Wararka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 31/1-2023

Halkan waxaad ka heli kartaa xiriiryada wararka oo ku qoran iswiidhish fudud, iyo wararka iswiidhishka oo ku turjuban luqado kale. Waxaad xitaa akhrin kartaa wararki ugu dambeeyay ee dhinaca Idaacada Iswiidhan.

Idaacadaha Raadiyowga qaranka Iswiidhan

​​​​​​Meeshan baa waxa ka heleysaa idaacadiihii ugu dambeyay Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Hadii oo luqadaada hooyo lagu heleyn waxa isticmaaleynaa kan iswiidhishka.

Tuuji qoralka idaacada sidaa idaacada ugu akhrisatid bogga internetka Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Isku xiriiriyahay wuxu furi daaqad kale.

  • Sannadka nasiinnada ama ka baaraandegga mustaqbalka kadib tacliinta dugsiga sare

    In ka badan kala bar ardeyda ka soo baxda dugsiyada sare ayaa shaqa bilaaba, halka 38% toos waxbarasho u aadaan, iyada oo 8% ka mid ahina aanay waxba heyn. Waana arrin ay saameeyn ku leedahay heerka tacliineed ee waalidku, sidaku cad daraasad ay wadajir u sameeyeen hayadda CSN iyo UHR.12 ilaa iyo 20 sano ayuu cunuggu u kalahayay waxbarasho marka ma jirto tamar badan oo ku hartay, waxaa loo baahan yahay nasiino, ayuu yiri Abshir Mohamed Osman oo ah bare iyo waalid ku dhaqan degmada Eskiltuna.-"Waxaan ku jiraa sannadkii 3 aad ee waxbarashada dugsi sare waxaanan u baahanahay sannad nasiino iyo baaraandeg ah", ayay tiri Saron Kidane oo 18 jir ah.
  • Xukuumadda oo taageertay Hindisihii EU ee ka warqabka xogaha digital-ka

    Xukuumaddu waxay taageeraysaa soo jeedintii Eu da ee ahayd in la koontaroolo dhammaan farriimmaha digitaalka ah ayuu EKOT ku yiri wasiirka caddaaladda Sweden Gunnar Strömmer (M).Hadafka soojeedinta ayaa ah si loola dagaallamo faraxumaynta jinse ee carruurta balse dadka ka soo hor jeeda ayaa u arka in shakhsiyadda qofka lagu xadgubay. Su'aashaan ayaa hadda looga doodayaa xukuummadaha waddammada xubnaha ka ah EU iyo sidoo kale baarlamaanka EU.Xisbiga Socialdemokraterna ayaa isaguna taageersan hindisahan. Halka ey xisbiyada Sverigedemokraterna iyo Centerpartiet ka soo hor jeedaan.
  • Qaylo dhaan ku saabsan dhimis lagu sameeyn doono shaqaalaha iskuulaadka

    Sababo la xiriira sicirbararka iyo kor u kaca kharashaadka ayaanay misaaniyadu is keeynaynin, shaqaalaha ayaa ku khasbanaan doona in iskuullo kale loo wareejiyo ama gabi ahaanba shaqada laga joojiyo.''Waxaan dareemayaa niyad jab ku saabsan sida ay u saamayn doonto ardayda, iyo kuwa ka shaqeeya iskuulada'' ayaa tiri Felicia Wahlund oo macalimad ka ah dugsi hoose ee ku yaalla magaalada Stockholm.''Degmooyinku ma haystaan awoodda iyo khayraadka loo baahanyahay'' ayee tiri Johanna Jaara Åstrand, gudoomiyaha macallimiinta Iswiidhan.
  • Baarlamanka dalka Turkiya oo ansixiyay ku biirista Nato ee Finland

    Ansixinta Turkiga ayaa ahayd midda kaliya oo Finland ka hor taaganyd ku biirista Nato, iyadoo iminka ay Finland ku taagan tahay dhabbadii ay kaga mid noqon lahayd Nato, halka Sweden ay weli bannaanka ka tahay.Arrintaas ayaan ahayn mushkilad weyn marka la fiiriyo mustaqbalka dhow, sida ay sheegtay Rosa Balfour oo ka tirsan shabakad fikriyeedka Carnegie Europe.Nato ka urur ahaan waa u sahlan tahay la jaanqaadidda isbaddellada. Sweden, Finland iyo Nato ey in ku filan is yaqaannaan waanay maarayn doonaan arrintaan, haddii aanay noqon ka baxsanaantaasi mid joogto ah, ayey tiri Rosa Balfour.
  • Caafimaadka bulshada Sweden oo ka sii wanaagsanaaday

