Gotland

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gotland waa Jasiiradda dalka Iswiidan ugu wayn, waxaana qiyaastii ku nool 57 000 qof.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

59249

Cabirla dhulka

3134 kiilomitir oo laba jibaaran

Doonyo laga arko xaga hore ee dekanda Visby oo dhismayaasha Visby laga arko xaga dambe.

Jasiiradda Gotland waxyaallo badan ayay dadka ku soo dhoweeysa, sida bay'ad waxbarashada ilmaha u roon iyo dhaqdhaqaaqyada dhaqamada iyo wakhtilummiska oo ballaaran. Qofka Jasiiradda Gotland ku sugan kama foga magaallo iyo miyi. Jasiiradda waxay leedahay abuur cajiib ah. Jasiiradda waxay leedahay gaadid lagu tago loogana yimaado. Jasiiradda Gotland waa goob dalxiiseyaasha aad u xiiseeyaan, waxaana sannad kasta booqda boqaalalo kun oo qof. Ku soo-dhowoow u soo guur jasiiradda!

Deegaan

Jasiiradda Gotland waxaa laga hela hoy kala nooc ah, ha ahaadeen kuwan miyiga ku yaalaan iyo kuwa ku yaalaan degmada gobolka ugu wayn oo ah degmada Visby.

Maadaama Jasiiradda Gotland ay tahay jasiirad booqasheyaasha ay xilliga kuleelaha aad u jecel yihiin in ay booqdaan, waxay milkiyeyaasha rayidka ah guryahooda muddo dheeer kireeyaan xilliyada dayrta, qaboobaha iyo toddobaadyo xilliyada kuleelaha.

Dad badan ayaa doonaayo in ay degaan degmada Visby. Fursad lagu helo hoy la degi karo sannadka oo idil aya Visby laga hela, waa haddii la barbardhigo degmooyinka kale.

Dadka la siiyay ruqsadda degenaanshada oo lagu meeleeyay Jasiiradda Gotland, waxay caawinaad hoyga helida ka helayaan Dowladda hoose ee Gobolka Gotland. Warbixin ku saabsan hoyga dadka dhowaan dalka yimi.

Aqal-kireysashada

Shirkadda guryaha ee Dowladda hoose GotlandsHem, waxay guryo la kireysto ku leeyihiin degmooyinka Jasiiradda Gotland. Qofku wuxuu iska diiwan gelin karaa safka guryaha ee shirkadda u gaarka ah.

Waxaa la hela milkiyeyaasha hantida ma guurtada oo guryaha laga kireysto. Jasiiradda Gotland waxaa ku yaallo xafiis arrimahaas lagala xiriiro Inflyttarbyrå, kaasoo laga heli liis ku qoran magacyada milkiyeyaasha.

Iibsashada guryaha

Haddii aad doonayso inaad guri iibsato, la xiriir shirkad dulaal ah. Warbixin ku saabsan dulaalyaasha waxaa laga hela bogga internetka Inflyttarbyrå ama Hemnet.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Jasiiradda waxaa ku nool, dad ku hadla luqooyin kala duwan. Tusaaale af-carabi, af-bersi, af-dari iyo af-tigrigna.

Dadka Jasiiradda Gotland ku nool qiyaastii boqolkiiba 6 % waxay ka yimadeen dalal kale. Dadka dalka Iswiidan ku nool qiyaastii boqolkiiba 17 % waxay ka yimadeen dalal kale.

Jaaliyado iyo ururu

Jasiiradda Gotland waa gobolka ugu urur badan dalka Iswiidan. Waxaa ka hawlgala ururro tiradooda ah 900 kuwaasoo ka hawlgala degmooyinka jasiiradda. Ururrada waxay noqon karaan sida tusaale kuwa isboortiga, dhaqamada, siyaasadaha, diimaha, carruurta, dhallinyarada iyo hawlgabyada. Ururrada waxay leeyihiin dhaqdhaqaaqa, waxayna wadajir u dhisaan waxyaalaha ay xiiseeyaan oona suurageliyaan fursad ka qaybgelid.

