Bilow inaad af Iswiidhishka ku barato Hej svenska!
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 14/12-2023
Hej svenska! waa aalad dhijitaal ah oo bilaa kharash ah looguna talogalay tababarka dhanka af Iswiidhish luqad labaad ahaan ah.
Dhanka Hej svenska! waxaad ku tababaranaysaa kaydka kalmadaha, weeraha iyo naxwaha iyadoo la adeegsanayo waajibaad kala duwan sida akhris, qoris ama dhagaysi.
Hej svenska! waxaad ka isticmaali kartaa internetkaaga. Waxaad xitaa soo dejisan kartaa Hej svenska! oo ah aab. Marka aad soo dejisato aab-kan waxaad isticmaali kartaa adigoo aan haysan xiriir internet.
Hej svenska! 1, 2, 3 och 4
Hej svenska! waxay ka koobantahay afar qaybood. Dhanka Hej svenska! 1 waxaad ku baranaysaa kalmadaha iyo weeraha ugu horeeya ee af Iswiidhishka. Dhinaca Hej svenska! 2, 3 iyo 4 waa luqad iyo naxwe sii adag.
Qayb kastaa waxay ka koobantahay tobban mawduuc oo mawduuc kasta waxaa ku jira tiro tababaryo ah. Adiga laf ahaantaada ayaa dooran kara tababarrada aad rabtid inaad samayso iyo habka aad u kala horeysiinayso. Tababar isku mid ah waxaad samayn kartaa dhowr mar.
Sidan ayuu u shaqeeyaa Hej svenska!
Waxaa jira saddex badhan oo kolba ku soo noq-noqda gudaha Hej svenska!: badhanka-dhagayso, badhanka-ok iyo badhanka caawinta.
Badhanka-dhagayso
Badhanka-dhagayso (lehna calaamad sameecad) waxaad ka dhagaysan kartaa inta mar ee aad rabto ee u baahantahay. Tababarrada qaarkood badhanka-dhagayso waa wax la dooran karo. Taas micnaheedu waa in aad adigu dooran karto haddii aad rabto taageero cod ah ama aanad rabin. Tababarrada kalena waxaa laguu akhrinayaa tusaalaha ka dib markaad dhammaystirto tababarkaas.
Badhanka-ok
Marka aad samayso tababar ee dareento inaad dhammaystirtay waxaad ku dhufanaysaa badhanka-OK si laguu saxo. Sixitaanku micnahiisu waa in qaladaadka lagu calaamadinayo midab guduudan iyo wixi sax ah lagu calaamadinayo midab cagaar ah. Marka aad saxdo wixii qalad ah ayaad ku dhufan kartaa badhanka-OK oo aad u sii gudbi kartaa casharka ku xiga.
Badhanka-caawinta
Waxaad heli kartaa caawin ah dhinaca tiro tababaryo ah adigoo ku dhufanaya badhanka-caawinta (lehna calaamadda nalka ah). Markaas ayaa jawaabta saxda ah ku muuqanaysa il-biriqsiyo gudahood. Waxaad ku dhufan kartaa badhanka-caawinta inta mar ee aad rabto ee u baahantahay.