Isticmaal nuxurka laga helayo Informationsverige.se

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 4/7-2023

Fadlan isticmaal Informationsverige.se inay il-wareed u ahaato macluumaadka ku saabsan bulshada Iswiidhishka. Isla mar ahaantaas waxaa muhiim ah in nuxurkaas aan loo yeelin micno kale. Sidaas darteed ayaanu leenahay nidaamyo ah sida nuxurka ku jira boggan intarnatka la oggolyahay in loo isticmaalo.

In qoraallada ku yaal Informationsverige.se loo isticmaalo bog intarnat oo kale ama alaab kale

Qoraallada ku yaal Informationsverige.se waxay ku dhowrsanyihiin xuquuqda uu curiyuhu u leeyahay waxa uu soo saaray. Waa laguu oggolyahay inaad si toos ah uga soo xigato nuxurkan. Marka aad si toos ah uga soo xiganayso waa inay muuqato halka qoraalkan laga soo qaatay. Soo xigashada ku dhammaystir xiriirka intarnatka ee qaybta ay khuseyso kuna jirta Informationsverige.se. Ma laguu oggola inaad isticmaasho qoraallo buuxa oo aad dib u daabacdo kuwaas oo aad ka dhigto inay yihiin qaar adigu aad gaar u leedahay.

Isticmaalka qoraallada Informationsverige.se ee loogu talogalay adigaaga ka shaqeeya dhinaca dadka magangelyo doonka ah iyo kuwa dalka ku cusub

Haddii aad ka shaqayso shaqo ku hawlan dadaalo macluumaad iyo waxbarasho loogu talogalay dadka magangelyo doonka ah iyo kuwa dalka ku cusub waxaa laguu oggolyahay inaad nuxurka ku yaal Informationsverige.se ku isticmaasho alaabadaada waxbarasho, tusaale ahaan soo bandhigaaga (PowerPoint ama wax la mid ah). Sheeg in il-wareedkaagu yahay Informationsverige.se. Waxaad xitaa daabici kartaa bogaggan.

Nuxurka laga soo qaatay Informationsverige.se waa inuu bilaash u ahaado dhammaan dadka isticmaalaya.

Sawirrada ku yaal Informationsverige.se waxay ku dhowrsanyihiin xuquuqda uu curiyuhu u leeyahay waxa uu soo saaray

Sawirrada ku yaal Informationsverige.se waxay ku dhowrsanyihiin xuquuqda uu curiyuhu u leeyahay waxa uu soo saaray oo ma la oggola in la koobi gareeyo oo loo isticmaalo ujeeddo kale.