraaska koowaad. Waxaa kaloo gacan labaad kaga kireysan kartaa dadka guryaha eey iyagu leeyihiin heysta.

Hadaad rabtid inaad guri gacan labaad ah degtid waa muhiin inaad kontorooshid in shirkada guriga eey ansixisay.

Ku fikir inaad buuxisid kontoraad markaad markaad guri ku kireysaneeysid gacan labaad. Hadaan kontoraad ama qandaraas saxiixin waxaa guriga kaa bixin kara qofka heysta qandaraaska koowaad shuruudo la'aan. Qandaraaska xataa intaadan saxiixin waa muhiim inaad ogaatid xuquuqdaada iyo waajibaadkaada.

Adigu maaha inaad u baahato inaad bixiso kiro aad u sareysa marka aad guri ku kireysato gacan labaad. Kiradu waa inay ahaato macquul. Tani micnaheedu waa inay jiraan qawaaniin loogu talogalay kirada sareynteedu intay ahaanayso. Haddii kirada guri ay aad uga sareyso marka la barbardhigo guryo la mid ah oo ku yaalla isla xaafada markaas waxay ahaan kartaa in kiradan ay si aan macquul ahayn u sareyso.

Haddii aad u malaynayso inaad bixiso kiro aad u sareysa waxaad arrintan u sheegi kartaa guri kireeyaha. Haddii idinku aanaydin isku waafaqin kiradan waxaad adigu la xiriiri kartaa Guddida kirooyinka. Guddida kirooyinka ayaa markaas samayn kara qiimeynta ah waxa kiro macquul ah u ah isla gurigaaga.

Waad kireysan kartaa qol ku dhex yaal guri uu qof kale degan yahay. Waxaad la degantaahy qofka qandaraaska guriga haaysto. Taas ayaan la dhahaa la degeni. Shuruuc iyo waqti qandaraas joojin ayaa jira markaad la degene tahay xataa. Sidaad darteed xasuusnoow inaad qandaraas la qortid qofka aad qolka ka kireysaneysid.

Hoy wadajir ah wuxuu ka koobanyahay dhowr qof oo wada deggan. Badanaaba dadka hoyga wadajirka ah waxay wadaagaan waxyaabaha qaarkood. Hoy wadajir ah wuxuu u habaysnaan karaa qaabab kala duwan. Badanaaba waxaad leedahay qol gaar kuu ah, laakiin tusaale ahaan kijada iyo suuliga waxaad la wadaagaysaa dadka kale ee halkaas ku nool.

Heshiis kiro oo bulsho waa xal hoy looguna talogalay dadka aan keligood diyaarsan karin hoy gaar u ah. Waxay ahaan kartaa hoy ku meel gaar ah looguna talogalay qaxoontiga dalka ku cusub ama qoys carruur haysta oo deyn badan ku jira. Waxa kale oo ay ahaan kartaa guri tababar looguna talogalay qof si xun u isticmaala maandooriye ama leh dhibaatooyin maskaxiyan ah.

Waa degmada kuwa habayn kara heshiis guri oo bulsho. Badanaaba waa in qofku buuxiyaa shuruudo cayiman si loogu oggolaado heshiis guri oo bulsho. Hoygan waa ku meel gaar oo keliya. Ta ugu badan waa heshiis gacan labaad ah oo ka kooban shuruudo gaar ah.

Miyaad garanaysaa kuwa ay yihiin shirkadaha guryaha ee ku yaalla degmadaada?

Miyaad garanaysaa waxa ay tahay lacag dulsaar ah iyo qay-qayb u bixin lacag deyn ah? Haddii aanay sidaa ahayn, ma garanaysaa halka aad ka heli karto macluumaad ku saabsan arrintan?

Maxaa muhiim ah inaad ka fikirto haddii aad kireysato guri gacan labaad ah?

Miyaad waayoaragnimo u leedahay in wax lagu kireysto gacan labaad?

Sidan ayaad adigu u helaysaa hoy

Degmooyinka qaarkood aad ayay u fududahay in laga helo guryo halka kuwa kalena ay adagtahay. Degmooyin badan waxaa loo baahanyahay guryo kiro oo badan.

Tusaale: Maryam waxay raadinaysaa hoy

Maryam waxay raadinaysaa guri. Dhowr mar toddobaadkiiba waxay gashaa boggaga intarnatka kala duwan ee xayaysiisyada guryaha si ay u eegto inay jiraan guryo bannaan. Sida ugu dhakhso badan ee guri soo baxo ayay Maryam raadisaa kaas. Dhowr mar toddobaadkii ayay xitaa eegtaa ii-maylkeeda si aanay u dhaafin guri lagu casuumay. Waxay sidaa u samaysaa si ay sida ugu dhakhso badan ay u oggolaato ka hor intaan casuumadu u sii gudbin qof kale.

