Carruurta iyo caafimaadka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/5-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay carruurta caafimaadkooda. Waxaad akhrin doontaa wax ku saabsan ruggaha daryeelka caafimaadka ee adiga iyo ilmahaagu aad booqan kartaan inta ilmahaagu korayo. Waxaad xitaa ogaan doontaa cidda aad la xiriirayso haddii ilmahaagu xanuusado ama u baahdo caawimaad kale.

Dhakhtar la fadhiya oo la hadlaya ilmo jooga qaabilaada dhakhtarada.

Waxaad xitaa akhriyi doontaa wixii ku saabsan caafimaad darada maskaxiyan oo ogaan doontaa dheeraad ku saabsan khataraha daroogada iyo khamaarka lacagta iyo waxa aad sameyn karto haddii ilmahagu yeesho dhibaato ah si xun u isticmaal daroogo ama khamri.

Carruurta oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaadka jir ahaan iyo maskax ahaan ugu fiican. Carruurtu waxa kale oo ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ee ugu fiican ee suurtagal ah.

In la lahaado caafimaad fiican micnaheedu waa in la fayowyahay oo la dareemayo wanaag. Dawladda ayaa mas’uul ka ah in laga shaqeeyo in dhammaan dadka ka mid ah bulshada ay helaan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ee ay iyagu u baahanyihiin. Carruurta waa in laga ilaaliyo dhammaan qaababka ah in la isticmaalo iyo xadgudub.

Carruurta caafimaadkooda

Carruurta caafimaadkoodu waa muhiim. Carruurta oo dhan waxay xaq u leeyihiin cunto, xanaano iyo cafimaad fiican ilaa intii suurtagal ah.

Waalid ahaan waxaad u baahantahay inaad u feejignaato oo dhagaysato calaamadaha ilmahaaga. Carruurtu waxay u baahantahay jeceyl iyo xanaano iyo xitaa raashin nafaqo leh iyo hurdo. Waalid ahaan waa in qofku mar walba ilmaha ka difaaco khataraha oo la xiriiro daryeelka caafimaadka haddii ilmuhu u baahdo daryeelka bukaanka. Carruurta qaarkood waxay u baahdaan dawooyin ama qalab caawiya oo dheeraad ah sida tusaale ahaan kursiga dadka aan socon karin ama qalabka dhegaha. Dhammaan carruurta iyo dhalaanka jooga Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin daryeel caafimaad. Adigu waalid ahaan waa inaad nolosha maalinlaha ah waafajiso baahida ilmahaaga.

Qaabilaada umulisada, rugta daryeelka caafimaadka iyo guddida caafimaadka ardayda

Waalidka badankoodu waxay xiriir joogto ah la leeyihiin qaabilaada umulisada (BMM) ka hor intaan ilmuhu dhalan iyo rugta daryeelka caafimaadka carruurta (BVC) ilaa iyo da'da iskoolka. Dhinaca BMM iyo BVC waxaa ka shaqeeya umulisooyin waxbarasho haysta, kalkaalisooyin caafimaad iyo dhakhaatiir. Booqashada BMM iyo BVC waa bilaash.

Qaabilaadda ummulisooyinka waxaa taga kuwa waalidka noqonaya xilliga uurka si loo baaro caafimaadka ilmaha iyo haweenayda uurka leh. Labada waalidba waa lagu soo dhaweynayaa qaabilaadda ummulisooyinka. La xiriir qaabilaada ummulisooyinka marka aad ogaataan in ilmo idiin dhalanayo.

Dhinaca BMM waxay umulisadu cabbirtaa miisaanka qofka uurka leh, cabbirtaa caloosha oo lagala hadlaa uurka iyo ummulida kana jawaabtaa su'aalaha ay hayaan kuwa waalidka noqonaya. BMM badanaaba waxay diyaariyaan xitaa kulamo si wadajir ah loola yeesho kuwa kale ee sidoo kale waalidka noqonaya markii ugu horeysay. Kulamadan ayaa kuwa waalidka noqonayaa ka heli karaan macluumaad ku saabsan uurka, ummulida, naas-nuujinta iyo waxyaabo dheeraad ah. Waa caadi in labada waalidba ay joogaan booqashada iyo kulamada. Waxa kale oo caadi ah in waalidka kale joogo xilliga ummulida.