Ururrada isboortiga waxay ka hawlgalaan laga bilaabo waqooyiga jasiiiradda ilaa konfurta jasiiradda. Waxay leeyihiin goobo iyaga u gaar ah, taasoo qof kasta u suuragelinayso in uu isboortiga ka faa'iidaysto halka u degan yahay. Ururrada isboortiga waxay kaloo ka hawlgalaan arrimaha isdhexgalka bulshada, iyo dhaqan geliyaan goobaha kulamada loogu talagalay da' kasta. Jasiiradda Gotland waxay leedahay abuur bilicsan, waxay leedahay waddooyin lagu lugabaxsado iyo goobo kale oo indhaha u roon. Jasiiradda Gotland isuhayn keli ah u sabab ah halka u ku taallo. Ururrada firfircoon ee jasiiradda waxaa laga hela aqoonsi iyo kaqaybgelid. Bogga internetka ee Dowladda hoose Gotland waxaa laga hela liiska dhammaan ururrada jasiiradda.

Maxaa ka ag dhaw

Caawinaad loogu talagalay dadka dhowaan dalka yimi

Waaxda arrimaha isdhexgalka bulshada ee Dowladda hoose Gotland, waxaa xilsaaran in dadka dhowaan dalka yimi oo la siiyay degenaanshada, fursado ay kula qabsadaan bulshada gobolka Gotland. Waaxda arrimaha isdhexgalka bulshada waxaa kaloo xilsaaran jihaynta bulshada. Waaxda arrimaha isdhexgalka bulshada waxaa kaloo laga hela taageero - iyo adeegyo kuwaasoo laga helo [Medborgarplatsen]. Goobta muwaatinyiinta waxaa loogu talagalay dadka dhowaan dalka yimi, oo ku hadla luqad aan ahayn af-iswiidish, waxay waydiin karaan su'aallo wax ku ool ah. Goobta muwaatinyiinta waxaa laga hela degmada Visby. Maalmaha qaarkood Waaxda arrimaha isdhexgalka bulshada waxay ka hawlgasha degmooyinka Fårösund iyo Hemse.

Dukaamada

Dukaamada ugu badan waxay ku yaalaan degmada Visby. Waxaa ku yaallo kuwa raashinka, dharka, elektroonikada iyo waxyaalaha dugga iibiya. Tiro badan oo iyaga kamid ah waxay iibiyaan raashin laga keenay dalal kale. Goobaha miyiga ee ugu waawayn waa Hemse, Roma iyo Slite. Xitaa iyaga waxaa ku yaalaan dukaamo tiro badan, sida kuwa raashinka laga iibsado. Degmooyinka miyiga ku yaallo oo aan sidaas u waynayn waxay xitaa iyaga leeyihiin dukaamo raashinka ka ganacsado.

Dhaqamada, goobaha wakhtilummiska iyo goobaha kulamada

Jasiiradda Gotland waxaa laga hela Ururrada taclinta dadka waawayn oo tiro badan, halkaas ayaa ka aqoon-korarsan karta. Waxaa xitaa laga hela akaaladaha dhaqamada waxaa kamid ah, sida fanka [Gotlandsmusiken], teater [Länsteatern] iyo madxaf [Länsmuseet], kuwaaso sare u qaado tayada dhaqamada. Jasiiradda Gotland waxaa laga hela fursado oo tiro badan, sida heesaha, qoobkaciyaar, muusiik, iyo teaater dhammaan oo lacag la'aan, soo-saareyaasha dhaqdhaqaaqa dhaqamada iyo ururrada dhaqamada.

Maktabadaha waxaa lacag la'aan lagaa aamahan kara buugag, ku aqrisan karta wargeysyada, ku isticmaali karta kombyuutarrada yaalan, makhaayadaha luqadaha, sheekoxariir luqado kala duwan oo carruurta loogu talagalay, buugag ku qoran af-iswiidish fudud iyo sheekooyinka luqadaha. Maktabadaha waxay qabanqaabiyaan dhacdooyin tiro badan, halkaas aad kula kulmi karto dad badan. Degmooyin badan oo jasiiradda ku yaalaan ayaa maktabadaha laga hela.

