Bulsho

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/5-2023

Iswiidhan waa dimoqraadi. Tani micnaheedu waa in dhamaan awooda shacbiga ay ka timaado dadweynaha. Dadweynaha ayaa xukumo iyagoo u sii mara inay doortaan xisbiyo ama dad xaq u leh inay qaataan go'aamada muhiimka ah. Dadka la soo doortay waxaa lagu magacaabaa siyaasiyiin. Iyagu waxay go'aamo ku qaadaan baarlamaanka, golaha xildhibaanada gobolka iyo golaha xildhibaanada degmada.

Dhowr aasaas oo muhiim u ah bulshada Iswiidhan

  • Xoriyada daabacaada iyo cabirka fikrada – Dadka oo dhan waa inay awoodaan inay soo bandhigaan fikradahooga, aragtiyahooga iyo dareenkooda dhinaca hadal iyo qoraal ahaanba.
  • Xoriyada ururada – Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay galaan ama bilaabaan urur.
  • Xoriyada aaminaada diin iyo caqiido – Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay si xor ah u go'aansadaan haddii qofku doonayo inuu ku dhaqmo diin. Xoriyada diinta waxay xisaabsantahay mid ka mid ah xuquuqda bani'aadamka.
  • Hubaalnimada cadaalada – Dadka oo dhan waa inay u sinaadaan sharciga. Qof waxaa loo arkaa inuu yahay bilaa dembi ilaa inta isaga ama iyada ay xukunto maxkamadi.

Iswiidhan waxaa laga xukumaa dawlad, gobolo iyo degmooyin

Heerka qaran (Baarlamaan iyo xukuumad)

  • Barlamaanku wuxuu leeyahay awooda in la sameeyo sharciyo.
  • Baarlamaanku wuxuu matalaa shacbiga heer qaran.
  • Xukuumadu waxay Iswiidhan xukuntaa iyadoo u maraysa inay hubsato in Baarlamaanka go'aamadiisu noqdaan xaqiiqo oo waxay la timaadaa fikrado dhinaca sharciyo cusub iyo wax ka baddelka sharciyada.
  • Dhinaca caawinta shaqadeeda waxay xukuumadu leedahay golaha xukuumada iyo qiyaastii 350 hey'adood oo dawladeed.

Heerka gobol (Maamulka gobolka, gobolo dhowr ah)

  • Iswiidhan waxay u qaybsantahay 21 gobol. Gobol kasta waxaa ku taala hey'ad dawladeed oo gobol taas oo lagu magacaabo maamulka gobolka.
  • Waxaa jira 21 maamul gobol. Maamulada gobolada waxaa hogaamiya siyaasiyiin ay doorteen dadweynuhu. Maamulka gobolka wuxuu badnaan ka shaqeeyaa daryeelka bukaanka, daryeelka caafimaadka, daryeelka ilkaha iyo gaadiidka dadweynaha.
  • Gobolada iyo maamulada gobolada waxay daboolaan aag juquraafi ahaan isku mid ah oo waxaa badanaaba kuwaas loo arkaa heer gobolo. Xubinta go'aaminta ee ugu sareysa waa golaha xildhibaanada ee Maamulka gobolka. Sharciga degmooyinka ayaa xukuma maamulka gobolka shaqadiisa.

Heer maxali ah (Degmooyinka)

  • Iswiidhan waxay leedahay 290 degmooyin ah.
  • Degmooyinku waxay mas'uul ka yihiin adeegyada bulsho badankooda kuwaas oo ka jira halka aynu deganahay. Tusaale ahaan dugsiga xanaanada, iskoolka, adeega arrimaha bulshada iyo xanaanada dadka waayeelka ah.
  • Degmooyinku waxaa hogaamiya siyaasiyiin ay soo doorteen dadweynuhu. Xubinta go'aaminta ee ugu sareysa waa golaha xildhibaanada degmada.
  • Sharciga degmooyinka ayaa hogaamiya shaqada degmooyinka.

Heerka Yurub (EU)

  • Iswiidhan waa inay raacdo qawaaniinta EU-da oo way ka mid tahay oo dejisaa qawaaniin cusub.
  • Xukuumada ayaa Iswiidhan ku matasha golaha Yurubiyanka iyo golaha midowga Yurub (badanaaba lagu magacaabo guddida wasiirada ama guddida).

Filim ku saabsan Iswiidhan