Koorsooyinka af Iswiidhishka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 20/2-2026

Halkan waxaad ka akhrin kartaa meelaha kala duwan ee haya koorsooyin ah af Iswiidhishka. Koorsooyinka qaarkood waxaa loogu talogalay adigaaga ah magan-gelyo doon. Koorsooyin kalena waxaa loogu talogalay adigaaga helay sharciga degganaansho.

Af Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (sfi)

Af Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (sfi) waa waxbarashada af Iswiidhishka ee loogu talogalay adigaaga aanu af Iswiidhishku u ahayn afka hooyo. Waxbarashadan waxaad ku baran doontaa in aad ku hadasho, akhrido oo wax ku qorto af Iswiidhish. Waxa kale oo aad ka helaysaa aqoonta ku saabsan bulshada Iswiidhishka. Waxbarashadan waa bilaash.

Waxaad xaq u leedahay inaad barato sfi laga bilaabo 1-da Julaay ee sanadka aad buuxinayso 16 jir haddii adigu

  • aanad haysan aqoonta aasaasiga ah ee af Iswiidhishka
  • ku jirto ama geli doonto diiwaan-gelinta dadweynaha.

Adigu waxaad wax baran kartaa wakhti buuxa ama wakhti nus ah

Waxaad sfi baran kartaa wakhti buuxa ama wakhti nus ah. Haddii aad sfi baranayso wakhti nus ah waxaad waxbarashadan ku dhex wadi kartaa shaqo, tababar goob shaqo ama waxbarasho kale, tusaale ahaan dugsiga sare ama waxbarasho kale oo ah waxbarashada dadka waaweyn. Adigaaga ku jira fasax waalidnimo wakhti nus ah waad baran kartaa sfi wakhti nus ah.

Waxaad haysataa saddex sano in aad ku dhammeystirto waxbarashadan laga bilaabo taariikhdi aad is qortey sfi.

La xiriir degmadaada si aad u hesho warbixin dheeraad ah

Waa degmada aad kaga jirto diiwaan-gelinta dadweynaha kuwa diyaariya waxbarashada sfi. Xaaladaha qaarkood waxaad sidoo kale sfi ka baran kartaa degmo kale. Waxaad sidoo kale ka baran kartaa sfi qaar ka mid ah kuliyadaha dadka waaweyn.

La xiriir degmadaada si aad u hesho warbixin dheeraad ah kuna saabsan sfi. Haddii aad ka diiwaan-gashan tahay Xafiiska Shaqada kana qaybqaadato barnaamijka la qabsiga dalka waxaad la xiriiri kartaa hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqada.

Qawaaniinta cusub ee dhanka sfi laga bilaabo 1 Janaayo 2026

Adigaaga bilaabaya in aad barato sfi ka dib Janaayo 2026 waxaad haysataa saddex sano in aad ku dhammaystirto waxbarashadan. Wakhtigan waxaa la xisaabinayaa inuu ka bilaabmayo taariikhda lagu qorey waxbarashadan. Waxaad taariikhdaas ka helaysaa qorshahaaga waxbarasho ee gaarka kuu ah.

Haddii lagu qorey sfi ka hor Janaayo 2026 waxaad haysataa saddex sano in aad ku dhammaystirto waxbarashadan kana soo bilaabmaysa taariikhdaas. Taas macnaheedu waa inaad dhammaystirto waxbarashadan ugu dambeyn 31 Diisambar 2028.

Haddii aadan haysan haleelin inaad dhammaystirto waxbarashadaada sfi inta lagu jiro muddadaas saddexda sano ah waxaa dhici karta in xaaladaha qaarkood aad hesho wakhti dheeraad ah. Waa inaad codsato wakhti dheeraad ah ka hor intaan muddadaas saddexda sano ahi dhammaan. La xiriir macalinkaaga SFI ama degmadaada si aad uga codsato wakhti dheeraad ah oo aad ku dhammaystirto waxbarashadaada.

Si aad u hesho wakhti dheeraad ah waa inaad haysataa sababo gaar ah, tusaale ahaan in aad leedahay jirro ama hoos u dhac awoodda laxaadka ah ama in aad ku jirto fasax waalidnimo. Waxa kale oo ay ahaan kartaa in aad joojisay waxbarashadaada si aad u gasho waxbarasho kale ama shaqo. Degmada ayaa go'aamisa haddii aad adigu heli karto wakhti dheeraad ah.

Iswiidhish oo ah luqad labaad ahaan

Haddii aad dhammaysato waxbarashadaada sfi-ga waxaad sii wadan kartaa inaad barato af Iswiidhish luqad labaad ahaan ah. Waxaad la hadli kartaa la taliyaha waxbarashada iyo xirfadda ee ka shaqeeya waxbarashada dadka waaweyn si lagaaga caawiyo codsiga.

Haddii aad ka diiwaan-gashan tahay Xafiiska Shaqada kana qaybqaadato barnaamijka dadka dalka ku cusub waxaad la xiriiri kartaa gacan yarahaaga jooga Xafiiska Shaqada si aad u hesho warbixin dheeraad ah.

Af Iswiidhishka xirfadda la xiriira

Af Iswiidhishka xirfadda la xiriira waa waxbarasho af Iswiidhishka ah taas oo ku haboon laamaha ganacsi iyo xirfadaha kala duwan. Taas micnaheedu waa in aad barato af Iswiidhishka aad u baahantahay dhinaca shaqo ee dhanka xirfad gaar ah.

Waxaa lagaaga baahanyahay inaad ka diiwaan-gashan tahay Xafiiska Shaqada si aad u hesho af Iswiidhishka xirfadda. Waa Xafiiska Shaqada kuwa go’aaminaya haddii aad bilaabi karto waxbarashadan.