Xarumaha dhallinyada waa goobo dhallinyarada ay ku kulmaan oo muhim ah. Waxaa xarumaha laga hela dhaqdhaqaaqyo lacag la' aan ah oo loo yaqaanno dhallinyarada da'dooda u dhaxayso 13 ilaa 19 sano. Jasiiradda Gotland waxaa ku yaalaan goobaha lagu dabaasho, jimicsado iyo tababarka dabaasha oo tiro badan.

Dhalinyaro joogta maqaaxi oo ka sheekaysanaysa bulshada Iswiidhishka.

Degmooyin badan waxaa ka hawlgala ururrada istikhyariga ah. waxayna leeyihiin goobo lagu kulmo oo kala duwan. Sida tusaale goobaha kulanka ee Lanqayrta cas "Kupan" oo ku yaalaan degmooyin badan.

Dalyeelka carruurta

Carruurta markii ay 1 sano buuxsadaan ayay bilaabi karaan dugsiyada xannaanadda. Saldhigga dhaqdhaqaaqa waxaa weeyaan, in dhamaan carruurta ay helaan waxbarasho cimriga dheer, taasoo la doonaayo in ay noqoto wax laga helo, ammaan leh, aqoonkorarasho. Dhammaan degmooyinka jasiiradda Gotland waxaa ku yaalaan dugsiyada xannaanadda. Ilmaha waxaa boos joogto ah dugsiyada xannaanadda laga siiyaa haddii haddii ay haystan ruqsadda degenaanshada. Caruurta magangelyo-doneyaasha ah waxay laga bilaabo 1 setembar ilaa 31 maajo, xaq ku leeyihiin in lacag la' aan dugsiyada xannaanadda lagu xannaanadeeyo 15 saacadood toddobaadkii. Xaq u yeelanshada dugsiyada xannaanadda wuxuu hirgala laga bilaabo xillida dayrta oo u cunugga buuxsado saddex sano ilaa u ka buuxsado 5 sano.

Dugsiyada xannaanadda ee albaabada u furan

Dhaqdhaqaaqyada dugsiyada xannaanadda ee shicibka waxay ku salaysan yihiin waxbarid. Waxaana booqan kara carruurta da'dooda u dhaxayso 0-6 sano, oo waalidiintooda gurjoog ah. Dhaqdhaqaaqa waxaa loo maamula hadba baahida carruurta iyo dadka waawayn. Booqasheyaasha ayaa iskaleh go'aanka saacadaha iyo inta jeer ee ay doonayaan in ay booqdaan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Jasiiradda Gotland waxaa laga hela bay'ad waxbarashadeed oo heer sare ah, iyo fursad warbasho cimri dheer, taasoo ku salaysan in qof kasta la siiyo fursad u ugu guulaysto waxbarashadiisa.

Dugsiyada hoose

Dhammaan carruurta dalka Iswiidan ku nool, waxay xaq u leeyihiin in ay dugsi dhigtaan. Ilmaha waxaa boos laga siiya dugsiga gurigiisa ugu dhow. Tirada dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ee Jasiiradda Gotland ku yaalaan waa 35, waxay ku kala yaalaan degmooyinka jasiiradda. 30 iyaga kamid ah waxaa maamula Dowladda hoose ee Gobolka Gotland, shanta kalena hab gaar ah ayaa loo maamula. Qaar dugsiyada biloowga/hoose/dhexe waxay leeyihiin fasallo caalami ah. Ardayda waxaa af-iswiidish ka sokoow loo dhiga maaddooyinka kale.

