Dib u mideynta qoyska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023

Halkan waxaad ka akhrin kartaa wixi ku saabsan dib u mideynta qoyska.

Waa maxay dib u mideynta qoyska?

Dib u mideynta qoyka micnaheedu waa in qoys kala maqnaa ay codsan karaan inay ku wada noolaadaan Iswiidhan oo la joogaan xubinta qoyska ee sharci degganaanho hehay.

Qofkee xaq u leh dib u mideynta qoyska?

Qoyska kuugu dhow ayaa xaq u leh inay kuu soo guuraan (xaaska, ninka, lamaanaha la wada noolaa, lamaanaha iyo caruurta ka yar 18 sano). Waa khasab in qofku ka weynyahay 18 sano oo waa khasab in la is guursaday ama la wada noolaa ka hor intaan la soo qixin.

Qoyskaagu wuxuu fursad u haystaa inay codsadaan sharciga deganaansho ee Iswiidhan si ay ugu soo guuraan adigaaga jooga Iswiidhan.

  • haysato sharci degganaansho oo joogto ah,
  • haysato sharci degganaansho oo ku meel gaar ah, oo ay u eegtahay inaad haysato fursado fiican in aad hesho sharci degganaansho oo waaraya.

Waa kuwee qawaaniinta ansaxa ah?

Si aad u keento qoyskaaga waxaad u baahan kartaa inaad caddayso inaad dabari karto masruufkiina (shuruuda masruufka). Adigu waxaad xitaa u baahantahya inaad haysato guri ku haboon qoyska oo dhan.

Haddii qoyskaagu codsado sharciga deganaansho saddex bilood gudaheed laga bilaabo markii aad heshay sharciga deganaansho markaasi ma ku khuseeyso shuruuda masruufka.

Shuruuda is masruufka ma ku khuseeyo haddii adigu aad timi adigoo ah qaxoontiga dalka dibediisa laga soo qaado, haddii qoyskaagu codsado sharci degganaanho gudaha saddex bilood oo ka billaabmaysa markii adigu aad timi Iswiidhan.

Maxaad samayn kartaa si aad isugu sii diyaariso qaabka ugu fiican?

Ka fikir inaad ka sheekayso wax kasta oo ku saabsan qoyskaaga xilliga codsiga magan-gelyo. Waa muhiim haddii aad awoodayso inaad dib ula midowdo qoyskaaga xilli dambe.