Sandviken

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Sandviken waxey hodan kutahay hawlaha firfircoonida ee guriga dibaddiisa iyo nolol dhaqameedyada kala duwan. Waxaa intaas usii dheer guryahaya iyo nolosha kale oo eey qiimahooda aad ujabanyihiin. Sandvik AB oo ah urur shirkadeed caalami ah, qaabilsanna dhinaca garaashyada ayaa kamid ah meelaha eey degmada caanka ku tahay.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

39262

Cabirla dhulka

1297 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Shirakadda ugu weeyn ee guryaha waa midda degmada eey leedahay magaceeduna yahay Sandvikenhus. Haddii aad rabtid inaad iska diiwaan galisid safka loo galo guryaha ama aad rabtid inaad ogaatid hadeey jiraan guyo bannaan waxaad booqataa bogga internetka.

Bogga internetka waxaa ka heli kartaa oo kale shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo dillaalka guryaha kireeya.

Sawir dayaarad lagu qaaday koorka xaafad guryo ah lehna noocyo kala duwan oo ah guryaha iyo baarkinada baabuurta.  Meeshan waxaa ku badan geedaha dhaadheer.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn ee hadda loogu hadlo degmada Sandviken waa luqadaha carabiga, af-soomaaliga, tigreega, daari iyo faarsi.

Jaaliyado iyo ururu

Sandviken waxaa ka jira jaaliyado badan oo kala duwan korna udhaafaya 400 oo jaaliyadood.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha degmada Sandviken waxaa kuyaal xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska bulshada, hey'adda qaabilsan dadka howlgabka ah iyo hey'adda cashuuraha oo kulligood isku hal lookal xafiisyo ku leh. Waxaa kale oo ku yaallo bartamaha magaalada dukaammo kala duwan, bangiyo, farmashiiye, shineemo, maktabad, meel lagu dabaasho oo caan ah iyo waxyaabo kaloo badan. Dukaamada waaweyn ee raashinka kulligood waxeey ka ag dhowyihiin bartamaha magaalda.

Jid leh guryo kiro oo gaagaaban lehna dukaamo ku yaala dabaqa hoose.  Banaanka dukaamo leh meelo la fariisto oo ay ku hareersanyihiin doog iyo geedo.

Degmada Sandviken waxaa kuyaallo laba dukaan oo ah kuwa gacan labaadka, waxaana lagu gadaa alaabta guryaha iyo maacuunta. Meel ujirta 15 daqiiqo degmada waxaa kuyaallo Valbo köpcentrum oo eey dukaammo fara badan ku yaallaan sida IKEA.

Shaqaalaha maktabada oo jooga maktabada bulshada, jooga miiska oo haysta kambiyuutar, caawinaya gabar dhalinyaro ah.  Qolkan waxaa yaala armaajoojinka buugta oo ay ku jiraan buug.

Waaxda isdhaxgalka dadka kasoo kala jeeda jinsiyadaha kala duwan ee Sandviken waxeey dadka ajnabiga ah u diyaarisay warbixin ku saabsan adeegyada guud ee bulshada. Rugtooda lagu booqan karana waa Björksätra mitt. Taleefankooduna waa: 026-241715, 026-241760. Waxaa kale oo meesha kuugu diyaar ah shaqaale ku hadla luqada carabiga, tigreega iyo af-soomaaliga.

Dhanka banaanka ee goobta dabaasha Parkbadet. Dhanka dhismahan waxaa ku wareegaya salaanka laga soo siibto biyaha, banaanka dhismahana waxaa ku yaala meelo la fariisto.

Dalyeelka carruurta

Caruurta lagu haayo dugsiyada xanaaneynta iyo barbaarinta caruurta waxaa lagu kala hayaa 26 qaybood oo kala duwan. Intaas waxaa sii dheer laba rug oo loogu tala galay xanaanada qoyska kuwaasoo iyaguna leh 3 waax oo qaabilsan rabbaynta iyo wax baridda. Shaqadaasna waxeey waafaqsantahay hab wanaagsan oo caruurta ka dhiseeysa asaaska si loogu diyaariyo waxbarashadooda mustaqbalka.

Afar caruur ah oo u labistay sidii xayawaan kala duwan oo ku ciyaaraya iskoolka dhaqanka ee Flygande draken.  Caruur xiran dharka masraxa oo matalaya madax-kui, sac, rah iyo libaax.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Sandviken waxaa ku yaalla 8 dugsi hoosedhexe, Vallhovsskolan, Jernvallsskolan, Murgårdsskolan, Montessoriskolan, Sätraskolan, Söderskolan, Björksätraskolan.

Labada dugsi sare ee Sandviken waxeey kala yihiin Bessemerskolan och Göranssonska skolan.

Furadaha waxbarasho

Haddii aad tahay qof qaan gar ah, dooneysidna inaad wax baratid waxaa jira fursado badan aad kala doorankartid adigoo eegaya waxaad rabtid inaan rabtid iyo meesha aad dooneysid inaad ka gaartid waxbarashada. Meelaha aad wax kabaran kartid waxaa kamid ah vuxenutbildningen, särvux, sfi, högskola iyo kuwa kale.

Caafimaadka

Haddii aad ubaahatid daryeel caafimaad waxey Sandviken leedahay 3 goobo caafimaad ah.

Rugta qaabilaadda degdegga ah ee ugu dhow waxeey ku taal Gävle oo 2,5 mayl ujirta Sandviken.

Waxaa kaloo ku yaal Sandviken familjecentral/mödravårdscentral.

Daryeel dhinaca ilkaha ah hadii aad ubaahatid waxey degmada Sandviken leedahay Folktandvården iyo meelo kale oo gaar loo leeyahay.

Caawinaad turjubaan

Haddii aadan ku hadli karin luqada iswiidhiska waxaad xaq uleedahay turjubaan ku hadla luqadaada hooyo marka aad la xiriireysid xafiisyada kala duwan. Waaxda isdhaxgalka dadka ee degmada Sandviken waxaa ka shaqeeya dad ku hadla luqadaha carabiga, af-soomaaliga iyo tigreega maadaama dadka soo galootiga ah ee degmada badankood ku hadlaan luqadahaas.

Xiriirka gaadiidka

Degmeda waxeey leedahay xiriir wanaagsan ee dhinaca basaska iyo tareenada (X-trafik, SGS-bussen, Tåg i Bergslagen iyo SJ) kuwaasoo maraya magaalooyinka waaweeyn sida Gävle (20 daqiiqo) iyo Stockholm (2 saac). Basaska iyo tareenada waxeey ka baxaan Sandvikens resecentrum.

Shaqo iyo ganacsi

Sandviken waxaa ku yaallo shiradda biraha ee Sandvik AB. Goob farsameedka lagu magacaabo Sandbacka Park waxaa ku yaallo ku dhowaad 50 shirkadood oo ubadan kuwa farsamada gacanta iyo kombiyuutarada, waxaana markii leesku daro ka shaqeeyo 900 oo qafood. Maalin kasta waxaa Sandviken kashaqo tago una soo shaqo tago ku dhowaad 9 000 oo qof. Dadka maalin kasta soo galo Sandviken oo tiradooda tahay 4 996 ayaa ka badan kuwa ka baxa oo tiradoodu tahay 3 963 ( tirakoob 2011).

Shaqaalaha eey degmada leedahay waxeey kor udhaafayaan 3 100 shaqaale.