Karlskrona

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Karlskrona waxeey ku taala bada agteeda ee dhinaca bari-konfureedka Iswiidhan. Magaalada waxeey ku dhisan tahay jasiiradooyin, waxeeyna uu dhawdahay jasiirado yaryar iyo baadiyaha. Degmada waxeey lee dahay xaafado badan oo leh adeeg fiican.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

66709

Cabirla dhulka

3345 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka guud ee Karlskrona lagana arko cirka.

UNESCO ayaa magaalada ku magacaawaday mid taariikhi ah laakin isla markaas Karlskrona waa degmo casri ah oo leh jawi ganacsadeed oo koraayo iyo hey'adda dowloadeed oo badan o shaqo dhiibe ah.

Deegaan

Shirkada guriyaha Karlskronahem waa shirkada guriyaha ee ugu weeyn. Meelo badan oo degmada ka tirsan waaa laga dhisooyaa guriyaal. Xaafad dhan oo cusub, Pttholmen, ayaa bilabi doonaa in la dhiso 2015 ayadoo la qorsheeyay in laga dhiso 440 guri bada agteeda.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

In ka badan 130 dhalasho ayaa joogo Karlskrona. Luuqada ugu weeyn ee degmada waa af carabi, af soomali, afka albaaniyo, afka serbooy-koreeshiya.

Jaaliyado iyo ururu

Karlskrona waxeey taajir ka tahay dhinaca jawiga urureed oo waxeey lee dahay ka badan 300 oo urur. Laga bilaaba ururo isboorti, ururo bulsho, ururo dhaqan iyo ururo diimeed.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega-bulshadeed sidii warbixin-degmada, xafiiska shaqada, xafiiska adeega bulshada, qasnada ceeymiska, maktabad iyo xafiiska canshuuraha waxeey ku yaalaan Karlskrona. Bartamaha waxaa badan ayaa ku soo bandhigan oo dukaamo, carwo iyo maqaayado. Magalaada dibadeeda waxaa ku yaalo suuqaq badan. Sido kale waxaa jiro dhowr dukaamo-gacan-labaad ah oo laga adeegan karo dhar, maacuun iyo alaab guri oo rakhiis ah.

Xarunta gudaha oo ay joogaan dad wax iibsanaya oo qaxwaynaya.

Dalyeelka carruurta

Degmada Karlskrona waxeey lee dahay howl xanaandeed oo dhiisan looguna tala galay caruurta ku jiro da'da 1 ilaa 5 sano. Waxaa jiro dugsi xanaanado ee degmada lee dahay iyo kuwo madax banaan. Sido kale waxaa jiro dugsiyaasha xanaanada maalmeedka.

Laba ah caruurta dugsiga xanaanada kuna ciyaaraya biyo iyo ciid banaanka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Karlskrona waxaa ku taalo 38 dugsi hoose-dhexe oo leh ku dhawaad 7000 oo arday. Sideed ka mid ah dugsiyada waa kuwo madax banaan. Waxaa jiro jiheeyn waxbarasho oo badan oo kala duwan. Sido kale waxaa jiro dugsiyaal sare ee degmada lee dahay iyo kuwo madax banaan.

Furadaha waxbarasho

Dugsi waxbarashada dadka waa weeyn iyo waxbarashada iswiidhiska ee soo galooytiga waxaa laga helaa Waxbarashada dadka waa weeyn ee Karlskrona, halkaasi oo sido kale lagu dhiiba waxbarashada ayadoo la fiirinaayo baahidaada, waxbarashadana lagu dhigan karo si isbad-baddelid leh oo la adeegsanaayo waxbarashada-masaafada ama waxbarasho lagu dhigaayo fasal gudihiis, maalin ama habeen.

Dugsiga dadka waa weeyn Litorina waxuu lee yahay astaan-Bada Öster, taasi oo mecneheed tahay in ardayda wax ka baranaayo sido kale loo dhigaayo waxbarasho ku saabsan dalalka iyo dadka hareero badaÖster.

Jaamacada Farsamada Blekinge, BTH, waxeey ka mid tahay jaamacada Iswiidhian ugu astaan badan, ayadoo xooga la saaraayo elegtroonigada iyo fikrado cusub ee loogu tala galay kobicd jogeeyso.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Waxaa jira ruggo caafimaad oo badan oo ku yaala magaalada ugu muhiimsan, sidoo kalena rugaha caafimadka caruurta iyo caafimaadka hooyoyinka iyo isbitaalka Blekinge. Waa maamulka gobolka Blekinge kuwa maamula daryeelka bukaanka. Talobixinta caafimaadka 1177 waxaad weeydiin karto su'aalo, ka heli karta talo kana heli kartaa warbixin la isku soo aruuriyay oo ku saabsan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka Karlskrona. Waxaad booqan kartaa bogga 1177 ama wici kartaa lamabarka telefoonka 1177.

Caawinaad turjubaan

Waxaad xaq uu lee dahay in aad hesho caawinaad-turjumaan markii aad xariir la yeelaneeyso hey'adda dowlada dhamaantood.

Xiriirka gaadiidka

Haddii aad uu safreeyso ama uu safreeyso Karlskrona waxaad qaadan kartaa tareenka uu socdo Malmö/Köpenhamn ama dhinaca waqooyi oo ku socdo Stockholm ama Göteborg. In Karlskrona uu jirto sadax mayl waxaa ku yaalo madaarka Ronneby oo leh dulimaad tago Madaarka Bromma iyo Arlanda gudaha Stockholm.

Gudaha Karlskrona waxaad ku dhexraceeysaa Gaadiidka-Blekinge. Gaadiidka sii fiican ayuu dhisan yahay, ayadoo la kaashanaayo boggag iyo abyal waa sahlan tahay in la helo jadwalka-socdoka iyo bas saxsan.

Shaqo iyo ganacsi

Karlskrona waxeey lee dahay suuq shaqo oo kala duwan, laga bilaabaa isbitaalo ilaa shirkado caalami ah oo guul gaaray. Shaqo dhiibaha weeyn waxaa ka mid ah tusaale ahaan ABB High Voltage Cables, Dynapac, Roxtec, Degmada Karlskrona, Ericsson, Saab Kockums, Auralight och Maamulka gobolka Blekinge. Hey'adda dowladeed Difaaca-bada, Wasaarada difaaca, Hey'adda degaankana waa shaqo dhiibe weeyn.

Macaamiil ka adeeganaysa shirkadlayda yar yar ee suuqa Torgmarknad kuna yaala Karlskrona.

Qofkii rabo in uu shirkad gaar ah furto, waxaa jirto xarunta-bilaabida-shirkadeed, in kale ka sii akhriso bogga Karlskrona xarunta-bilaabida-shirkadeed.