Daryeelka caafimaadka carruurta waxay la socdaan sida ilmuhu dareemayo, koritaanka iyo horumarka laga bilaabo dhalashada ilaa uu bilaabayo fasalska barbaarinta. Dhinaca rugaha daryeelka caafimaadka carruurta ayaa waalidku ka heli karaan talobixin iyo taageero ku saabsan sida ay qaabka ugu fiican ugu haynayaan ilmahooda, tusaale ahaan dhinaca naas-nuujinta, hurdada iyo cudurrada. Waalidka laf ahaantoodu waa inay la xiriiraan BVC si loo go'aansaso wakhtiga ballanta ee kulanka ugu horeeya. Kulanka ugu horeeya badanaaba waxaa lagu yeeshaa guriga. Markaas ayaa kalkaaliso caafimaad ka sheekaysaa wixii ku saabsan BVC oo baartaa sida caafimaadka ilmaha yahay.

Dhinaca BVC-ga ayaa ilmuhu kula kulmi doonaa xitaa dhakhtar baaraya ilmaha. Booqashada ugu horeysa ee BVC waxaa badanaaba la sameeyaa marka ilmuhu jiro afar toddobaad. Kalkaalisada BVC ayaa idinku casuumi doonta dhowr booqashooyin caafimaad ah ilaa ilmuhu bilaabayo fasalka barbaarinta.

Waalidku mararka qaarkood way ka welwelsanyihiin in BVC ay qiimeyn doonto haddii ay yihiin waalid fiican ama aanay ahayn. Laakiin BVC ma hayaan hawl noocaas ah. BVC waxay u jirtaa si ay u taageerto waalidka cusub.

Marka ilmuhu bilaabo fasalka barbaarinta ayaa guddida caafimaadka ardayda la wareegaan mas'uuliyadda baaritaanada caafimaadka iyo ka hortaga ee daryeelka caafimaadka iskoolka. Guddida caafimaadka ardayda wuxuu ka koobanyahay dhakhtar iskool, kalkaaliso caafimaad, dhakhtar cilmi-nafsi iyo la taliye.

Ardayda oo dhan waxay xaq u leeyihiin saddex booqasho oo caafimaad inta lagu jiro dugsiga hoose-dhexe iyo hal mar inta lagu jiro dugsiga sare. Xilliga booqashada caafimaadka ayaa kalkaaliso caafimaad ay ilmaha kala hadashaa wixii ku saabsan caafimaadka. Ilmaha waa la miisaamaa oo la cabbiraa oo aragtida iyo dhabarkaba waa la kantaroolaa.

Sababtee ayay muhiim u tahay BVC?

Maxaad u sheegi kartaa qof ka welwelsan in BVC ay qiimeyn doonaan haddii qofku yahay waalid fiican ama aanu ahayn?

Carruur baxnaanin

Baxnaaninta carruurtu waxaa ay qaabileysaa carruurta iyo dhallinyarada leh naafanimo ballaaran oo nolosha qofka oo dhan la soconeysa.

Dadaallada baxnaanintu waxa ay noqon karaan talooyin, taageero iyo daweyn iyo welibo u qorid iyo ku tijaabin qalab wax caawiya.

Tallaalka carruurta

Waalidka oo dhan waxaa lagu casuumaa inay tallaalaan carruurtooda. Iswiidhan waxaa ka jira barnaamijka tallaalka ee ka hortaga kow iyo toban cudur oo kala duwan; faayraska sababta u ah calool xanuun, dabaysha, xiiq-dheerta, infekshanka luqunta ku dhaca, teetano, bakteeriyada sababto xanuunka dhegta nooca b (HIB), bakteeriyada sababto xanuunka ku dhaca xubnayaasha laga neefsado, infekshanka ku dhaca maqaarka iyo qaybaha jirka ee balqanka iyo makaanka (HPV), jadeecada, cudurka sababa daamanka oo barara iyo faayraska sababa cudur jirka u yeela finan yar yar. Haddii loo baahdo waxaa xitaa lagu casuumaa tallaalka ka hortaga cagaarshowga nooca B iyo tiibiida (qaaxada). Waa kalkaalisada caafimaadka ee BVC ama Guddida caafimaadka ardayda kuwa bixiya tallaaladan. Tallaaladan waxaa loogu talogalay inay carruurta siiyaan difaaca ka hortaga cudurradan oo la hubiyo in cudurro la kala qaado aanay ku faafin bulshada.