Raadi hoy

Degmooyin badan waxeey lee yihiin xafiiska xidhiidhinta guryaha. Xafiiska xidhiidhinta guryaha badana waxuu lee yahay bogg internet oo aad iska diiwan galin kartid oo ka raadsan kartid guriyaal.

Marka aad iska diiwan galiso waa in aad bogga internetka gasha in badan si aad uu fiiriso haddii la soo geliyay guriyaal banaan. Haddii aad aragto guri banaan oo la soo bandhigaay, markaas waa raadsan kartaa.

Maalinta ugu danbeeyo ee guriga la raadsan karo marka la dhaafo, guri kireeyaha waxuu doontaa dadka imaan karo oo guriga fiirinaayo. Guri kireeyayaal badan waxeey heystaan sisteem saf loo galo taasoo fursad u siineysa in qofkii waqti dheer safka ku jiro uu jaanis fiican u heysto inuu guri helo. Marka aad guri soo fiirsato waa in aad jawaab kala ah haa ama maya ku dhiibtid oo uu dirtid guri kireeyaha. Guri kireeyaha ayaa kula soo xariiraayo haddii adiga lagu siinaayo heshiishka gacan koobaadka guriga.

Marka aad raadinayso guri waxa kale oo muhiim ah in aad ka warhayso ii-maylkaaga si aanay kuu dhaafin casuumad. Adigu waa inaad ku dhakhsato inaad oggolaato haddii aad hesho casuumaada guri. Haddii kale gurigan la siinayaa qof kale.

Degmada Svedala waxay samaysay filim ku saabsan sida loo helo guri. Filimkan waxaa lagu helayaa af Carabi, Daari, Ingiriisi, Soomaali iyo Iswiidhish.

Miyaad hoy ka raadisay shirkado guri oo kala duwan boggagooda intarnatka?

Maxaa shuruud u ah in guri laga raadiyo dhinaca dijitaalka?

Talo ku socoto qofka guri raadinaayo

Marmarka qaarkood kuma filno in aad guri ka raadsato hal ka mid ah xafiisyada xidhiidhinta guryaha. Sido kale waxaa fiicnaa karto in aad si toos ah uu la xariirtid guri kireeye. Guri kireeyaasha waa weeyn badankood waxeey lee yihiin bogg internet oo aad iska diiwangalinta kana codsan kartid guriyaal. Sido kale waxaad weeydiisa dadka aad taqaano, qaraabada iyo asaxaabta si aad uu hesho warbixin ku guriyaal banaan.

Hab kale ee guriyaal lagu helo waxeey noqon kartaa in waraaqad lagu dhajiyo dukaamo, maktabada, mariinka aqal laga soo galo ama meelo kale oo leh sabuuradaha ogeeysiiska.

Sido kale waxaad wargeeyyada kala duwan iyo boggag internet kala duwan, ka heli kartaa faanis ku saabsan guriyaal banaan. Halkaas waxaad ka heli kartaa guriyaal gacan labaad ah, oo mecnaheed tahay in aada toos uga kireeysanaayo qofka guri kireeyste ah oo asagu horay uga kireeystay shirkad guriyeed.

Waxaa jira dhowr ah boggaga intarnatka oo leh xayaysiisyada hoyga kuwaas oo aad ka heli karto guryo la kireysto gacan labaad ahaan. Adigu waad ka jawaabi kartaa xayaysiisyada oo xayaysiisyo gaar kuu ahna gelin kartaa labadaba in aad adigu raadinayso guri. Adigu waxaad xitaa guri ka raadin kartaa baraha bulshada ee intarnatka.

Xusuusnow in mar kastaba aad heshiis kala saxeexataan qofka aad ka kireysanayso ka hor intaanad bixin lacagta guri ama qol. Waa muhiim in aan lacag deebaaji la siin qof ka hor inta aan adiga iyo guri kireeyaha aanaydin heshiis kala saxeexan. Haddii kale waxaad khatar ugu jirtaa in lagaa khiyaameeyo lacagta.

Miyay jiraan dhinacyo ay iskaga eegyihiin sida guri looga raadiyo Iswiidhan iyo dalka ama dalalka aad horey ugu soo nooleyd? Waa nocee hadday sidaas tahay?

Maxaa fiican in laga fikiro marka qof raadinayo guri?

Miyaa cid walba haysata guri?

