Caafimaad qabi

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Adigaaga yimi Iswiidhan adigoo bilaa waalid ama dadka haysta mas'uuliyadaada sharci waxaad leedahay xuquuq la mid ah sida dhamaan caruurta iyo dhalinyarada kale ee ka yar 18 sano ee jooga Iswiidhan. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawimaad iyo daryeel caafimaad marka aad u baahato. Waxaad xaq u leedahay inaad dareento wanaag.

Baaritaanka caafimaadka

Dhamaan dadka magan-gelyo ka raadsaday Iswiidhan waxaa lagu casuumaa baaritaan caafimaad oo bilaash ah.

Caafimaadka maskax ahaan

Caafimaadka maskax ahaan wuxuu ku saabsanyahay sida aynu dareemayno shucuur ahaan. Mararka qaarkood wax badan ayaa laga fikirayaa oo markaasi waxaa loo baahan karaa taageero. Adigaaga yimi dal cusub laga yaabee inaad ka fikirayso wax adag oo ku soo maray. Waxaa dhici karta inaad ka wel-welsantahay waxa ku dhici doona qoyskaaga ama sida mustaqbalku noqon doono. Mararka qaarkood laga yaabee inaad niyad ahaan xanuusanayso adigoo aan run ahaantii ogayn sababta.

Ibland går det att göra saker själv för att må bättre. Det finns en ungdomsmottagning på internet på flera språk som heter Youmo.se. Där hittar du tips på vad du själv kan göra för att känna dig gladare och lugnare. På youmo.se kan du titta på filmer och läsa mer om vad du kan göra om du eller någon annan mår dåligt. Där får du även svar på många frågor om till exempel din kropp, kärlek och sex.

Filim ka yimi Yuomo.se: Miyay ku soo mareen wax baqdin badan ku galiyey?

Filimadan waxaa lagu helayaa Iswiidhish, Carabi, Daari, Ingiriisi, Soomaali iyo Tigrinya.

Raadso caawimaad hadaad aad u xanuusanayso nafsiyan

Haddii aad wakhti dheer xanuusanaysay ama aad u xanuusanayso waa inaad raadsataa caawimaad. Waxaad xitaa keli ahaantaa la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka ama laga yaabee inaad caawimaad ka hesho wakiilkaaga caruurta ama shaqaalaha jooga hoygaaga.

Haddii aad dhigato iskool waxaad caawimaad ka heli kartaa la-taliye iskool, kalkaaliso caafimaad ama shaqaalaha kooxda caafimaadka ardayda. Waxaad xitaa la xiriiri kartaa tusaale ahaan rugta caafimaadka, rugta qaabilaada dhalinyarada ama Isbitaalka cilmi nafsiga caruurta iyo dhalinyarada (Bup).

Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan rugaha caafimaadka iyo meelaha kale ee aad ka heli karto caawimaad haddii aad xanuusanayso nafsiyan:

Hoos u dhaca awooda laxaadka

Qof leh hoos u dhac awooda laxaadka ah wuxuu leeyahay awood hooseysa dhanka shaqada jir ahaan, caqliga ama garaadka. Hoos u dhac awooda laxaadka ah waxay tusaale ahaan noqon kartaa inaad si liidata wax u aragtid ama u baahantahay qalab caawimaad sida qalabka dhegta ee maqalka ama kursiga dadka aan socon karin. Tani micnaheedu waxay xitaa ahaan kartaa inaad u baahantahay caawimaada dadka kale si aad u dabari karto noloshaada maalinle. 

Adigaaga leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq gaar xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doonka.

Haddii aad heshay sharciga deganaansho oo ka diiwaan-gashantahay degmo waxaad xaq u leedahay taageero dheeraad ah.

Loo gaystay dhibaato

Waa mamnuuc in la isticmaalo dagaal, hanjabaad iyo in la dhaawaco dad kale. Dagaal wuxuu ahaan karaa waxyaabo kala duwan. Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa jir-ahaan, maskax-ahaan, galmo, dhaqaale iyo alaab. Haddii laguu geystay dhibaato dagaal waxaa xaq u leedahay gabood iyo taageero.

Khamriga, daroogada, maadooyinka jirka, tobaakada iyo khamaarka

Caadooyinka nolosha waa caadooyin micno weyn u leh caafimaadkeena. Sigaar cabista, khamriga iyo daroogadu waxay sababi karaan caafimaad daro. Xitaa khamaarka lacagta wuxuu keeni karaa dhibaato iyo caafimaad daro.