Takoorid

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/5-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay takooridda. Takoorid waa marka qof loola dhaqmo si ka liidata dadka kale. Mararka qaarkood qofku wuxuu dareemi karaa in si caddaalad darro ah loola dhaqmay inkastoo aanay ahayn takoorid.

Sawir farshaxan ah koox dad ah oo matalaya toddobada ah aasaasyada kala duwan ee takoorida.

Qoraalkan waxaad ku akhrin doontaa waxa ah takoorid. Waxaad akhrin doontaa xitaa nooca caawimaada aad heli karto haddii lagu takooray.

Waa maxay takoorid?

Waxaa lagu magacaabaa takoorid haddii laguula dhaqmo si liidata sababtoo ah in adigu aad tusaale ahaan leedahay jinsi cayiman ama midab maqaar oo cayiman. In qof la takooro waa ku xadgudub dhinaca xuquuqda bani'aadamka. Tani micnaheedu waa inay mamnuuc tahay in la takooro qof.

Waa kuwan dhowr tusaale waxyaabaha la xisaabin karo inay yihiin takoorid:

  • Qof shaqaale ah ayaa sheegtay inay leedahay uur oo markaas ayaa qofka madaxda u ahi ka istaajiyay shaqadeedi tijaabada ahayd.
  • Qof haweenay ah ayaa loo diiday inay ballansato wakhti dhakhtar sababtoo ah in iyadu ay xirnayd xijaab.
  • Qof madax ah ayaa aan doonayn in uu wareysi ka qaado shaqo raadiye leh magac ajnabi ah.
  • Macallin ayaa su'aal ka keenay in arday uu xiranyahay toob/canbuur.
  • Shaqaale jooga maqaaxi ayaa diiday inay liistada raashinka u akhriyaan qof Qofmarti ah oo aan arki karin waxa ku qoran sababtoo ah hoos u dhac awoodda aragtida ah.
  • Haweenay ayaa lagu dhibay goobteeda shaqada sababtoo ah in ay is guursadeen haweenay kale.
  • Qof madax ah ayaa aan doonayn in la wareysto shaqo raadiye ka weyn 50 sano.
  • Qof midabkiisu madowyahay ayaa loo diiday soo gelida makhaayad khamri iyadoo isla markaasna dadka midabkoodu cadaanka yahay loo oggolaaday inay soo galaan.

Umo.se waxay samaysay filim ku saabsan takooridda. Filimkan waxaa la helayaa isagoo ah af Iswiidhish, Carabi, Ingiriisi, Soomaali iyo Tigrinya.

Sharciga takooridda

Waxaa jira sharci gaar ah kaas oo mamnuucaya takooridda. Kani magaciisu waa sharciga takooridda. Sharcigan wuxuu ka mamnuucayaa shaqo-bixiye, ururada iyo qaban-qaabiyayaasha waxbarasho in ay dadka qaarkood ula dhaqmaan si ka liidata dadka kale. Qaban-qaabiye waxbarasho wuxuu ahaan karaa tusaale ahaan iskool.

Adigu waad dareemi kartaa in laguula dhaqmay si caddaalad darro ah iyadoo aanay taasi ahayn takoorid dhinaca sharciga micnahiisa.

Takooriddu waa mamnuuc sida ku cad sharciga haddii ay ku salaysantahay mid ama dhowr ka mid ah toddobadan ah aasaasyada takooridda:

  • Jinsi: Gudaha Iswiidhan waxaa ka jira jinsiyada sharciyan ee ah haweenay ama nin. Mamnuucida in loola dhaqmo qof si liidatay sababtoo ah jinsigooda waxay xitaa khuseysaa dadka baddali doona ama baddalay ka tirsanaanshahooda jinsi.
  • Shakhsiyadda jinsi: Shakhsiyadda jinsi waxay ku saabsantahay muuqaalka qof, tusaale ahaan dharka iyo luqadda jir ahaan hadal lagu muujiyo. Tani ma la xiriirto nooca jir ee aad leedahay laakiinse waa nooca jinsi ee adigu aad dareemayso in adigu aad ka tirsantahay.
  • Ka tirsanaanta qowmiyad: Dal, koox dadweyne, midab maqaar iyo luqad hooyo waxaa lagu magacaabaa dhinaca sharciga inay tahay ka tirsanaanta qowmiyad. Dadka oo dhan waxay leeyihiin hal ama dhowr qowmiyad oo laga tirsanyahay. In loola dhaqmo dadka si liidata sababtoo ah qowmiyadda ay ka tirsanyihiin waa cunsuriyad.
  • Diin ama caqiido kale: Yuuhudinimo, Kiristaanimo iyo Islaam waa tusaalaha dhinaca diimaha. Atayism waa caqiido kale. Qofka ah atayist ma aaminsana wax Ilaah ah haba yaraatee.
  • Hoos u dhac awoodda laxaadka ah: In qof leeyahay hoos u dhaca awoodda laxaadka ah micnaheedu waa in qofkaas ay ku sii adkaan karto in la dhaq-dhaqaaqo, aragtida, maqalka ama fahamka macluumaadka marka la barbardhigo dadka kale.
  • Dookha noocyada galmada: Dookha noocyada galmada waxa uu sharraxayaa nooca ama noocyada jinsi ee adiga ku soo jiita ama aad jeceyl u qaado. Sharcigan wuxuu khuseeyaa dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin, dadka ka hela dadka ay kala jinsiga duwanyihiin iyo dadka labada jinsiba dabcigoodu ka helo.
  • Da'da: Dadka ma la oggola in loola dhaqmo si liidata sababtoo ah da'dooda.