Intarnetka waxaa mararka qaarkood lagu faafiyaa macluumaad been ah kuna saabsan khatarada barnaamijka tallaalka. Miyaad aragtay tusaale ah macluumaad noocaas ah?

Talooyin noocee ah ayaad haysaa si loo ogaado haddii aad ku kalsoonaan karto maclumaad ama aanad ku kalsoonaan karin?

Waajibka xog qarinta iyo xaqa loo leeyahay turjubaan

Shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo dhan waxaa waajib ku ah xog qarinta. Iyaga ma loo oggola inay dhiibaan macluumaad ku saabsan ilmahaaga iyadoo aan adigaaga ah qofka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha aanad taas oggolaan. Tani waxay khuseysaa xitaaa rugta ummulisooyinka iyo rugta daryeelka caafimaadka carruurta.

Adigu waxaad xaq u leedahay turjubaan. Sheeg ka hor booqashadaada haddii aad u baahantahay turjubaan. Carruurta iyo qaraabadu maaha inay turjumaan. Xitaa turjubaanada waxaa waajib ku ah xog qarinta sirta.

Qof dhalinyaro ah oo qof weyn kula hadlaya miis yaala qaabilaada dhalinyarada.

Waa maxay michaha in shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo turjubaanka ay waajib ku tahay xog qarinta sirta?

Maxay u tahay muhiim?

Haddii ilmahaagu xanuusado ama u baahdo taageero kale

Haddii ilmahaagu xanuusado waa inaad ugu horeyn wacdo talobixinta daryeelka bukaanka oo laga helo 1177 ama rugtaada caafimaadka. Waxa kale oo jira macluumaad badan kuna saabsan cudurrada iyo dhibaatooyinka kala duwan kuna qoran bogga intarnetka www.1177.se.

Rugta caafimaadka waxaa ilmahaagu ka heli karaa caawimaada dhinaca cudurrada iyo dhibaatooyinka caadiga ah. Haddii dhakhtarku qiimeeyo in ilmahaagu u baahanyahay daryeel caafimaad oo laga helo takhasus ayaa dhakhtarku u gudbinayaa dhakhtar takhasus ah, oo jooga tusaale ahaan isbitaal. Markaas ayaa adiga iyo ilmahaaga la idiinka yeerayaa dhakhtarka takhasuska ah xilli wakhti dambe ah.

Gudaha Iswiidhan waxaad dooran kartaa rugta caafimaadka ee ilmahaaga. Haddii aanad sameyn wax doorasho ah waxaa ilmahaagu ka tirsanaan doonaa rugta caafimaadka ee u dhow meesha aad degantahay. Marka ugu horeysa ee aad u tagto rug caafimaad waxaad ka helaysaa caawimaada in aad iska qorto.

Magaalooyinka waaweyn waxaa laga heli karaa isbitaalo gaar ah looguna talogalay carruurta iyo dhalaanka. Magaalooyinka yarna waxaa jirta qaabilaad gaar ah oo loogu talogalay carruurta iyo dhalaanka u dhaxeeya 0 iyo 16 jir.

Qaabilaadaha dhakhtarka carruurta iyo dhalaanka (BUM) waa qaabilaado gaar u ah carruurta iyo dhalaanka ilaa iyo ah 17 jir. Si loo yimaado BUM waxaa badanaaba loo baahanyahay soo gudbin ka timi tusaale ahaan BVC, daryeelka caafimaadka ee iskoolka ama qaabilaad caafimaad oo kale.

Waalidka badankoodu waxay doortaan inay samaystaan caymis carruur oo loogu talogalay carruurtooda. Caymis carruur wuxuu bixin karaa madhow tusaale ahaan dhinaca cudur, xaalad shil, hoos u dhac awoodda laxaadka ah iyo hoos u dhac awoodda shaqo ah. Caymisyada carruurta badankoodu waxay ansax yihiin ilaa iyo da'da 25 jir. Waxa ku jira caymis carruur way kala duwanyihiin. Sidaas darteed waa muhiim inaad akhrido caymiskan ka hor intaanad sameysan.

Haddii ilmahaagu u baahdo caawimaad iyo taageero sababtoo ah caafimaad darro maskaxiyan ah markaas waxaad ugu horeyn la xiriiri kartaa guddida caafimaadka ardayda ee iskoolka ilmahaaga ama rugta caafimaadka. Ilmahaagu wuxuu heli karaa daryeel caafimaad oo gaar ah marka loo baahdo. Haddii ilmuhu yahay ilaa iyo lix jir waxaad la xiriiri kartaa rugta caafimaadka carruurta si loo helo talobixin. Ilmaha ayaa laga bilaabo da'da 13 jir keligii xitaa la xiriiri kara qaabilaada dhalaanka.

