Helitaanka
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/7-2023
Informationsverige.se waa bog intarnat oo ay maamulaan Maamulada gobolada. Waxaan rabnaa in dadka ugu badan ee suurtagal ah ay awoodaan isticmaalka Informationsverige.se. Boggan wuxuu sharaxayaa sida boggan intarnatka u buuxinayo sharciga ku saabsan helitaanka adeeg dadweyne oo dhijitaal ah, wixii dhibaatooyin ah dhanka helitaanka iyo sida aad adigu noogu soo sheegi kartid wixii gabaabsiyo ah si aanu u hagaajino kuwaas.
Waa sidee helitaanka boggan intarnatka?
Boggan intarnatka wuxuu qayb ahaan waafaqsanyahay sharciga helitaanka adeeg dadweyne oo dijitaal ah.
Maxaad samayn kartaa haddii aanad isticmaali karin qaybo ka mid ah boggan intarnatka?
Haddii aad macluumaad uga baahantahay Informationsverige.se iyadoo ah qaab kale oo aan ahayn ka ku jira boggan intarnatka maanta markaas waad nala soo xiriiri kartaa oo codsan kartaa in lagu siiyo nuxurka oo qaab kale ah. Wakhtiga jawaabta caadi ahaan waa 2 ilaa 3 maalmood oo shaqo.
Sheegida gabaabsiyada ku jira boggan intarnatka helitaankeeda
Waxaanu ku dadaalnaa wakhti kasta inaanu sii fiicnaysiino helitaanka boggan intarnatka. Haddii aad hesho dhib aan lagu sharraxin boggan, ama aad u aragto in annagu aanan buuxin shuruudaha sharci, waad na soo wargelin kartaa arrintaas si aanu u ogaanno in dhibtaas jirto.
Waxaad xitaa halkan ku codsan kartaa waxa ku jira ama ku soo sheegi kartaa gabaabsiyada:
- Telafoon: 010-224 40 00 (sheeg in informationsverige.se tahay mawduuca)
Ka warhaynta
Hey’adda dawladeed ee maamulka dijitaalka (DIGG) ayaa mas’uul ka ah ka warhaynta dhanka sharciga helitaanka adeega dadweynaha ee dijitaalka ah. Haddii aanad ku qanacsanayn sida aanu u maarayno aragtiiyahaaga waxaad la xiriiri kartaa DIGG oo u sheegi kartaa arrintan.
Macluumaad farsamo oo ku saabsan boggan intarnatka helitaankiisa
Boggan intarnatka wuxuu qayb ahaan waafaqsanyahay sharciga helitaanka adeeg dadweyne oo dhijitaal ah.
Nuxurka aan la helayn waxaaa lagu sharaxay halkan:
- Boggan intarnatka adeegiisa akhrinta ma kugu taageerayo luqadaha af Soomaaliga iyo af Tigrinya.
Qorsheysan in la hagaajiyo: Taageerada luqadaha af Soomaaliga iyo af Tigrinya way ka maqantahay adeeggan.
- Warbixin ku saabsan kukiyada/cookes kuna qoran dhowr luqadood. Iyadoo ay sabab u tahay gabaabsi dhinaca adeegga ku jira aaladda daabacaadda maaha suurtagal in la turjumo afar-geeska ah hadalka warbixinta ku saabsan kukiyada/cookies dhinaca dhowr luqadood oo aan ahayn af Iswiidhish iyo af Ingiriisi.
Qorsheysan in la hagaajiyo: Xal ah dhibaatadan ayaa socda. Qorsheysan in la hagaajiyo dhammaadka 2023.
- Ilaa iyo Janaayo 2021 ma damaanad qaadi karno adeeg buuxa inay helaan soo booqdayaasha isticmaalaya bog akhriyaha Internet Explorer. Internet Explorer dib dambe ma loo cusboonaysiiyo oo waxaa baddalay bog akhriyaha Edge.
Qorsheysan in la hagaajiyo: Ma jiro wax ah qorshe hagaajin.
Habboonaysiin culus oo bilaa sabab ah
Maamulada gobolada waxay cuskanayaan ka reebnaan dhinaca habboonaysiin culus oo bilaa sabab ah sida ku cad sharciga 12 § ee helitaanka adeeg dadweyne oo dhijitaal ah dhanka nuxurka hoos ku qoran.
- Gabaabsiga helitaanka filimada ay diyaariyeen shuraako/adeeg bixiyayaal bannaanka ah.
Tiro ah filimaan badan ayaa laga helayaa bogga intarnatka Informationsverige.se kuwaas oo u shaqeeya in ay dhammaystir u yihiin nuxurka qoraallada iyo sawirrada. Filimadan waxaa soo saaray dhinacyo dhanka bannaanka ah oo mararka qaarkood ma buuxiyaan heerka helitaanka. In la habboonaysiiyo filimadan waxaa lagu qiimeeyay in ay culeyskeeda leedahay. - Gabaabsiga helitaanka dukumenti ay diyaariyeen shuraako/adeeg bixiyayaal bannaanka ah.
Waxaa jira tiro ah faylasha pdf oo ku jira boggan intarnatka ee Informationsverige.se kuwaas oo u shaqeeya in ay dhammaystir u yihiin nuxurka qoraallada iyo sawirrada. Pdf-yadan waxaa soo saaray shuraako/adeeg bixiyayaal bannaanka ah oo mararka qaarkood ma buuxiyaan heerka helitaanka. In pdf-yadan la habboonaysiiyo filimadan waxaa lagu qiimeeyay in ay culeyskeeda leedahay.
Sidan ayaanu u tijaabinay boggan intarnatka
Tifa-tirayaashayada bogga intarnatka ayaa fiiriya oo tijaabiya boggan intarnatka iyadoo ay qayb ka tahay hawsha helitaanka.
Inta lagu jiro 2023 waxaanu fulin doonaa tiro ah waxyaabo lagu sii fiicnaysiinayo taas oo natiijo u ah:
- baarista helitaanka boggan intarnatka intii lagu jiray 2022 oo ay fuliyeen shuraako bannaanka ah.
- aragtiyo ka yimi kooxaha diiradda saara intii lagu jiray 2022.
Boggan intarnatka qaabka uu imminka yahay waxaa la daabacay 23-ki Noofambar 2022.
Warbixinaha waxaa la cusboonaysiiyay 28-ki Abriil 2023.