Deegaanka
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/8-2023
Gudaha Iswiidhan waxaad u noolaan kartaa qaabab kala duwan. Waxaad kireysan ama iibsan kartaa guri yar. Waxaad kireysan ama iibsan kartaa guri weyn. Boggagan waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan qaababka kala duwan ee loo noolaado iyo sida aad samayn karto si aad u raadiso hoy.
Qofka kasta xaq waxuu u leeyahay guri
Iswiidhan Qofka kasta xaq waxuu u leeyahay guri. Waa mamnuuc midabtakoorka dhinaca guri raadiska sababna looga dhigo:
- qofka meesha uu kasoo jeedo
- diinta uu leeyahay
- cuuriyaannimo
- jinsigiisa
- jinsiga qofka
- lab ama dhedig qofka kuu yahay
- da'da
Xafiisyada ka hortaga takooridda
Waxaa jira xafiisyada ka hortaga takooridda oo kala duwan oo maxali iyo gobolada ah kuna yaala Iswiidhan. Iyagu waxay ku siin karaan talo iyo taageero marka adiga laguu geystay takoorid.
Wakiilka arrimaha takooridda
Wakiilka arrimaha takooridda (DO) waa hey'ad dawladeed taas oo kantaroosha in sharciga takooridda la raaco. Haddii laguu geystay takoorid waxa aad warbixin ama cabasho u diri kartaa DO.
DO waxay isticmaashaa warbixinaha iyo cabashooyinka si ay u hubsato in sharciga la raaco, ee maaha in la xaliyo xaaladaha gaarka u ah shakhsiyaad.
Cawinaadda deggaanka
Adigaaga helay sharciga deganaansho kuna nool hoyga la dego ee Hey'ada Socdaalka, ama adigaaga qaxoonti la soo qaaday ahaan ku yimi Iswiidhan, waxaad heli kartaa caawimaada guri ku yaala degmo.

Sawir: Misak Nalbandian
Hey'ada Socdaalka ayaa u gudbisa degmooyinka inay qaabilaan dadka dhawaan helay sharciga deganaansho. Marka degmo hesho soo gudbin waxay tani tahay in degmadu mas'uul ka tahay inay kuu diyaariso guri.
Adigu ma dooran kartid degmada aad doonaysid in laguu gudbiyo. Waxaad helaysaa hal casuumaad oo keliya dhanka u gudbinta degmo. Haddii aad diido waa lagaa saarayaa nidaamka qaabilaada ee Hey'ada Socdaalka. Markaasi adigu xaq uma lihid kaalmo iyo hoy aad ka hesho Hey'ada Socdaalka oo waa inaad keligaa diyaarsataa guri.
Degmooyinka gudaha Iswiidhan
Dadka ku nool Iswiidhan oo dhan waxay ku noolyihiin degmo. Degmadu waxay noqon kartaa magaalo, meel, ama dhowr meelood. Iswiidhan waxaa ka jira 290 degmooyin ah.
Diiwaangelinta Dadka
Dadka iswiidhan deggan oo dhan waa la diiwaan geliyaa. Waxaana lagu qoraa halkaas kuwa degen iswiidhan iyo halka ay deggen yihiin.