Caafimaad darada maskaxiyan waa erey-bixin guud oo ay ku jiraan dhibaatooyinka maskaxiyan ee khatartoodu yartahay iyo kuwa leh calaamado khatar ah labadaba.

Niyad jabyadu waxay ku muuqdaan qaabab kala duwan taas oo ku xiran da'da qofka. Carruurta iyo kuwa da'doodu u dhaxayso 13 ilaa 19 jir ee niyad jabsan mar walba ma noqdaan kuwo ay ka muuqato inay murugeysanyihiin. Waxaa caadi ah in taas baddalkeeda ay tusaale ahaan iyagu xanaaqsanyihiin oo caraysanyihiin.

Qaabilaada dhalinyarada waxaa loogu talogalay dhalinyarada ah laga bilaabo qiyaastii 12-13 jir iyo ilaa iyo ay ku jiraan 25 jirka. Booqashadu waa bilaash.

Rugta qaabilaada waxaa ka jirta fursada ah in la helo wada hadal taageero ah looguna talogalay qofka aan dareemayn wanaag ee u baahan qof lala hadlo. Waxay xitaa ku saabsanaan kartaa su'aalaha dhinaca jirka ama galmada iyo alaabta lagaga hortago dhalmada.

Waxaa jira bog intarnet oo lagu magacaabo Youmo.se lehna macluumaad ku saabsan jirka, galmada iyo caafimaadka kuna qoran dhowr luqaddood oo kala duwan. Yuomo.se waxaa loogu talogalay dhalinyarada u dhaxaysa 13-20 jir. På youmo.se waxaa ku jira xitaa macluumaadka sida loola xiriirayo dhammaan qaabilaadaha dhalinyarada ee Iswiidhan.

Qaybta cilmi-nafsiga ee carruurta iyo dhalaanka (BUP) waxay daryeeshaa carruurta iyo dhalaanka baahida ugu weyn u qaba taageero cilmi-nafsi ama daryeel caafimaad. BUP waxaa lagu qaabilaa dhalinyarada ah ilaa iyo 18 jir. Marka aad buuxiso 18 jir waa inaad la xiriirto rugta caafimaadka ama qaybta cilmi-nafsiga dadka waaweyn haddii aad u baahato taageero cilmi-nafsi.

Halkee ayay ku taalaa rugta caafimaadka ee ugu dhow?

Waa maxay khataraha jira haddii ilmo u baahan taageero aanu helin taageero sax ah iyo caawimaad?

Waa maxay khataraha jira haddii waalidku aanay doonayn in la baaro ilmaha?

Daryeelka ilkaha

Iswiidhan waxaa ka jira daryeel ilko oo guud iyo mid gaar loo leeyahay. Daryeelka ilkaha ee guud waxaa lagu magacaabaa Daryeelka ilkaha dadweynaha. Adiga laf ahaantaada ayaa dooranaya haddii aad doonaysid inaad tagto Daryeelka ilkaha dadweynaha ama dhakhtar ilko oo gaar loo leeyahay.

Wax kharash ah ma laha in loo tago dhakhtarka ilkaha ilaa iyo sanadka aad buuxinayso 23. Laakiin laga billaabo 1 Janaayo isla sanadka aad buuxinayso 24 waa inaad adigu bixiso lacagta.

Dhinaca carruurta iyo dhalaanka magangelyo-doonka ah daryeelka ilkaha waa u bilaash ilaa iyo da'da 18 jir.

Tobaakada, khamriga, mukhaadaraadka iyo khamaarka lacagta

Tobaakada, alaabta nikotiinta, khamriga, iyo mukhaadaraadka waa tusaale ka mid ah maandooriyayaasha. Maandooriyayaashu waxay waxyeelo ku keenaan jirkaaga oo raad ku yeeshaan caafimaadkaaga. Waxaa intaas dheer in aad ku tiirsanaato oo aanad iska deyn karin iyaga.