Dugsiyada sare

Degmada Visby waxaa ku yaallo dugsiyada sare, skolan Wisbysgymnasiet iyo dugsiga sare Guteskolan oo ah dugsi madaxbannaan. Dadka dhowaan dalka yimi iyo ardayda magangelyo-doneyaasha waxaa dugsi sare laga siiyaa gogoldhigga luqada, xitaa loo yaqaanno SPRINT. SPRINT waa waxbarashada ahmiyad gaar la siiyo af-iswiidishka. SPRINT wuxuu kaloo ka kooban yahay maadooyinka lagu dhigo dugsiyada biloowga/hoose/dhexe iyo dugsiyada sare. Kuwaasoo ardayda u baahan yihiin in ay bartaan sidii ay ugu qalmaan dhigashada barnaamij qarmeedka dugsiga sare. Warbixin ku saabsan dugsiyada sare.

Furadaha waxbarasho

Jasiiradda Gotland waxaa laga hela fursado badan oo wax lagu barto. Qofka rabo in uu dalka Iswiidan wax ku barto waa in uu haysta ruqsadda degenaanshada.

Kulliyadaha shicibka iyo waxbarashada dadka waawayn

Kulliyadaha shicibka iyo waxbarashada dadka waawayn ee Dowladda hoose, waxaa la hela iyagoo ah heer dugsiyada biloowga/hoose/dhexe iyo dugsi sare iyo koorsooyin ku jihaysan xirfad gaar ah.

Waxbarashada heer jaamacad

Jasiiradda Gotland waxaa ku taallo hal jaamacad, Uppsala Jaamacad Campus Jasiiradda Gotland. Jaamacadda waxay leedahay koorsooyin iyo waxbarasho badan oo kala duwan, sida baayoloji, dhaqaalaha iyo barnamijyeenta kombyuutarada. Warbixin waxbarashada ku saabsan kala xiriir jaamacadda.

Wadada gaaban

Wadada gaaban Korta vägen Visby waa waxbarasho ku salaysan iskudiyaarinta suuqa shaqada, oo loogu talagalay jaamiciyiinta ka yimi dal shisheeye ah oo degan Jasiiradda Gotland. Waxbarashada waxaa laga hela jaamacadda Stockholm.

Barashada luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay

Dadka waawayn oo la siiyay ruqsadda degenaanshada, iyo oo ka diiwan gashan Jasiiradda Gotland waxay dhigan karaan barashada luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (SFI) oo Dowladda hoose Gobolka Gotland qabanqaabiso.

Caafimaadka

Jasiiradda Gotland waxaa laga hela xarumaha daryeel-caafimaadeedka oo tiro badan. Haddii aad talo iyo daryeel u baahan tahay, waa inaad marka hore la xiriirta xarumaha daryeel-caafimaadeedka. Haddii loo baahdo waxay takhtarada xarumaha daryeel-caafimaadeedka ku gudbinayaan isbitaalada.

Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ilkaha dhawr meelood ayay Jasiiradda Gotland kaga yaalaan.

Visby waxaa ku yaallo isbitaal casri ah, oo ka hawlgalaan shaqaale leh karti-xirfadeed kala duwan.

Talo iyo daryeel iyo warbixin ku saabsan halka rugta daryeel-caafimaadeedka kugu dhow ay ku taalo, waxaad ka heleysa www.1177.se/gotland ama khadka taleefanka 1177. Haddii ay jirto xaaalad degdeg ah ama nafta halis u ah wac lambarka gurmadka 112.

Caawinaad turjubaan

Haddii aadan fahmayn ama aadan ku hadli karin af-iswiidish, waxaad xaq u leedahay turjubaan markii xiriir la yeelanayso hay' adaha. Markii aad ballan qabsanayso, sida rugta daryeel-caafimaadeedka waa inaad u sheegta, in aad qof turjubaan u baahan tahay.

Qofka turjubaanka ah waa qof kala turjuma laba luqadood. Turjubaanka wuxuu tixgeliya sirta xirfadda. Taasoo macneheeda ah in uu qof kale ugu sheekayn karin warbixin adiga ku saabsan, waa haddii oggolaansho aan laga haysan. Xubnaha qoyska iyo saaxiibada wax turjumma ma khuseeyo waajibka xajinta sirta xirfadda.