Gudaha iyo hareeraha magaalooyinka waaweyn aad ayay u adagtahay in laga helo guryo kiro ah. Qaybo ka mid ah magaalada aad ayaa loo jecelyahay in lagu noolaado oo meelahaas badanaaba aad ayay u adagtahay in laga helo guryo la kireysto. Dad badan ayaa doorta inay ku noolaadaan magaalooyinka waaweyn. Magaalooyinkaas waxaa xitaa jooga dad badan oo kale oo u baahan hoy taas oo abuurta tartan weyn dhanka guryaha. Waa caadi in dad kale lala degganaado ama la kireysto guri gacan labaad ah. Waxaa sii fududaan karta in guri laga helo bannaanka magaalooyinka waaweyn. Badanaaba waxaa jira gaadiid bas iyo- tareen ah oo loogu talogalay qofka doonaya in uu u safro magaalooyinka waaweyn.

Waagii hore dawladda ayaa si dheeraad ah ugu dhex jirtay dhismaha guryaha. Imminka degmada hoose ayaa qorshaysa meesha iyo xilliga wax la dhisayo. Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa degmada labaduba way dhisaan guryo.

Degmada mas'uuliyad ayaa ka saaran in dhammaan dadka halkaas deggan ay haystaan guri. Kooxaha qaarkood waxaa degmada ka saaran mas'uuliyad gaar ah. Tani waxay khuseysaa dadka waayeelka ah, dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah qaarkood, qaar ka mid ah dadka dalka ku cusub ee helay sharciga degganaansho iyo carruurta ah magan-gelyo doonka ee yimi iyadoo waalidkood aanu la socon.

Waa gabaabsi guryuhu meelo badan oo ku yaalla Iswiidhan. Sababtu waa in aan la dhisin guryo badan oo ku filan isla markaana dadweynuhu kordhayay wakhti dheer. Waxyaabo badan ayaa raad ku yeesha guryo dhisidda. Waxaa ka mid ah haddii uu jiro dhul wax laga dhiso iyo haddii kuwa dhisaya guryaha ay lacag ka heli karaan arrintan.

Guryaha cusub badanaaba kiradoodu way sareysaa taas oo keenta in dad badan aanay haysan awood dhaqaale oo ay halkaas ku noolaadaan. Tani micnaheedu waa in dad badan oo u baahan guri ay khasab ku tahay inay raadiyaan guryo gaboobay oo kiradoodu hooseyso ama isku dayaan inay helaan guri ah gacan labaad. Way adagtahay gaar ahaan in guri ay helaan dadka aan haysan lacag badan, kuwa wakhti kooban ku jiray safka guryahay ama dad aad u yar la leh xiriir oo uu sheegi lahaa guri.

Gabaabsiga guryaha waxay keentaa kala soocnaan, in si ciriir ah loo degganaado iyo guri la'aan. Waxa kale oo ay keeni kartaa in dadku ay ku khasbanaadaan inay degganaadaan guryo ku meel gaar ah muddo dheer.

Tirada dadka u baahan bulshada caawimaadeeda si ay u helaan guri way korodhay sanadihii ugu dambeeyay. Sidaas darteed ayaa xitaa tirada heshiisyada bulsho ee guryaha ay kireystaan degmooyinka xafiisyadooda adeega bulshada ay u korodhay.

Degmada Svedala waxay samaysay filim ku saabsan xaaladda hoyga ee gudaha Iswiidhan. Filimkan waxaa lagu helayaa af Carabi, Daari, Ingiriisi, Soomaali iyo Iswiidhish.

Kala soocnaanta dadka waxay tahay in dadka kala duwan ku noolaadaan oo shaqeeyaan iyaga oo kala qoqoban. Tani waxay ahaan kartaa in dadku ay u kala qaybsanyihiin si ku salaysan dakhligooda, qawmiyadooda ama jinsigooda. Tani micnaheedu waa in dadka isku meel ka soo jeedaa ay badanaaba wada degganyihiin oo wada noolyihiin ama tagaan iskool isku mid ah.

Laba nooc oo ah faquuqnaanta kala duwan waa faquuqnaanta guryaha iyo faquuqnaanta hoyga.

Kala soocnaanta guryaha micnaheedu waa in noocyo kala duwan oo guryo ay ka jiraan xaafado kala duwan, tusaale ahaan guryo la bar iibsado oo ku yaalla xaafad gaar ah iyo filooyin ku yaalla xaafad kale. Kala soocnaanta hoyga micnaheedu waa in kooxo kala duwan oo dad ah ku noolyihiin xaafado kala duwan. Tusaale ahaan kuwa shaqeeysta lacag badan oo ku nool xaafad gaar ah, iyo kuwa hela lacag yar oo ku nool xaafad kale. Xaafadda dadku ku noolyihiin waxay raad ku yeelan kartaa nooca fursadaha uu qofku haysto dhanka nolosha. Tani waxay tusaale ahaan raad ku yeelan kartaa fursada in la shaqeeyo ama fursada in la tago iskool fiican. Waxaa kale oo farqi weyn u dhaxayn karaa dhererka nolosha dadyowga ku nool xaafadaha kala duwan.