Xaalado badan waxaa dhacda in dadka lagu takooro wax ku salaysan dhowr kala duwan oo ah aasaasyada takooridda. Tusaale waa in haweenay haysata diin gaar ah ay dareemi karto in lagu takooray dhinaca jinsigeeda iyo diinteeda labadaba.

Haddii si xun uu kuula dhaqmay shakhsi gaar ah – sida tusaale ahaan deriskaaga ama qof isku fasal aad dhigataan – markaas ma khuseyso sharciga takooridda. Tani waxay sharci darro ku noqon kartaa aasaasyo kale. Waa maxay farqiga u dhaxeeya marka la barbardhigo tusaalooyinka ku jira qoraalkan?

Hel caawimaad

Waxaa jirta caawimaad la heli karo haddii aad u aragto in lagu takooray.

  • Adigu waxaad caawimaad iyo taageero ka heli kartaa dhinaca xafiiska ka hortaga takoorka, haddii uu ku yaalo meesha aad degantahay.
  • Haddii ay ka dhacdo goobtaada shaqada waxaad la hadli kartaa qofka madaxda kuu ah ama wakiilka shaqaalaha u qaabilsan arrimaha nabadgelyada iyo caafimaadka. Shaqo-bixiyahaagu waa in uu baaro arrintan oo ka shaqeeyo sidii loo hakin lahaa takoorid ka dhacda goobta shaqada.
  • Haddii ay ka dhacdo goobtaada shaqada oo aad xubin ka tahay urur shaqaale markaas iyaga ayaa ku caawin kara.

Xafiisyada ka hortaga takooridda

Waxaa jira xafiisyada ka hortaga takooridda oo kala duwan oo maxali iyo gobolada ah kuna yaala Iswiidhan. Iyagu waxay ku siin karaan talo iyo taageero marka adiga laguu geystay takoorid.

Wakiilka arrimaha takooridda

Wakiilka arrimaha takooridda (DO) waa hey'ad dawladeed taas oo kantaroosha in sharciga takooridda la raaco. Haddii laguu geystay takoorid waxa aad warbixin ama cabasho u diri kartaa DO.

DO waxay isticmaashaa warbixinaha iyo cabashooyinka si ay u hubsato in sharciga la raaco, ee maaha in la xaliyo xaaladaha gaarka u ah shakhsiyaad.

Dembi neceyb ah

Haddii qof geysto dembi ka dhan ah dad iyadoo ay sabab u tahay oo keliya in iyagu ay ka tirsanyihiin koox gaar ah waxaa lagu magacaabaa dembi neceyb ah. Micnihii waa dembi neceyb ah haddii qofka dembiga lagu eedeeyay ujeedada uu ka lahaa dembigan uu ahaa neceyb ama fikrad xun oo uu haystay kuna salaysan mid ka mid ah toddobada ah aasaasyada takooridda. Wax micno ah ma samaynayso haddii qofka loo geystay dhibta uu ka tirsanyahay kooxdan ama aanay sidaas ahayn. Qofka lagu eedeeyay dembiga ujeedadiisa ayaa go'aaminaysa haddii tani ahayd dembi neceyb ah. Qofka lagu eedeeyay dembi wuxuu helaa ciqaab sii adag haddii dembigan leeyahay ujeedo dembi oo neceyb ah.

Dembiyada neceybka ah waxay jebiyaan xuquuqda bani'aadamka oo waa ka mamnuuc gudaha Iswiidhan. Haddii laguu geysto dembi neceyb ah waa inaad wargelisaa booliiska.