Xiriirka gaadiidka

Jasiiradda waxaa lagu tegi kara dayuurad iyo doon wayn. Waxaa laga hela gaadiidka doomaha ee isku xira degmada Visby iyo degmana Nynäshamn, iyo degmada Visby iyo degmada Oskarshamn, kuwaasoo mar kasta shaqeeya. Tan kale, waxaa xilliga kuleelaha jira gaadiidka maraakiib oo isku xira degmada Visby iyo degmada Västervik. Dhirirka socdaalka gaadiidka doomaha ee lagu tagu Jasiiradda Gotland waxaa weeyaan qiyaasti, saddex saacadood. Taasoo dadwaynha Jasiiradda Gotland ku nool, u suuragelinayso in ay booqdaan goobaha aan jasiirada ku oolin.

Garoonka dayuuradaha wuxuu ku yaalla dibada magaalada Visby. Dayuuradaha halkaas ka duula, waxay toos u duulaan magaalooyinka Stockholm, Malmö iyo Göteborg. Duulimaadyada waxaa la hela 12 bilood ee sannadka. Dayuuradaha waxay magaalada Stockolm u duulaan qiyaasti 40 daqiiqo.

Gaadiidyada Jasiiradda Gotland laga helo waa kuwa guud, baabuur ama taxi. Gaadiidyada guud waxay ka hawlgalaan goobaha jasiiradda badidooda.

Shaqo iyo ganacsi

Shirkadaha ka hawlgala Jasiiradda Gotland way da´ wayn yihiin, waxayna hab jooto ah hindisaan oona horumariyaan fikrado ganacsiyeed oo kala duwan, kuwaasoo ku salaysan lamo ganacsiyeed tiro badan oo kala duwan. Shirkadaha yaryar ee Jasiiradda ka hawlgala way badan yihiin, qiyaastii tobbankii shirkado sagaal iyaga kamid ah waa kuwa yaryar, oo tirada shaqaalahooda aan shan ka badnayn.

Kuwa laamaha beeraha, warshadaha dhegxaanta iyo warshadaha raashinka soo saaara, ayaa kamid ah kuwa tan iyo sannooyin badan ugu muhimsan Jasiiradda Gotland. Soo-saareyaasha raashinka ee Jasiiradda Gotland, waxay sancaynta darteed adeegsadaan badeecadaha degmada. Tayada badeecadaha ay soo saaraan waa heer sare.

Dhinaca korniinka adeegyada waxaa ugu muhimsan ganacsiga booqasheyaasha. Tirada booqasheyaasha oo aad u badan, waxay dhalisay helida bosas shaqo oo tiro badan, kuwa xilliyada kuleelaha iyo korniinka shirkadaha dalxiisyada ka ganacsada.

Shaqo raadsasho

Xafiiska Shaqada ayuu xilsaaran yahay maaraynta suuqa shaqada guud. Mas'uuliyadda Xafiiska Shaqada waxaa kamid ah, iskudabaridida sidii qaar dadka dhowaan dalka yimi ay saldhig ugu yeelan lahaayeen suuqa shaqada. Xafiiska Shaqada wuxuu xafiis ku leeyahay degmada Visby.

Hirgelinta shikadaha gaar ahaanta loo leeyahay

Ma u baahan tahay in laga caawinno horumarinta fikradda aad ku doonayso inaad shirkad dhisato? Dowladda hoose Jasiiradda Gotland waxay shirkadda [Almi Företagsspartner] xilsaartay, in ay taageero siiso dadka ku talo jiro in ay shirkad cusub dhistaan.

Sal u yeelida shirkadaha

Shirkad miyaad leedahay, taasoo doonayso inaad saldhig ugu yeesho Jasiiradda Gotland? Shirkadda Dowladda hoose ee Gobolka Gotland [Inspiration Gotland], waxaa laga hela adeegyada lagu hago shirkadaha doonaayo in ay saldhig jasiiradda ku yeeshaan.

Shabakadaha shirkadaha

Jasiiradda Gotland waxaa ka hawl gala ururrada shirkadaha iyo shaqbakadaha shirkadaha oo tiro badan. Kuwaasoo laga helo fursad lagu yeesho xiriir cusub iyo aqoon iswaydarsi.