Sawir farshaxan oo leh dhowr guri oo waaweyn oo sabbad ah oo dhinac ah iyo guryo filooyin oo loox ah oo dhinaca kale ku yaala.

Gabaabsiga guryaha waxay keentaa in dadka qaarkood ay ku khasbanaadaan inay ku noolaadaan ciriiri. Badanaaba dadku waxay u degganyihiin ciriiri dheeraad ah xaafaddaha qaarkood. In lagu noolaado ciriiri waxay caadi ku tahay dadka waaweyn ee dhalinyarada ah, dadka dalka dibediisa ku dhashay iyo ugu horeyn dadka aan haysan lacag badan. In lagu noolaado ciriir waxay raad ku yeelataa dadka qaabab kala duwan. Tani waxay tusaale ahaan raad ku yeelan kartaa carruurta fursaddooda in ay waajibaadka iskoolka kaga shaqeeyaan meel xasiloon.

In dadku noqdaan guri la'aan waxay ku xirnaan kartaa waxyaabo badan oo kala duwan. Qof wuxuu guri la'aan ku noqon karaa iyadoo ay sabab u tahay dhibaato ah in maandooriye si xun loo isticmaalay. Dadka kale qaarkoodna sababtu waxay noqon kartaa xanuun maskaxiyan ah, furniin la kala tagay, in ay ka tageen lamaane dagaal badan ama in laga saaray gurigooda.

Guri la'aanta waxay yeelan kartaa sababo kale gebi ahaanba, sida tusaale ahaan in aanay jirin guryo leh kirooyin macquul ah ama in guri kireeyayaashu ay dadka ku xiraan shuruudo dakhli oo sare.

Gudaha Iswiidhan Maamulka arrimaha bulshada ayaa mas'uul ka ah in ay la socdaan sida guri la'aantu u socoto. Maamulka arrimaha bulshada waa hey'ad dawladeed. Sida ay sheegtay Maamulka arrimaha bulshada waxaad adigu xisaabsantahay guri la'aan haddii adigu aad seexato jidka, laakiin xitaa haddii adigu aad meel si ku meel gaar ah deggantahay oo aanad haysan heshiis guri oo aad la gashay qaraabada ama dad aad is taqaanaan.

Maamulka arrimaha bulshada ee degmada waxay ka shaqeeyaan inay caawiyaan dadka ay qaabab kala duwan u haysato guri la'aan. Tusaale ahaan in la diyaariyo hoy ku meel gaar ah, goobo ku yaala hoyga degdega ama kaalmo dhaqaale oo la siiyo dadka deggan guryaha dadka bilaa hoyga ah.

Haddii aanad bixin kirada guriga waxaa guri kireeyuhu ka bixi karaa heshiiskiini. Markaas ma laguu oggolaanayo inaad sii degganaato gurigan. Tani waxaa lagu magacaabaa in qofka laga saaro guriga. Haddii lagaa saaro gurigaaga waxaa aad u adkaan karta inaad hesho guri kale. Waa hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo ta mas'uulka ka ah in guriga laga saaro kuwa laga saarayo. Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo waxaa badananaaba lagu magacaabaa Kronofogden.

Adigaaga ah guri kireystaha waxaa mas'uuliyad kaa saaratahay in aad raadsato caawimaad haddii aanad bixin karin kirada. Haddii aanad bixin karin kiradaada ama aad khatar ugu jirto in guriga lagaa saaro waxaad la xiriiri kartaa xafiiska adeega arrimaha bulshada. Xafiiska adeega arrimaha bulshada ayaa ku siin kara talobixin iyo taageero si aad u kordhiso fursadahaaga ah in aad sii haysato hoygaaga.

Bulshada mas'uuliyad ayaa ka saaran in la caawiyo dadka khatar ugu jira in guriga laga saaro. Xafiiska arrimaha bulshada, guri kireeyaha iyo kronofogden waa inay wadashaqayn ka yeeshaan si la isaga ilaaliyo in qof laga saaro guriga. Tusaale ahaan iyadoo xafiiska arrimaha bulshada uu wakhti hore la xiriiro guri kireystaha si loogu casuumo taageero. Waxa kale oo muhiim ah in guri kireeyuhu siiyo adigaaga guri kireystaha ah macluumaad ku saabsan nooca xuquuqda iyo waajibaadka ku khuseeya marka aad adigu kireysato hoy.

Sidee ayaad u malaynaysaa in dadka mustaqbalkooda ay raad ugu yeelan karto xaafadda ay iyagu degganayihiin?