Farmasiyada iyo dawooyinka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2022

Dawooyinka qaarkood waxaad iibsan kartaa oo keliya haddii aad haysato warqad uu kuu qoray dhakhtar. Laakiin waxaa kale oo jira dawooyin aad iibsan karto la'aanta warqad dhakhtar.

Dawooyinka waxaad ka iibsan kartaa farmasi. Dawooyinka bilaa warqad dhakhtar ah qaarkood waxaad xitaa ka iibsan kartaa dukaamada, tusaale ahaan dukaamada raashinka.

Kuwa ka shaqeeya farmasiga waxay wax badan ka yaqaanaan cudurada iyo dawooyinka kala duwan. Iyagu waxay ka jawaabi karaan qaar badan oo ka mid ah su'aalahaaga. Farmasiga waxaa kale oo laga helaa macluumaad iyo qoraalo ku saabsan cudurada kala duwan.

Waxaad xitaa dawooyinka ka iibsan kartaa farmasiga iyo meelaha kale ee iibiya ee intarnatka. Hubso in boggan intarnatka ay ogolaansho u haystaan inay iibiyaan dawooyinka markaad iibsanayso. Haddii aad wax ka iibsao bog intarnat oo aan ogolaansho haysan waxaad khatar ugu jirtaa inaad hesho dawooyin been abuur ah. Eego calaamada ka dhaxaysa EU-da ee dhanka iibsiga dawooyinka intarnatka iyo calaamada qaran ee farmasiyada.