Kungsbacka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Dadka usoo guurayo degmada Kungsbacka aad bey usoo badanayaan. Kungsbacka waxeey kamid tahay degmooyinka aadka usoo kobcaya ee iwiidhan. Masaafada eey ujirto Göteborg oon badneyn iyo jaanisyo shaqo iyo waxbarasho ayaa keentay ineey dad badan oo qoxooti ah u arkaan degmo ufududeeyneysa ineey gaaran hammigooda nololeed.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

83805

Cabirla dhulka

1473 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Dariskaadu waa kuwo isugu jira iswiidhish iyo qaxooti. Xerada qaxootiga ee degmada Kungsbacka waxey ku dadaashaa ka hortagga midibtakoorka dhinaca degmooyinka ah. Wada shaqeyn eey degmada la leedahay laba shirkado ee ugu weyn dhinaca guryaha Eksta iyo Aranäs, ayaa waxeey sababtay in qaxootigu uu degi karo meesha uu ka rabo degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Carruurta aan luqaddooda hooyo aheyn iswiidhish waxeey xaq u leeyihiin ineey bartaan luqadooda.

Degmadu waxeey maaddeda afka hooyo ku bixisaa luqadaha kala ah carabi, boosniyaan, seerbiyaan, kurweeshiyaan, ingiriis, fiinlaandees, faransiis, af-giriig, af-talyaani, shiinees, af-holandees, iiraani, boolish, burtuqiis, af-ruush, ibaanish, teeylaandees, af-jarmal, roomaaniyaan, luqadda dhagoolayaasha ee farah laga hadlo.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Kungsbacka waxeey leedahay nolol jaaliyadeed aad u firfircoon. Degmadu waxeey leedahay illaa 200 oo jaaliyadood.

Maxaa ka ag dhaw

Degmadu waxeey leedahay adeega guud ee bulshada oo dhan, xafiisyada dowladda iyo meelaha kale ee dadka qaxootiga ah u baahanyihiin waxeey ku yaallaan meelo isku wada dhow, hilitaankooduna aan dhib badneyn.

Degmada Kungsbacka waxeey kamid meelaha ganacsiga ah ee ugu qadiimsan galbeedka iswiidhan. Rugta ganacsiga Freeport waxaa ku yaal ilaa 50 dukaamood. Meesha la dhaho Kungsmässan oo iyadana leh ilaa 90 dukaamood. Senterka ama bartamaha degmada Kungsbacka suuq bishii hal mar la furo, dukaamo gacan labaad iyo dukaamada ku caan baxay qiimo jabnaanta. Magaalada Göteborg waxaa ku yaalla dukaamo kuwa cuntada ah, hayana badeecado ka kala timid dunida dacalladeeda.

Ganacsiga suuqa ku yaala Kungsbacka suuqeeda maalin caadi ah.  Laba haweenay waayeel ah oo daawanaya ubaxyo yaala mid ka mid ah miisaska.

Dalyeelka carruurta

Kungsbacka waxeey kuu heeysaa dugsiyada xanaannada carruurta oo nuucyo badan leh, waxaana ka shaqeeya shaqaalo u carboon shaqadooda kuwaasoo ka caawiya carruurta waxyaabaha eey ubaahanyihiin oo dhan si uu asaaskooda waxbarashadeed u dhismo. Waxkasta ayaan u sameyneynaa carruurtaada si eey u dareemaan in la qadarinaayo iyo in la siinayo dhiirra galinta iyo kalsoonida eey u baahanyihiin.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Ardayda eey da'doodu ka yartahay 16 sano waxaa la geeynayaa dugsiyadeenna hoosedhexe. Dhalinyarada da'doodu tahay 16 ilaa 19 sano waxaa la siinayaa fursado eey ku gallaan dugsiyada sare ee iswiidhishka. Iskoollada degmada waxeey leeyihiin tayo fiican waxeeyna siinayaan arday kasta caawiska uu u baahanyahay.

Ardayda ku hadasha luqado kale waxeey xaq u leeyihiin maaddada afka hooyo. Ardayda waxeey xataa xaq u leeyihiin in maaddooyinka qaar loogu fasiro af soomaali, macalin ka caawiyana eey helaan.

Furadaha waxbarasho

Dadka waaweyn waxeey xaq uleeyihiin waxbarasho dadka waaweyn loogu tala galay sfi-utbildning. Haddii aad dalkaada wax kusoo baratay waa laguu qiimeynaa waxbarashadaada. Haddii aadan wax hore usoo baranna waxaa lagu siinaa jaanis aad wax ku baratid. Waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo qabanqaabiyo waxbarashada waxeeyna ku xirantahay da'da uu qofku jiro haddii uu yahay ilmo ama qof weyn.

Qof kasta waxaa loo dajinayaa qorsho waxbarasho oo asaga khaas u ah si uu u gaaro hadafkiisa. Waa inaad fahmi kartaa kuna hadli kartaa luqadda iswiidhishka markaad joogtid iskoolka ama shaqada. Waxaa lagu baraa sida wadanka uu u shaqeeyo iyo waxyaabaha aad u leedahay xaqqa iyo waajibaadka ku saaran. Waxaad la kulmeeysaa dad shaqaaalaha wadanka ka mid ah.

Caafimaadka

Waxaan kaa caawineynaa qeybaha caafimaadka oo dhan si uu caafimaadkaada u wanaagsanaado. Rugta caafimaadka ee Kungsbacka vårdcentral Waxeey dadka qaxootiga siineysaa fursado baaritaan caafimaad ah, haddii aad cudur qabtidna waxeey kuu dirayaan dhakhaatiir ku takhasustay waxa aad qabtid.

Caawinaad turjubaan

Turjubaan ayaad xaq u leedahay markaad la xiriireysid xafiisyada dowladda.

Xiriirka gaadiidka

Rubi saac kasta waxaa baxa tareen aada Göteborg, safarkiisuna waxuu qaadanayaa 25 daqiiqo. Tareenka Fjättågen ayaa asna nu saac kasta ka baxa degmada Kungsbacka. Bogga interbetka ee Västtrafiks hemsida ayaad waxaa ka heleysaa jadwalka wakhtiyada iyo qiimaha safarrada kala duwan.

Shaqo iyo ganacsi

Degmadeennu waxeey leedahay shirkado gaaraya ilaa 7611 waxuuna kamid yahay degmooyinka aadka u kobcaya ee nawaaxiga Göteborg.