In la helo shaqo
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023
Waxaad shaqo u raadin kartaa qaabab kala duwan.
- Waxaad tegi kartaa Xafiiska Shaqada oo shaqo ka raadin kartaa xayaysiisyadooda shaqooyinka banaan.
- Waxaadla xiriiri kartaa shirkadaha shaqaalaysiinta. Shirkad shaqaalaysiin waxay shaqaale ka kireeyaan shirkado kala duwan.
- Waxaad la xiriiri kartaa shirkadaha shaqaalaha qora. Shirkad shaqaale qortaa waxay dad u heshaa shirkad doonaysa ina shaqaalaysiiso shaqaale cusub.
- Waxaad ka jawaabi kartaa xayaysiisyada joornaalada maalinlaha ah ama ku yaala Intarnatka.
- Waxaad la xiriiri kartaa shaqo bixiye.
- Waxaad weydiin kartaa dadka aad garanayso.
Si loo shaqeeyo oo loo helo mushaaro waxaad u baahantahay inaad xisaab bangi taas oo lagu soo shubi karo mushaaradaada.