Dugsiyada hoose-dhexe

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Dhammaan carruurta ku nol Iswiidhan waa in ay sagaal sano dhigtaan dugsiga hoose-dhexe. Taasoo ku xusan xeerka dugsiyada Iswiidhan, waxaana lagu magacaabaa waajibkadhigashada dugsiga. Sannad-dugsiyeedka waxaa la dhigta xilliga dayrta iyo xilliga gu’ga. Waajibka-dhigashada dugsiga canuga waxuu bilaawdaa sanadka xilli dugisyeedka xilliga dayrta uu canuga gaaray 7 sano ama marka uu bilaabaayo fasalka koobaad ilaa xilliga gu'ga ee fasalka 9aad.

    Maadooyinka waxbarasho ee dugsiga hoose-dhexe

    Maado waa waxa qofka loo dhigo, sida xisaabta ama af iswiidhishka. Maado kasta waxay leedahay qorshe-koorso, kaasoo eey ku qoran tahay aqoonta ardayda laga doonaayo markii u dugsiga hoose-dhexe dhameeyo.

    Waxbarashada galmada iyo wada noolaashaha

    Dugsiyada Iswiidhan waxaa laga dhigta maadada xiriirka la leh galmada iyo wada nololashada, taasoo ku xusan qorshaha-waxbarshada. Waxeey ku saabsan tahay jaceeyl iyo habka uu qofka xariir ku dhisan xushmad, sinnaan iyo jaceyl uu ula yeelan karo qof kale. 50kii sano ee ugu dambeeyay ayaa dugsiyada Iswiidhan laga dhigaaye maadadda xiriirka la leh galmada iyo wada nololashada.

    Shahaado

    Ardayda waxeey shahaado helaan laga bilabaa fasalka 6aad. Xilli dugsiyeed kasto kadib ardayga waxaa la siiyaa shahaado. Xilli dugsiyeedka ugu danbeeyo ee fasaslka 9aad ayaa la siiyaa ardayda shahaada-dhameeystirka.

    Shahaadada waxaa lagu qiimeeyaa darajooinka A, B, C, D, E ama F. Halka darajada F uu dhigan tahay in ardayga ku dhacay maadada. Darjada ugu sareeyo shahaadada waa A.

    Hey'adda waxbarashada (Skolverket) ayaa go'aamisay nidaamka shahaadooyinka. Hey'adda waxbarashada waa hey'ad dowladeed oo ku raacsaan in caruurta iyo ardayda ku jiro iskuulada iswiidhishka helaan waxbarasho leh tayo iyo bey'ad fiican.

    Waxbarashada luqadda

    Haddii mid ka mid ah waalidiinta ama labadooduba ay yihiin kuwo ku hadla af aan ahayn af- iswiidish, waxay carruurtooda xaq u leeyihiin in loo dhigo afka hooyo. Si uu xaq ugu yeesho dhigashada waa in uu canuga aqoon asaasi ah uu lee yahay luuqada isla markaana maalin kasto ku isticmaala guriga.

    Ardayga afkiisa hooyo usan ahayn af-iswiidish wuxuu xaq uu leeyahay barashada af-iswiidishka luqad labaad ahaan. Af-iswiidishka luqad labaad ahaanta waxaa loogu tala galay aradayda biloowga ah ama kuwa in yar af-iswiidishka ka yaqaanno. Maadada Af-iswiidhishka luuqada labaad ah waxeey ku heer tahay maadada iswiidhishka caadiga ah laakin wax-dhigashada waxaa loo habooneeysiiyay ardayda afkooda hooyo uusan aheeyn afka iswiidhishka.

    Fasallada dugsi u diyaarinta

    Waxaa jiro fasallo dugsi u diyaarin ah oo loogu tala galay carruurta dhawaan Iswiidhan yimid. Fasallada dugsi u diyaarinta waxaa carruurta lagu tababaraa af-iswiidishka iyo maadooyinka qaarkood. Ardaydaas waxaa loo tababaraa hab ay ugu sii gudbaan dugsiga hoose-dhexe. Barida waxeey ku xiran tahay da'da ardayga, afka hooyo iyo aqoontiisa. Degmooyin badan ee Iswiidhan ku yaallo ayaa laga hela fasalada u diyaargaraynta.