Khamriga, tobaakada iyo alaabta nikotiinta waa sharci laakiin ma laga iibsan karo meel walba ama cid walba. Cabitaanada khamriga waxaa iibiya dukaamo gaar ah oo lagu magacaabo Systembolaget. Adigu waa inaad ahaato 20 jir si aad wax uga iibsato Systembolaget. Si loo iibsado sigaar, buuriga afka la geliyo iyo alaabta kale ee ay ku jirto nikotiinta waa inaad ahaato 18 jir. Tani sababteedu waa in laga ilaaliyo carruurta iyo dhalaanka in ay isticmaalaan khamri, tobaako iyo alaabta nikotiinta.

Gudaha Iswiidhan waxaa mamnuuc ka ah dadka oo dhan inay isticmaalaan, iibsadaan, iibiyaan, dalka soo geliyaan, sameeyaan ama sitaan mukhaadaraad. Waxaa jira noocyo mukhaadaraad oo kala duwan, tusaale ahaan xashiishada, qaadka, hirowiin, amfatamiin, kookayn iyo ektasii. Mukhaadaraadka waxaa mararka qaarkood lagu magacaabaa maandooriyayaal.

In lagu khamaaro lacag, tusaale ahaan warqad khamaar, bingoo, isboorti, khamaarka kasiino iyo turub, xitaa taasi waxay keeni kartaa in aad ku tiirsanaato oo aanad iska deyn karin. In lagu khamaaro lacag waxay sharci darro u tahay dadka ka yar 18 jir.

Ku socota adigaaga ah waalid ama qof kale oo weyn oo u dhow

Waa caadi in dhalinyaradu ay doonayaan inay wax ka ogaadaan khamaarka lacagta, khamri iyo mukhaadaraad iyo inay doonayaan inay tijaabiyaan. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in adigu waalid ahaan ama qof kale oo weyn oo u dhow aad kala hadasho khataraha iyo nooca cawaaqibka ka iman kara in la isticmaalo daroogo iyo in lagu khamaaro lacag. U sheeg xitaa nooca qawaaniinta iyo sharciyada khuseeya.

Halkan waxaa ku jirta taageero iyo caawimaad bilaash ah

Dhalinyarada leh dhibaato ah khamaar, khamri ama mukhaadaraad waxay u baahanyihiin caawimaad. Haddii adigu waalid ahaan aad u welwelsantahay ilmahaaga laakiin aanad hubin waxa aad sameyn karto markaas waxaad heli kartaa taageero iyo caawimaad.

Waxaa jira khadad telafoon oo aad wici karto oo weydiisan karto talobixin.

Khadka Joojinta sigaar-cabista: 020-84 00 00

Khadka khamriga: 020-84 44 48

Caawimaada daroogada: 020 – 91 91 91

Khadka taageerada: 020-81 91 00 (loogu talogalay dhibaatada khamaarka)

Lambaradaas telafoonka ayaa qaraabada iyo dhalinyarada labaduba keligood wici karaan. Qofka wacayaa wuxuu ahaan karaa bilaa magac. In la ahaado bilaa magac micnaheedu waa in adigu aanad u baahnayn inaad sheegto qofka aad tahay. Qofka aad la hadlaysana ma loo oggola inuu isku dayo inuu ogaado qofka aad tahay.

Adigaaga doonaya caawimaad iyo taageero waxaad xitaa wici kartaa 1177 Hagida Daryeelka. Iyagu way ku hagi karaan oo ku siinayaan macluumaad dheeraad ah. Waxaa jira xitaa macluumaad ku qoran bogga intarnetka 1177 Hagida Daryeelka.

Ururka dhexe ee macluumaadka khamriga iyo maandooriyayaasha wuxuu leeyahay bog intarnet oo lagu magacaabo Drugsmart. Wuxuu ku jiheysanyahay dhalinyarada iyo waalidka welwelsan labadaba. Boggan intarnetka waxaa ku jira macluumaad ku saabsan khamriga, maandooriye, walxaha jirka lagu dhiso iyo tobaakada. Waa suurtagal xitaa in dhinaca ii-maylka lagu weydiiyo su'aalo khuseeya dhalinyarada u dhaxaysa 13 iyo 19 jir. Dhalinyarada iyo waalidka labaduba way weydiin karaan su'aalo.

Degmooyinka qaarkood waxaa laga helaa waxa lagu magacaabo qaabilaadaha Mariya. Iyagu waxay takhasus u leeyihiin dhalinyarada dhibaatooyinkooda khamriga iyo maandooriyaha. Waxa xitaa jira macluumaad ku saabsan tobaakada, khamriga iyo maandooriyaha lagana helayo umo.se.