Stockholms län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Stockholm markii dhul ahaan loo fiiriyo waa gobolka Iswiidhan ugu yar, laakin gobolkaan ayaa ugu dad badan: in dhaafeeyso laba malyoon oo qof.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Stockholms län

Dooro degmada ah Stockholms län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Ayadoo ah gobolka ee magaalo madaxda ku taalo gobolka Stockholm waxaa ku badan jawiga magaaladeed, laakin sido kalena waxeey taajir ka yahay dhulka baadiyaha iyo dabiicada. Ku dhawaad haafka dhulka gobolka waxuu ka kooban yahay jiq iyo dhul beereed. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo jasiirado yaryar oo ka mid ah aduunka meesha ugu yasiirado badan, waxeey lee dahay 30 000 oo jasiirado yaryar.

Xaalada guryaha

Dadka Stockholm dagan sanadyadii ugu danbeeyay si dhaqso badan ayee uu bateen, guri-yarida waa mid xaqiiqo ka ah gobolka degmooyiinkiisa oo dhan. Dhisida guriyaasha waa badatay laakin in ku filan ma noqon, taasi oo mecno noqotay in cariiriga gudaha guriyaasha uu yahay mid gobolka Stockholm uu uga badan yahay gobol kale ee Iswiidhan ku dhexyaalo. Sido kale guri-yarida waxeey keentay in qiimaha-sicirka filooyinka iyo guriyaasha milkiyada ee dhaqso kor ugu kaceen, iyo in safka guriyaasha la kireeysto uu sii dheeraanaayo, waa safka laga galo xafiiska dalaalka guriyaasha degmadeed oo gobolka laga wada lee yahay.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Magaalada Stockholm waa shaqo dhiibaha ugu weeyn ayadoo leh ku dhawaad 55 000 oo shaqaale. Shirkada isgaarsinta Ericsson waa shaqo dhiibaha ugu weeyn ee madaxabanaan, ayadoo leh in ka badan 10 000 oo shaqaale. Saadaaleeynta waxeey muujineeysaa in sanadooyinka soo socdo si weeyn loogu baahnaa doono shaqaale leh waxbarasho dugsi sare ama jaamacadeed halkaasi ee baahido looga qabo shaqaale heeysato lee waxbarasho ka hooseeyso dugsiga sare ee sii yaraaneeyso.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Gobolka Stockholm waxeey taajir ka tahay ururada fikrado xambaarsan oo ka shaqeeyo arimaha qaxootiga iyo isdhexgalka.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Gobolka Stockholm iyo 17 jaamacad oo ku yaalo dartood waxaa loo arkaa in uu yahay gobolka ugu cilmi badan ee calaamka markii laga soo tago mareeykanka. Jaamcadaha Karolinska Institutet, Stockholm universitet iyo Kungliga Tekniska Högskolan waxeey calaamka ku lee yihiin sumcad fiican, darajooyin sare ayee ku lee yihiin liiska-darajeeynta ee calaamka nuucyadiisa kala duwan.

Daryeelka bukaanka

Gobolka Stockholm ayaa mas'uul ka ah dadka gobolka ku nool inay helaan daryeel caafimaad iyo bukaan iyo daryeelka ilkaha ee ay u baahanyihiin. Hawlahan waxay ku baahsanyihiin wax kasta laga bilaabo daryeelka caafimaadka iyo hawsha horumarinta caafimaadka ilaa cilmi-baaris iyo horumarin.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Ayadoo ee magalaada weeyn ee Stockholm ee tahay xarunta gobolka, waxeey taasi keeneeysaa in soo bandhiga dhaqameed ee gudaha Stockholm uu yahay mid aad uu badan oo leh mutxaf, tiyaatar, heeso, ciyaaro iyo masraxyo kale. Taariikhda Iswiidhan ee dhaqdhaqaaqa-dadka iyo ururada oo badan waxeey keeneeysaa in ee jiraan fursado badan ee hoowlo isboorti iyo xilli firaaqadeed. Uu dhwaanshaha dabiicada waxeey ku mecno tahay fursado weeyn ee hoowlaha dibada iyo arigtada dabiicada sanadka oo dhan tusaale ahaan jasiiradooyinka yaryar ee Stockholm oo ka mid ah caalamka meesha ugu jasiraado badan, adyadoo leh meesha 30 000 oo jasiirado yaryar.