Iskoolaad iyo waxbarasho
Jaamcada Linköping (LiU) waxeey ka mid tahay jaamacadaha iswiidhan ugu weeyn. LiU waxaa joogo ku dhawaad 27 000 oo arday, inta ka shaqaaleeysana waa ku dhawaad 3 900. Goobaha jaamacada Linköping waxeey ku yaalin Linköping iyo Norrköping, jaamacada waxeey muhiim uu tahay hormarka gobolka. Jaamacada LiU waxeey ka tirsan tahay jaamacadaha Iswiidhan ee soo bandhigo waxbarashooyinka xirfaha ee ugu badan tusaale ahaan, dhakhtar, macaliimiin, injineero iyo dhaqaalo yahan. Ayadoo jaamacada adeegsaneeyso xariirkeeda ee calaamiyeed, waxaa meesha lagu kala wada hoowlo badan oo ku saabsan arimaha kala badalka ardayda ee dalalka kale.
Gobolka Östergötland waxaanu leenahay bog intarnat oo gaar u ah adigaaga ku cusub Iswiidhan ee degan gobolka Östergötland. Boggan intarnatka wuxuu u shaqaynayaa sidii hagid loogu talogalay adigaaga doonaya inaad ogaato sida bulshada Iswiidhan u shaqayso iyo halka aad la xiriirayso markaad hayso su'aalo.