Maxay sameeyaan hey'adaha dawladeed ee kala duwan?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/1-2023

Iswiidhan waxaa ka jira hey’addo dawladeed oo badan. Waa tan warbixin ku saabsan dhowr ka mid ah hey’addaha dawladeed ee aad u baahan karto inaad la yeellato xiriir.

Hey’adda laanta socdaalka baartaa codsiga dadka raba ineey soo booqdaan, ama degaan ama raba ineey gabbaad ka dhigtaan wadanka Iswiidhan ama kuwa raba in la siiyo sharciga dhalashada ee Iswiidhan.

Xafiiska Shaqadu waa hey'ad dawladeed taas oo ay tahay inay kaalmo ka gaysato suuq shaqo oo si fiican u shaqaynaya. Xafiiska Shaqadu waxay shaqo raadiyaha ka taageertaa inuu helo shaqo iyo in shaqo bixiyuhu helo shaqaale cusub.

Iyagu waxay xitaa mas’uul ka yihiin in qaar ka mid ah dadka dalka ku cusub helaan qorshe shakhsiyan ah si ay u galaan shaqo ama waxbarasho. Taas waxaa lagu magacaabaa barnaamijka sal dhigashada.

Qasnadda Caymiska waxay mas’uul ka tahay qaybo badan oo ka mid ah caymiska bulshada ee Iswiidhan. Caymiska bulshada wuxuu bixiyaa gabood dhaqaale inta lagu jiro nolosha qaybaheeda kala duwan.

Waxa jira kaalmooyin badan oo kala duwan iyo gunnooyin, tusaale ahaan gunnada waalidka, kaalmada kirada guriga, kaalmada carruurta, gunnada sal dhigashada iyo gunnada marka adigu aad xanuusanaysay in ka badan 14 maalmood.

Qasnadda Caymiska ayaa qabanaysa codsigaaga oo go’aamisa haddii adigu aad xaq u leedahay inaad hesho gunno. Iyagu waxay xitaa bixiyaan lacagta kaalmada iyo gunnooyinka aad helayso.

Hey’adda Cashuuraha hawlaheeda waxaa ka mid ah in ay qaado cashuurta oo hubiso in adigu aad bixisay cashuur sax ah. Hey’adda Cashuuraha waxay mas’uul ka tahay diiwaan-gelinta dadweynaha, taas oo ah diiwaan-gelinta dadka ku nool gudaha Iswiidhan, halka ay degganyihiin iyo nooca xiriiryada qoys ee ay leeyihiin. Iyagu waxay xitaa soo bixiyaan kaarka aqoonsiga ee loogu talogalay dadka ku jira diiwaan-gelinta dadweyaha ee Iswiidhan.

Booliisku wuxuu baaraa oo ka hortagaa dembiyada. Iyagu waxay xitaa ka shaqeeyaan sidii loo kordhin lahaa ammaanka iyo in laga hortago dembiyada. Haddii laguu geystay dembi waxaad arrintaas wargelin kartaa Booliiska.

Xafiiska adeega arrimaha bulshada wuxuu ku yaallaa degmo walba oo ku taalla Iswiidhan. Iyagu waxay taageero iyo caawimaad siiyaan dadka ku nool degmada ee taas u baahan. Xafiiska adeega arrimaha bulshada shaqadooda waxaa hogaan u ah sharciyo kala duwan, tusaale ahaan sharciga arrimaha bulshada. Sharciga arrimaha bulshada waxaa ku jira qawaaniin ku saabsan tusaale ahaan qofka xaq u leh kaalmo dhaqaale iyo daryeel bulsho.

Haddii ay kugu adagtahay in aad is masruufto ama qoyskaaga waxaad codsan kartaa kaalmo dhaqaale. Akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan xafiiska adeega arrimaha bulshada oo ku qoran degmadaada boggeeda intarnatka.

Shaqada Maamulka Gaadiidka Iswidhan waa ineey jidadka ka dhigaan kuwo la mari karo, in tareenka waqtigiisu uu ku imaanayo iyo in warbixinta gaadiidka eey tahay mid leesku haleen karo. Waxeey kaloo tahay waaxda ka mas’uulka ah imtixaanka baabuur wadida markaad leesinkaada qaadaneeysid.

Waa Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka kuwa bixiya ogolaanshaha leysinka baabuurka. Dhanka hawlaha Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka waxaa xitaa ka mid ah shaqada amaanka taraafikada iyo nidaaminta sharciyada taraafikada.

Hey'adda qaan-ururinta badanaa waxaa loo yaqaan Kronofogden. Hey'adda qaan-ururinta waxeey soo ururisaa deeymanka aan la bixin. Haddii aad qof lacag ku lee dahay, Hey'adda qaan-ururinta ayaa ka caawin karto soo celinta lacagta. Hey'adda qaan-ururinta waxeey kale oo ka shaqeeysaa sifeeynta deeymaha. Taasi mecnaheed waa in Hey'adda qaan-ururinta qofka deeymo weeyn lagu lee yahay ku caawiyo sida uu habeeyn lahaa dhaqaalihiisa.

Hey’adda waxbarashada waxay ka shaqaysaa in ardayda oo dhan ay waxbarasho fiican ku helaan jawi ammaan ah. Hey’adda waxbarashada waxay caawisaa in la fuliyo waxa baarlamaanka iyo dawladdu go’aamiyeen ee ku saabsan iskoolka. Tusaale ahaan Hey’adda waxbarashada waxay diyaarisaa qorshayaasha koorsooyinka iyo maadooyinka kuwaas oo sharaxayaa waxa ay tahay in arday barto.

Kormeerka Iskoolada wuxuu hubiyaa sida iskoolada Iswiidhan u shaqeeyaan iyo inay raacaan sharciyada. Hadafku waa in ardayda oo dhan ay waxbarasho fiican ku helaan jawi ammaan ah. Dadka oo dhan waxay wargelin karaan Kormeerka Iskoolada haddii ay u arkaan in wax si liidata u shaqaynayaan gudaha iskoolka.

Dawladda xarunteeda adeega ayaa mas’uulka ka ah xafiisyada adeega (servicekontoren) ee dhowr hey’ado dawladeed ay ku leeyihiin wada shaqayn.

Shaqaalaha xafiis adeeg (servicekontor) waxay kaa caawin karaan inaad isticmaasho adeegyada elaktarooniga ah, buuxinta foomamka iyo codsiyada isla markaana ku siin karaan warbixin ku saabsan arrimahaaga markaas furan oo daabici karaan shahaado iyo caddaymo kala duwan. Xafiisyo adeeg oo badan (servicekontor) waxa kale oo aad ka heli kartaa warbixin ku saabsan iyo caawimaada in la isticmaalo Xafiiska shaqada adeegyadeeda. Xafiisyo adeeg qaarkood (servicekontor) waxaad ka codsan kartaa oo ka soo qaadan kartaa kaarka aqoonsiga. Dhinaca xafiis adeeg (servicekontor) waxaa ka shaqeeya shaqaale kugu caawin kara dhowr luqadood oo aan ahayn Iswiidhish iyo Ingiriisi.