Oggolaansho sharci daganaansho
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023
Haddii laguu oggolaaday sharci daganaansho micnaheedu waa in la aqbalay codsigaagi magan-gelyo.
Noocyada kala duwan ee sharciiyada daganaansho
Haddii aad heshay sharci daganaansho oo qaxoonti ahaan ah waxaa sharcigaagu ansax yahay saddex sanno.
Haddii aad heshay sharci daganaansho oo ah baahi magan-gelyo oo kale waxaa sharcigaagu ansax yahay 13 bilood.