Hylte

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Waa xasillooni weyn in lagu noolaado meel dadku ay is garanayaan, halkaasoo xiisahaaga uu farqi sameynayo llabadana shaqada iyo fasaxa. Xawaaraha degmada Hylte waa yara deggan yahay, waa fududahay in la dareemo caafimad laguna qanco. Waxaan u maleyneynaa nolol firfircoon ooo bulsho una dhow adeeg iyo dabeecada waxey abuureysaa dareen wanaagsan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

10915

Cabirla dhulka

1047 kiilomitir oo laba jibaaran

Baadiya waxaa ku badan keynta,biyaha iyo tuulooyin yaryar iyo reer baadiyaha. Magaalada weyn Hyltebruk waxaa la aasaasay sanadkii 1909 ku dhowaadka isticmaalka waraaqaha ee xeebta Nissans. Degmada Hylte maanta waa shaqo bixiyaha ugu weyn ee degmada, shaqaalahana gaaraya ku dhowaad 900.

Deegaan

Degmada Hylte waxaa ka jiro dhowr nuuc oo degaan ah oo lakala dooran karo, labadaba baadiyaha iyo xaafadaha degmada.

Degmada ayaa ma lahan guryo ay kireyso, lakiin waxaa jira dhowr shirkado guryo kuwaasoo bixya guryo kiro ah ee degmada Hylte. Midda ugu weyn waa guryaha Hylteiyo haddii aad rabto faahfaahin dheeri ah, aragto nooca guryaha jira ee banaan ama aad istaagto sax waxad ka sameyn kartaa arintaas bogga Guryaha Hylte.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa ku nool dad meelo kala duwan kasoo kala jeeda, iyo kooxo luqadeed kala duwan ayaa ku matala.

Kuwa ku hadla guriga luqad kale aan iswiidhishka aheyn waxey heli karaan baridda luqadooda hooyo. Maanta waxaa jira baridda luqada hooyo ee poolisk, jarmalka, holandeeska, fiitnaamees, albeenish, af-soomaali iyo carabi.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Hylte waxaa jira fursada nolosha fasax oo qani ah ee reerka oo dhan. Sanadkoo dhan waxey dhigaan dadka degmada ee xiiseeya kumanaan saacado iskaa wax u qabsa ah howlo badan labadaba carruurta iyo dhalinyarada iyo weliba dadka waaweyn. Xiiseeyntooda dartood ayey degmada ku faani kartaa in ka badan 130 urur.

Kuwo badanoo ah ururuda degmada waxey maamulaan howl ku jeeda dadka ku cusub Iswiidhan.

Eeg diiwaanka ururka ee degmada si aad u hesho ururo kala duwan.

Maxaa ka ag dhaw

IHylte bruk waa xaafada ugu weyn eedegmada oo leh kaalmooyin kala duwan iyo ururo. Halkaan waxaa xitaa ka jira xitaa "wado soo gelid" kaasoo ah wadashaqeyn isdhexgel oo u dhaxeysa dowlada dhexdeeda meeshaasoo aad ka heli kartid caawinaad isla markaasna aad la kulmi karto dad metela xafiiska shaqada, xafiiska kaalmada, degmada Hylte, Mahsruuca isdhex-galka ee Hylte.

Bogga degmada waxaad ka akhrin kartaa wax badanoo ku saabsan dhaqanka iyo fasaxa iyo meesha aad ka heleyso maktabada, garoonka ciyaaraha, iyo howlo badanoo kala oo ku saabsan fasaxa-iyo howlaha dhaqanka.

Dalyeelka carruurta

Degmada Hylte waxey leedahay 13 daagis degmo, xanaano waxbarasho iyo xanaano gaar loo leeyahay. Howsha xanaanada waxey kulmineysaa carruurta da'adooda ay tahay 1-5 sano. Xanaanooyinka degmadeena waxey siisaa boos saf meel qura laga maamulo.

Xanaanada furan ee Hyltebruk waa meel lagu kulmo meeshaasoo aad aad tegi karto adiga ilmahaaga ee da'ada ah 0-5 sano si ugu baashaalaan, ciyaaraan, iyo dad kalena ay bartaa. Xanaanada furan waxey hanti u tahay carruurta iyo waalidka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Hylte waxey ku heysataa iskuulo aasaasi ah Hyltebruk, Kinnared, Rydöbruk, Torup, Landeryd iyo Unnaryd.

Ilamaha wadanka ku cusub (6-16 jir) oo dhiganaya iskuulka aasaasiga waxaa geeyaa markii lagu qoro ka dib fasal qaabilaad ah. Halkaasoo ay ka dhaceyso qiimeynta arday kasta si loo helo waxa uu ku fiican yahay ardayga iyo meelaha uu ka horimari karo. Islamarkaas waxa uu helayaa ilmaha fasal diyaarin ah oo maadooyinka kala duwan ah.

Ilmaha u dhaxeeya 12 iyo 20 sano waxa jiro barnaamijka hordhaca. Waxey ka hadleysaa u diyaarinta waxbaraho dugsi sare oo kale ama suuqa shaqada. Inta kale waxa jira iskuulo dugsi sare ah oo ku yaala Halmstad iyo Gislaved.

Furadaha waxbarasho

Degmada waxey ku siineysaa dhowr nuuc oo kala duwan oo waxbarashada dadka waaweyn ah. Waxbarashada dadka waaweyn waxaa loogu tala galay adiga u baahan inaad dhameystirto ama akhriso maadooyin kale ama koorsooyin heera kale ah.

SFI (Iswiidhishka ajnabiga) wuxuu ku jiraa waxbarashada dadka waaweyn , waxaana loogu tala galay adiga raba inaad barato Iswiidhishka.

Caafimaadka

Gobolka Halland waxa uu ka mas'uul yahay daryeelka bukaanka. Waxaa jira rugta caafimaadka ee xaafada ee Hyltebruk iyo Torup.

Daryeelka ilkaha wuxuu ku yaalaa Hyltebruk. Degmada waxaa ku yaala xitaa dhaqtar ilko oo gaara.

Caawinaad turjubaan

Fursada ah in la helo ayaa jirta tarjumaan markasta oo lala xiriirayo xafiis dowaladeed.

Xiriirka gaadiidka

Waa gaadiidka Halland midka ka mas'uulka ah gaadiidka guud oo dhan ee degmada Hylte.

Shaqo iyo ganacsi

Shirkado badan waxey ku dhisan yihiin faaiido. Waxaad ka heleysaa ayaga booga degmada ee diiwaan gelinta ganacsiga. Xafiiska ganacsiga ee degmada waxaad ka heli kartaa taageero iyo talo.