    Warbixinta sannadka ee caafimaadka bulshada ayaa bixinaysa sawirro kala duwan oo la xiriira caafimaadka shacabka Sweden.Waxaa hoos u dhacday geerida ey sababaan waxa lagu magacaabo cudurrada bulshada, wadnaxanuunka, kansarka iyo xididdada maskaxda oo xinjiri xirtana (stroke) kansarkuna ey hoos u dhaceen, halka dhanka kale ey kor u kaceen cudurrada maskaxda, cayilka iyo cayilka xaddhaafka ahi. Hay'adda caafimaadka bulshadu waxay isla xiriirinaysaa duruufaha dhaqaale, waxbarashayarida iyo caafimaaddarrada.
  • Shacabka oo lagu sameeyn doono tirakoob

    Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa maanta soo bandhigay qorshahooda la xiriira tirakoob qaran. Su'aashan ayaa qeyb ka ahayd heshiiskii Tidöavtalet waana mid muhiimad gaar ah ugu fadhida xisbiga SD oo u arka tirakoobkan hab lagu ogaan karo cidda dalka ku joogta sharci-darrada.Wakaaladda canshuurta ayaa la shaqeeyn doonta boliiska iyo wakaaladda socdaalka, waana mid noqon kari doonta albaab-garaacid.
  • Qalinle Dayib: Filimkaan ayaa kor u qaaday magaca Soomalida

    Filimka taxanaha ee 'Dembibaarahii reer Beledweyne' ayaa bishaan Maarso oo dhawaan ka bilowday in lagii sii dayo Telefishinka qaranka ee SVT.Filimka ayaa ku saabsan haweeneey horay xeer ilaaliye u ahayd balse marki danbe ka hawl gashay laanta socdaalka, halkaana ay kula kulantay wiil Soomaaliyeed oo magengelyo-doon ah kadibna wada shaqayn dhex martay.''Waxaan rajeeynaa in uu filimkan caddayn u noqon doono in ay Soomalidu sameeyn karaan aflaan isla markaana fikirka laga haysto is bedeli doono.'' Ayuu yiri Qalinle Dayib oo ka mid ah dadka daawaday isla markaana ku tixan filimkan.
  • Hoggaanka maamulka Shirkadda Ericsson oo loo diiday masuuliyad raacasho la'aan

    Inta badan hoggaanka maamulka shirkadda telefoonnada Ericsson, oo uu ku jiro agaasimaha guud Börje Ekholm, ayaa loo diiday in la siiyo masuuliyad raacasho la'aan. Go'aankaan ayaa shalay ka dhacay kulankii guud ee saamileeyda.Sababtu waa in ay weli nala tahay in ay maqan tahay xog aad u badan oo ku saabsan wxii Ciraaq ka dhacay iyo weliba cidda go'aanka gaartay iyo goobta lagu gaaray sida ay sheegeen saamilaydu.Waxa ugu horreeya ee ugu muhiimsani waa in la ogaado taariikhda iyo in l helo xog ah sida geeddi socodkii baarista ee guduha Ericsson siduu ahaa yiri Sverre Linton oo ah madax sare oo sharciyaqaan.
  • Dhallinyaro iyo carruur lagu tuhunsan yahay in ey kootarabaan dalka soo geliyaan

    Saddexdii sano oo u dambaysyas waxaa laba jibbaarmay da'yarta lagu tuhunsan yahay dambiyada tahriibin aan sharci ahayn. 2020 kii waxay Turubbutaariyadu bilaabeen samayn dambibaaris dhan 89, halka 2022 ay gaartay 175 kiis.Dhanka kale Lina Andersson waxay u aragtaa in waalidiintu ay ku baraarugsanaadaan waxa carruurtoodu ka samaynayaan internet ayey tiri Lina Andersson oo ku simaha madax Turubbutaariyada qaybta dambiyada.Waa inaan cayaalkaan helno inta aaney noqon kuwo loo isticmaalo wax ka weyn ayuu yiri madaxa turubutaariyada.
  • Nin u geeriyooday tooreey lala dhacay xaafadda Gottsunda ee Uppsala

    Nin ku jira da'da 25 jirka ayaa u geeriyooday dhaawaco mindi oo loo geeystay xaafadda Gotsunda fiidnimadii arbacadii shalay. Saddex qof ayaa falkaa loo qabtay, iyadoo uu ciidanka ammaanku furay dacwad baaris hordhac ah ee dil.Qeylodhaan ayaa bolliiska soo gaartay lixdii iyo barkii fiidnimo fiidnimadii arbacadii shalay, halkaasina oo dhibbannaha loola cararay cusbitaalka uuna ku geeriyooday.