Uppsala län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gobolka Uppsala waxuu ka mid yahay gobollada ugu koritaanka badan wadanka Iswiidhan oo dhan. Magaala madaxda gobolka waa Uppsala waxaana ku nool 200 000 oo ka mid ah 345 000 oo qofood ee ku nool gobolka oo dhan. dhulka dabiiciga ah wxuu isugu jiraa qeybo kala duwan waxaana ku yaal keymo waaweyn, jaziiradooyin. Gobolka waxaa ku yaal ilaa 250 balliyo dhul jaziiradeedkana waxaa ku yaal 11 300 oo jaziirado. Gobolka Uppsala waxuu ka mid yahay mid gobollada ganacsiga ee gobolka Stockholm, magaalada Stockholm bartameedana waxuu tareenka kugu geynayaa 40 daqiiqo.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Uppsala län

Dooro degmada ah Uppsala län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Uppsala waa gobol la jecelyahay in la dego waana gobol marka kasta sii kobcaya. Waa gobol xoogaa yar waxaa ka jira xiir wanaagsan oo dhinacyada gaadiidka dadweynaha ah waxeeyna u dhowdahay meelo badan oo istaraatiiji ah. Waxaa gobolka ka jirta guryo la'aan, laakiin waxaa meelo badan oo gobolka ka mid ah laga dhisaa guryo badan. In la haqabtiro baahida dhinaca guryaha ah waa arrin eey xooga saarayaan degmooyinka uu gobolka ka koobanyahay.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn gobolkan waa degmooyinka, jaamicada Uppsala, jaamicada beeraha ee Uppsala iyo gobolka. Wasaarada gaashaandhiga iyo adeeg bixiyaha warshada Sandvik Coromant AB kuna taala Gimo iyaguna waa shaqo-bixiyayaasha kale ee waaweyn. Waxaa kale oo jira shirkado badan oo yar oo sii balaaranaya, gaar ahaan dhinaca qaybta adeeg bixinita.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Gobolka waxaa ka jira jaaliyado badan sida jaaliyadaha dhaqanka, kuwa isboortiska, kuwa qowmiyadaha kala duwan, ururo diimeedyo iyo hey'adaha gargaarka iyo kuwa kaloo badan. Maamulka gobolka waxuu bilaabay mashruuc kor loogu qaadayo muhiimada eey leedahay shaqooyinka iskaa wax u qabso ah marka laga hadlaayo dadka qaxootiga ah iyo sideey ula qabsan lahaayeen bulshada, waxaana la rabaa iskaashato badan oo ka mid ah jaaliyadaha ineey wax ka geystaan howlaha guud sida laama iyo shaqooyinka dowladda iyo is dhexgalka bulshada. Natiijada kasoo bixi karto ayaa ah in dadka soo galootiga ah eey daremaan in wadankooda cusub lagu soo dhaweeynayo iyo ineey xiriir cusub la sameeyaan qeybo ka mid ah bulshada.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Uppsala waa magaalo jaamacadeed leh dhaqamo badan waxaana magaalada ku yaal labo ka mid ah jaamacadaha ugu fiican wadanka oo dhan waxaana la dhahaa Uppsala universitet iyo Sveriges lantbruksuniversitet. Jaamacadaha waxeey leeyihiin qeybo waxbarasho iyo qeybo baaritaanada kala duwan luga sameeyo oo heer caalami ah leh. Waxaa kaloo ku yaal machado farsamada lagu barto sida iskoolka waxbarasha farsamada ee Enköping.

Daryeelka bukaanka

Gobolka ayaa mas'uul ka ah daryeelka bukaanka ee gobolka. Degmada Uppsala waxaa ku yaala isbitaal jaamicadeedka Akademiska, mid ka mid ah isbitaalada ugu weyn Iswiidhan iyo degmada Enköping oo isbitaal ku yaalo. Intaas marka laga yimaado waxaa jira 51 ruggo caafimaad oo u qaybsan gobolka oo dhan. Xitaa daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha waxaa mas'uul ka ah gobolka.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Uppsala waxeey leedahay nolol dhaqameed aad qani u ah, waxeeyna isugu jiraan tiyaatarro, matxafyo, riwaayad iyo munaasabadooyin kala duwan. Degmo kasta waxeey leedahay nolol jaaliyadeed wanaagsan iyo howlo firfircooni oo xiili firaaqaha loogu tala galay. Degmooyinka waxey kaloo leeyihiin goobo hawa baxsiga loogu tala galay. Waxaana jira meelo badan oo dalxiis iyo tamashleyn loo aado sida meela jaziiradaha.